Dumar laba daamood kala jooga! (WQ: Khadar Faarax Siciid)

Saliikha, oo ahayd xaaskii Casiis1 ee Yuusuf calmatay ka hor intii aan nebinimada loo igman, iyada oo awal horeba quruxley qaabsan Alle u abuuray ahayd ayay haddana isu sii qurxisay si ashqaraar iyo indho-daraandar leh. Yuusuf oo kolkan kuray ah, muddo tobaneeyo sano ku simanna ay gurigeeda ku korinaysay ayay muxibbo iiman la’aan iyo edeb-darro isugu jirta u qaaday. Waa ay is-cadrisay oo cillaan isku sibbaaqday sidii caruusad caawa la hoynayo oo kale, kadibna wakhti jawigu ku habboon yahay, qasriguna cidla yahay ayay qolkeedii ka soo baxaday oo dhankii Yuusuf u soo dhaaqaaqday oo si dhiirran ugu sheegtay ujeedkeedii tumashada iyo dhagarta ahaa. Hadalkana erayo beer-qaad leh ayay ku ibafuratay, oo waxay tidhi: “aniga ayaa ku calmaday”

Yuusuf cs waa wiil dahiran, edebsan, qaawanaanta jidhkeeda iyo quruxdeeda banyaalka ahna aan jeclayn inuu ku sirmo. Amarka Alle oo uu jebiyo iyo boqorkii sida wanaagsan u soo xanaaniyay inuu khiyaamo ayuu qalbigiisu siin waayay. Markii uu ogaaday gabadhu inay weerar u soo diyaar garawday oo waanada iyo waxsheeggu aanu deeqayn ayuu dhabarka jeediyay oo ka cararay isaga oo dhanka Illinka beegsanaya, iyana illeen way qaatan tahaye way eryatay, shaadhkiisana xaga dhabarka xantoobsatay oo soo xejisay. Iyaga oo xiiqsan oo isna uu firdhad yahay iyana ay is leedahay wiilku yuu kaa fakan e qabso oo qolka la tag ayuu kii qabayna (Casiis) si kedis ah hortooda ugu soo mudh yidhi!

Yuusuf oo aan erayba weli odhan, ayay si kalsooniyi ku jirto u tidhi: “Ninka xaaskaaga xumaan la doonay maxaa lagu xukumi karaa, ee aan ahayn xabsi iyo cadaab daran?!” Yuusuf, oo la yaabay dacwadda gabadha ee gacan-ku-rimiska ah ayaa yidhi: “iyada ayaa i khasbaysay”

Mid garyaqaana oo goob joog ahaa ayaa hadalkii ka dhex qaatay oo yidhi: “Haddii shaadhkiisu xagga hore dilaacyo ku leeyahay, iyada ayaa runley ah, isna waa beenaale; haddii se shaadhkiisu xagga dambe ka dillaacan yahay isaga ayaa runle ah, iyana waa beenaaley!”

Halkaana waxa ku fashilmay wareeggii kowbaad ee ay Saliikhi ku doonaysay inay Yuusuf shukaansato iyo damacii ka sii dambeeyay ee kufsiga ahaa. Wareeg kale oo ay gashay ayaa jiray, laakiin kaa isga ka warrama mayno –soo koobid darteed.

Muqaalka gabadhaa gurracan ee xumaha ku qaatan, anshaxii wanaagsanaa iyo xishoodkiiba xayuubisay, bal ka kaalay oo kan kalena eeg. Ka dibna isbarbar-dhig samee.

Waa hablo xishoodka lagu ababiyay, lagu barbaariyay oo ku gashaantiyoobay guri cibaadada Alle lagu cammiray; hablahaasi waa ilma Nebi Shucayb cs. Waxay ku astaysnaayeen xishood heerarkiisa ugu sarreeya, wxayna ka dhawrsanjireen in ay sinaba ragga ugu milmaan; kaftan la wadaagaan, la caweeyaan, caawimo waydiistaan ama haasaawe daandaansi ay ah la doontaan.

Aabohood waxa uu ahaa duq da’oobay oo aan tamar wayn lahayn. Degaan cidla’ ah ayaa ay xayn ku haysteen, xoolahaana waxa ciidan u ahaa labadaa hablood oo keliya. Iyaga ayaa daajin jiray, waraabin jiray, buuxsinka u soo goyn jiray, dib-jirka iyo dugaagga ka ilaalin jiray.

Xishoodkoodo heerka uu gaadhsiisnaa hablahani xoolaha marka ay waraab geeyaan ama ay dhaanka arooriyaan ragga darka wax ka waraabsanaya ma ay waydiisan jirin wax Kaalmo ah, balse waxa ay sugi jireen inta ceelku ka cidloobayo ee waraabsatada mid kooda u dambeeya ka fulayo. Markaas ayaa inta ay yeelkooda la soo baxaan xayntooda waraabsan jireen, dhaankoodana dhaansanayeen!

Nebi Muuse cs oo daallinkii Fircoon iyo golohiisii arxanka darnaa ka soo firxaday ayaa ku soo beegmay meel labadan hablood ay xayn oomman ku hor joogaan. Markii uu waydiiyay sababta ay xoolaha oomman meesha ugu tubayo-caddaynayaanna waxay u sheegeen in ay sugayaan inta waraabsatadu fulayso -oo aanay jeclayn inay ragga goobta dhooban dhexgalaan- aabbohoodna uu yahay oday talax gabay. Nebi Muuse cs, waa uu u waraabiyay xoolihii. Kulankaasina waxa uu noqday gogolxaadhkii xididtinimada laba nebi oo milgo leh.

Dulucda

Dumarka muslimiinta ah dersi baa ugu sugan: Xaaska Casiis xubneheeda axasaaasiga ah ee ay qaawisay iyo adeegsiga erayo-shukaansiyeedka ayay damacday inay ku hanato qalbiga wiilka ay ka ledi wayday –waa nebi Yuusuf e. sidaasina waa sida ay sameeyaan dumarka ay Saliikha wadaagaan isirka xishood la’aanta.

Ina nebi Shucayb cs asluub wanaagga iyo xurmaynta ay xurmaysay xeerarka xishoodka ee waalidkeed ku soo barbaariyay ayay ku hanatay Muuse cs, oo ka mid noqday nebiyada haldoorka ah ee Eebbe u doortay inay aadamaha gaadhsiiyaan farriintiisa.

Ragga muslimiinta ah dersi baa ugu sugan: Yuusuf oo ku jira da’dii dhalliinyaranimada bilawgeeda oo ah xilliga dareenka shahwadu ugu xoogga badan yahay, waxa uu awooday in uu is xakameeyo, oo haweenaydaa hantida, bilicda iyo awoodda siyaasadeedba leh ee damacday inay isu dhiibto mar kalena damacday inay kufsato waa uu ka diiday oo weliba ka firdhaday, oo arrintaa aawadeed ayaa loo xabbisay.

Nebi Muuse cs, hablaha markii uu xoolaha u waraabiyay ilaaq iyo hadal ka doon-doon kale midna lama gelin, dar Alle ayuu u caawiyay, dabeedna waa uu ka dhaqaaqay oo geed halkeer ah hadhkiisa ku nastay. Hadalka isaga iyo hablaha dhexmarayna wax uu ahaa intii hawshu keensanaysay oo keliya.   Dabciga Nibi Muuse na murtibaa ugu duugan kuwa fahmaya.

WQ: Khadar Faarax Siciid

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR