Eden Hazard Oo Ka Hadlay Kulankiisii Ugu Horeeyay Ee Uu La Liga U Ciyaaray Real Madrid

Kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac Eden Hazard ayaa badal ku soo galay kulankii ay Real Madrid guusha 3/2 ah ka gaadhay kooxda Levante kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga isaga oo markii ugu horaysay ciyaaray horyaalka La Liga.

Ciyaarta kadib xiddiga ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay in uu bilowdo xirfadiisa Rasmiga ah ee kooxda Real Madrid.

“Waxa aan rajaynayaa in uu noqdo bilowday wax fiican”ayuu yidhi.

“Waxa aan doonayaa in aan ku raaxaysto kubada cagta aan la ciyaarayo saaxiibaday iyo in aan ciyaaro kulamada”.

“Bernabue waa garoon khaas ah taageerayaashuna mar walba waxa ay daba joogaan xiddigaha kooxda”.

“Waxa aan ku faraxsanahay in aan daqiiqado ciyaaray iyo aan guul gaadhnay”.

“Marka aad dhaawac ka soo laabato way adagtahay in aad dib u hesho qaab ciyaareedkii fiicnaa waxana ay u baahantahay wakhti”.

“Laakiin arinta ugu muhiimsan ayaa ah in aan kulanka guul gaadnay”.

“Kadib 2 bar-baro waxa aan u baahnayn in aan guul gaadhno kulankan”.

“Waxa aan doonaynay in aan dib u helno kalsoonida”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR