Faafista Qarsoodiga Ah Ee Asalka U Ah Cudurrada Soo Jiitama Iyo Sida Loola Dagaalamo Q.1aad, cutubka Shanaad (WT: Khalid Curaagte)

Kansarku waa cudurka labaad ee hoggaaminaya cudurada ay u dhintaan dadka reer Maraykan, inkasta oo sida ay u egtahay uu ku socdo in uu booska koowaad kala wareego wadne xanuunka oo uu sidaasna ku noqdo xanuunka koowaad ee ay ugu dhimashada badan yihiin dadka wadankaasi . Caadi ahaan, kansarku wuxuu saamayn ku yeeshaa xubno badan oo ka mid ah jidhka aadamaha. Sidoo kale , Kansarka naasaha ku dhaca iyo kansarska borosteytka ayaa ah kuwa ugu badan ee ku dhaca  ragga iyo haweenka, laakiin waxa la aaminsan yahay in uu kansarka ugu halista badani yahay midka ku dhaca sambabada, balse saddex nooc oo aanu kan ugu khatarta badani ku jirin ayaynu ku lafa-guri doonaa cutubkan.

Inkastoo sannad kasta lacag ku dhow boqol iyo lixdan milyan oo doolarka maraykanka ah lagu kharash gareeyo daweynta kansrka reer maraykan oo keli ah, haddana waxa weli u dhimanaya dad badan. Si lamid ah sidaas, dhaqaale-lunka adduunka oo dhan uu ku keeno waxa lagu qiyaasaa ku dhowaad hal tirilyam iyo rubuc doolaarka Maraykanka ah.

Si kastaba ha ahaatee, kansarka waxaa keena sababo badan, balse midka ugu weyn doodahanni waxa ay leedahay ama ay ina tusaysaaa in kansarku yahay natiijo ka dhalatay khalkhal ku yimid hiddo-sideyaasha, laakiin cadaymo badan oo kale ayaa la imaaneya arragti ka duwan arragtidan. Si ka duwan sidaas, waxa suurto-gal ah in aanu kansarku ahayn xanuun la xidhiidha hidde-sideyaasha, laakiin wuxuu noqon karaa natiijo la xidhiidha habka shidaal qaadashada jidhka iyo cunto gubista.

Haddaba, tiiyoo aan si gaar ah loo eeganynin sababaha khaaska ah ee keena, kansarku waa xanuun ku dhaca koritaanka unugyada jidhka; unugyada qaarkood waaxaabay usii laba jibbaarmaan si aan la xakamyn karin . waxaana la ogyahay in insuliin caabisku uu qayb weyn ka yahay arrintan maxaa yeelay insuliintuu waxa ay unugyada ku qasbaysaa in ay si dhakhso leh u koraan maadama ay tahay dheecaanka bixiya fariimaha koritaanka jidhka oo dhan.

Ugu horreyn, unugyada kansarku waxa ay leeyihiin iligyo sonkor ah oo way sonkor jecelyihiin,balse  caadi ahaan unugyadeenuna waxa ay ku kobcaan marka ay jirto nafaqo badani, hase ahaatee  jidhkeenu uma baahna in unugyada jidhka oo dhami u koraan si billaa xisaab ah ama madax banaan, waxaana aynnu leenahay hab dabiici ah oo loo maamulo , oo marka ay unugyadeenu caafimaad qabaan iskama qaataan nafaqo illaa iyo ay amar ka helaan walxaha koritaanka ka masuulka ah .

Marka ay helaan fariin oo keli ah ayay unugyadu caadi ahaan nafaqo qaataan, waxayna ku tiirsanyihiin dheecaano kala duwan si ay u gubaan sinkorta ama cuntada , sidaas darteed tamarta ka dhalata gubistaas ayaa ah shidaalka uu jidhu u baahan yahay, sameyska tamartannina waxa uu ka dhacaa maytokondariyada unugyadeena.

Dhanka kale haddii aynnu ka eegno ,  unugyada kansarku waxa ay dib u habayn ku sameeyaan habka ay falgalada kiimikaad uga qayb-qaadanayeen ama shidaalkooda u heli jireen. Tusaale ahaan , illaa iyo muddo laga joogo boqol sanno (100 sanno) ayuu dhakhtar u dhashay dalka jarmalka oo loo yaqaannay Otto Hienrich soo daah furey in unugyada kansarku ay gebi ahaan ku tiirsan yihiin sonkorta si ay u helaan cuntadooda ama shidaalkii ay ku hawl geli lahaayeen. Intaa waxa dheer , cilmi –baadhisan Otto waxa ay shaaca ka qaaddey in unugyada kansarku halkii ay ka adeegsan lahaayeen maytokondariyada si ay u gubaan sonkorta una soo saaraan shidaal , ay sonkorta ku soo gubaan dibedda maytakondariyada iyaga oo aan wax hawo (ogsajiin) ah u baahanin.

Sidaas awgeed khalkhalkani waa midka u ogalanaya unugyadu in ay ku koraan meel kasta oo jidhka ka mid ah , xitaa meelaha aanu qulqulka dhiigu sidii loobaahnaa u shaqaynaynin ee ay hawadu ku yartahay. Waaa midda labaad’e, sida aad ogtahay marka uu insuliin caabisku jiro heerka insuliintu aad ayuu u sareeyaa ayay ka dhigan tahay . Sidaa darteed .  marka aad si furan uga garawdo in shaqooyinka ugu muhiimsan ee insuliinta ay ku jireen in ay koriso unugyada (sidii aad cutubyada hore ku soo arragtay) ,  waxa aad si fudud uga garaabi karaysaa dhibaatooyinkeeda.

Habka ay insuliintu uga shaqysiiso unugyada ayaa aad u korin kara unugyada kansarka , gaar ahaan marka ay unugyada kansarku iska dhiggaan kuwo u nugul inusliinta si ka duwan sida unugyada caafimaadka qaba waxaana  suurto gal ah  in  marka ay inusliin badani dhiigga ku jirto ee ay fariin u dirto taas oo ah in ay unugyada duxdu shaqeeyaan uu unug kasta oo kansar ahi oo u nuglaaday insuliintu uu u kori karo si dhakhso leh.

Haaddii aan sii yara taageero nuxurkan shaacinaya insuliintu sida ay xidhiidhka ula leedahay kansarka, mid ka mid ah wax yaabaha ugu badan ee lagu arko kansarka marka la derso ayaa ah booratiin insuliinta u eg oo isna booratiinada wax koriya ah . Booratiinkanina sida  insuliinta oo kale ayuu dhammaan jidhka koritaankiisa ka qayb qaataa . Marka dhinac laga eego waa booratiin aad u muhiim ah balse waa calaamadaha ugu caansan ee lagu aqoonsado kansarka.

Isla jaanqaadka labada fariimood ee is-weydaaranaya ee sonkorta iyo insuliintu waxa ay muhiim u yihiin in la fahmo sababta ay dadka insuliintu jidhkooda ku badan tahay ama ha ahaadaan kuwo dhuudhuuban ama ha ahaadeen kuwo cayillan’e ay u sii laba jibbaarmayso dhimashadooda la xidhiidha kansarku( ay ugu dhimmanayaan kansarka ) . Guud ahaan , noocyada ugu caansan uguna xun-xun ee kansarka xidhiidhka la insuliin caabbiska waa saddexdan kansar ee kala ah kasnarka naasaha , ka borosteytka iyo ka malawedka ama xiidmaha.

Kansarka Naasaha

Nooca kansar ee aad xidhiidhka ula leh isnuliin caabiskau waa kansarka naasaha ku dhaca , waana ka ugu badan ee ku dhaca haweenka reer Marykan ( inkastoo in ka yara boqolkiiba hal kiisaska kansarkan ay  raggu ka yihiin , haddana way qaadaan raggu kansarka naasaha ku dhaca). Haddaba, haweenka leh insuliin caabbisku waa kuwa yeesha caqbadaha ugu xun-xun ee kansarka naasaha ku dhaca.

Xusuuso, insuliintu waxa ay unugyada amartaa in ay koraan, waxaana unugyadaas ka mid ah illaa kuwa kansarka, laakiin korodhka insuliinta oo keli ahi wuxuu si madax banaan isna xidhiidh la yeelan karaa kansarka naasaha  ku dhaca . Si ka duwan sidaas, celceliska fiixaha naaska kansarka leh ayaa ah kuwo aad uga jawaaba insuliinta si aanay  unugyada kale uga jawaabin .

Gebi ahaan, xidhiidhka ka dhexeeya insuliinta iyo kansarka naasaha waxa baadhitaan lagu so wadey muddo aad u dheer, markii ay billaabmeen tijaabooyinka daweynta bukaanada kanasarka la nooli waxa lagu deyey dawooyin hoos u dhigaya heerka insuliinta jidhkooda , taasina wax lala yaabo may noqonnin oo waxa la arkay xaaladdooda oo kasoo reyneysey , laakiin waxa muhiimdu ay tahay in cilmi-baadheyaashu ogaadeen in insuliin caabiska oo la xakameeyaa uu wax-tar u yeeshay xakamaynta iyo ka hortagga kansarka naasaha.

Kansarka Borosteytka

Kansarka borosteytka ku dhaca ayaa ah ka ugu badan ee ku dhaca ragga ku dhaqan Marykanka , waxaana uu had iyo jeer ku dhacaa ragga waayeelka ah. Si la mid ah kansarkii horre kansarkan borosteytka ku dhacaa wuxuu xidhiidh la leeyahay insuliin caabbiska maxaa yeelay sida naasaha oo kale borosteytku waxa uu la shaqeeyaa dheecaano kuwaas oo haddii uu  korayo ama yaraanayoba uu ka amar qaato  , hase yeeshee maadada dheecanadan fariin waddeyaasha ah ee borosteytka la shaqeeya ugu caansan ayaa ah dheecaanka raganimada ama testestaroonka, insuliintuna kama maqna falgalkan oo waxa ay ka qaadataa door muhiim ah.

Haddaba waxa aad u muhiim ah , ka hor inta aanu ninku ka werwerin kansarka borosteytka ku dhaca waa in uu ka werwero in borosteytku balaadho. Tani waa xaalad ku caan ah had iyo jeer ragga waayeelka ah taas oo ku keenta in kaadidu dhibto (marka uu borosteytku balaadho wuxuu xannibi karaa kaadidii ka soo bixi lahayd kaadi-haysta). Intaa waxa dheer , ragga leh insuliin caabbisku waxa ay saddex meelood-oow laba jeer halis ugu jiraan in borosteytku balaadho, marka loo eego ragga aan lahayn insuliin caabbiska, sidaas darteed insuliintu markasta oo ay korodho waxa ay la mid tahay qulqulladii oo dhan ayaa yaraanaya( dareereyaasha jidhka).

Si kastaba ha ahaatee,   ragga leh insuliin caabisku khatarta ay ugu jiraan in ay qaadan kansarka borosteytku waxa ay kor uga badan tahay 250% marka la barbardhigo ragga kale ee ay isku da’da yihiin, isku qabiilka yihiin, ama misaankooda jidheed isku midka yahay. Waxa aan shaki ku jirin insuliin caabiska iyo kansarka boresteytku ay si wada jir ah qofka u haleelaan, inta bandanna saynisyahanadu waxa ay su’aal iska weydiiyeen in uu kansarka boresteytku yahay astaanta ugu dambeysa ee insuliin caabbisku ku dambeeyo iyo in kale.

Si ka duwan si’yahan, cilmi-baadhis lagu sameeyay shan boqol oo nin , ayaa lagu pgaadey in insuliintu ay xidhiidh toos ah la leedahay khatarta uu qofku ugu jiro kansarka boresteytka.  Lakiin , xidhiidhka ka dhexeeya borosteytka iyo insuliin ma aha mid ku dhammaanaya in insuliinta dhiigga la socotaa badato , balse sidii kansarka naasaha ku dhaca oo kale ayay samaysmayaan burooyin xun xun oo insuliin kunoole yaal ahi .

Kaddib, mar labaad marka insuliinta dhiiga ku jirtaa ay xad ka baxa noqoto waxa kordhaya tirada burooyinkan kansarka ah oo sababbaya ama carinaya in uu qanjidhka borosteytku weynaado oo uu dhaafo intii uu ahaa markii uu caafimaadka qabay taasina sidii aynnu kor ku soo sheegnay waxa ay leedahay khatarteeda. Waxaad niyadda ku haysaa in mar kasta oo qanjidhka borosteytku uu yahay mid si fiican u shaqaynaya uu isticmaalayo insuliin aad u yar  iyo sidoo kale sonkor tirro yar leh, halka, mar kasta oo borosteyt kansar ama kansarka naasuhu uu jiro ay samays-mayaan fiixo  badan oo insuliinta la shaqeeya oo sonkor bandanna isticmaala.

Kansarka Malawedka

Insuliin caabbisku waxa uu xidhiidh la leeyahay ama uu sababi karaa kansarka ku dhaca qaybaha hoose ee habdhiska dheefshiidka oo ay ka mid yihiin mindhicirrada iyo malawedka , sidoo kale waxa ay sii kordhin kartaa khatarta uu leeyahay kansarka malwadka ku dhacaa. Dhab ahaantii, dadka leh insuliin caabbisku qiyaas ahaan saddex jeer ayay dhimashada la xidhiidha kansarka malawdaka ku dhaca kaga badan yihiin kuwa aan lahayn insuliin caabbiska, sidaas dareedeed waxa la aaminsan-yahay in insuliin caabisku uu yahay qodobka ugu weyn ee sahla in la qaado kansarka malawedka.

Dhanka kale haddii aynnu ka eegno waxa la arkay in insuliinta badani ay sababi karto in tirada unugyada lakabka dibedda ugu xiga mindicirooyinka ee sib-siibtaa ay kordhayaan waxayna mararka qaar u muuqanaysaa xaalad wanaagsan, laakiin marka aynnu tix-gelino dhibaatada kansarkan oo ah in  ay unugyadu u korayaan six xad-dhaaf ah ama u badanayaan si kabadn intii caadiga ahayd , dabcan waxay noqonaysaa xaalad aan wanaagsanayn.

Sida aad ka war-qabto , kansrku waa xanuun argagax-leh, haddana sida uu u muuqdo ee bakhtiyaa nasiibka ah ; dadka caafimaadka qaba ee sameeya waxyaabaha wan-wanaagsan ama hab-dhaqanada caafimaadka qaba ayaa haddana weli khatar ugu jiri kara qaadista xanuunkan, halka sigaaryo cab muddo dheer sigaarka soo cabayey ay suurto gal tahay in aanu qaadin kansar.

Waxa aan shaki ku jirin in ay jiraan qodobo keeni kara kansarka oo aan la xakameyn karin oo ay ku jiraan hiddaha iyo da’du. Sidaas awgeed, in aynnu diiradda aad u saarno qodobada la xakamayn karo sida deegaanka iyo cuntada aynnu cuno lafteedu waa xeelad macquul ah oo birta lagaga asli karo kansarka oo waxna lagaga qaban karo haddii aynnu wanaajino labadaba.

Ugu dambeyn majiro qodob keli ah oo aynnu leenahay kaas oo keli ah ayaa keena kansarka balse waxa aynnu cutubkan ku aqoonsanay in qodobka ugu muhiimsan ee saamaynta ugu badan ku leh qaadista kansarku uu yahay insuliinta oo loo aqoonsanayahay in ay hoggaaminayso qodobada keena kansarka. Nasiib wanaag, dib ayaynu ka eegi doona oo waa mid wax kaqabso leh! Wakhti xaadirskan, haddal iyo dhammaan waxa aynnu ka soo haddalnay mawduuc aad u culus oo kansarka ah, waxaana inoogu xigi doona mawduucyo kale oo mawduuceennii guud iyo kan ba isku deyeya in ay beyaamiyaan ama xal u helaan.

W/T: Khalid Curaagte

Author: Dr. Benjamin

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR