Ernesto Valverde oo qorsheynaya in Vidal uu boos cusub u adeegsado! Ma ahan Difaac.

Keliya Luis Suarez ayaa ah ciyaaryahanka ciyaara weeraryahanka ay ku tashaneyso kooxda Barcelona, tii oo ay jirto inuu jidka saarranyahay Munir El Haddadi.

Sidaas darteed macallinka hooggaamiya Barca ee Ernersto Valverde ayaa maanka ku haya in Arturo Vidal uu qayb ka dhigo qorshayaashiisa weerarka.

Vidal ayaa shaqada weerarka waxa uu in badan ka caawiyay xulka qaranka Chile marka ay dhaawacyo imaadaan.

Waxaana uu shabaqa geliyay 25 gool, ka dib 105 ciyaar oo uu u saftay xulkiisa.

Valverde ayaa caddeeyay inay maskaxdiisa kusoo dhacday in Vidal uu u adeegsado weerarka, waxaana uu yiri “waa macquul”.

“Waxa uu leeyahay awood uu halkaas ku ciyaaro, waxa uu inta badan gaaraa booskaas.

“Waa dooq, waan arki doonaa” ayuu yiri Valverde.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR