Duqa Muqdisho oo la kulmay Gudoomiye-yaasha Degmooyinka (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Finish) ayaa waxaa uu markii ugu horeysay uu la kulmay Gudoomiye-yaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ku xog wareysanaayay Gudoomiye-yaasha Degmooyinka, iyadoo uu warbixino kala duwan ka dhageystay.

Kulanka oo dhawr saacadood qaatay ayaa waxaa si dhow looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dardargelinta amniga, nadaafadda & dib u soo noolleynta bilicda magaalada iyo xoojinta barnaamijka canshuuraha, si kor loogu qaado daqliga gobolka.

Duqa Magaalada Muqdisho oo kulanka shir guddoominayay ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ka qabsooma Xarunta Dowladda Hoose Xamar, tan iyo wixii ka dambeeyay qaraxii xaruntaasi ka dhacay 24-kii bishii July.

Kulankan ayaa waxaa ka qaybgalay oo goobjoog ka ahaa Gudoomiye Kuxigeenada Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR