Faah faahin: Qarax lala beegsaday shaqaalaha wax ka dhisa wadada Muqdisho iyo Afgooye.

Faah faahin: Qarax lala beegsaday shaqaalaha wax ka dhisa wadada Muqdisho iyo Afgooye.

Gaari ay la socdeen shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya injineerada Turkida ah ee dhismaha ku wada wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa goordhaw lagu qarxiyey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyey hal qof shacab ah oo wadada marayey ayaa ku geeriyooday qaraxaas, sidoo kale qof kale ayaa ku dhaawacmay, waxaana ka badbaaday shaqaalihii lala beegsaday ee la socday gaariga.

Qaraxa oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa shaqaalaha Soomaalida ah ee wax ka dhisa laamiga xariiriya Muqdisho iyo Afgooye ku haleelay aagga beerta qaadka, waxaa halkaas ku burburay gaarigii ay wateen oo ahaa HILUX.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in khasaare uusan soo gaarin xubnihii la socday gaariga oo sida la aaminsanyahay uu bartilmaameedku ahaa.

Sidoo kale dadka noo waramay waxay noo xaqiijiyeen in laba qof wadada maraysay uu haleelay qaraxaas, kuwaas oo mid goobta ku geeriyooday midna ku dhaawacmay.

Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya wadada laamiga ah ee xariirasa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ahaatan meel gaba-gabo ah maraya dhismaha laamiga oo ku sii dhaw Afgooye.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR