Faahfaahinta: dagaal xooggan oo ka dhacay xabsiga Boosaaso

Faahfaahinta: dagaal xooggan oo ka dhacay xabsiga Boosaaso

Laamaha kala duwan ee Amniga Gobolka Bari, ayaa si buuxda u fashiliyay weerar culus oo caawa dabley hubaysan ku soo qaadeen xabsiga weyn ee Boosaaso.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo ayaa isu rogay dagaal toos ah oo dhexmaray kooxda iyo ilaalada xabsiga weyn, waxaana markii dambe ku soo biiray Ciidamo ka tirsan Laamaha Amniga Boosaaso.

Kooxda oo doonayay in ay gudaha u galaan xabsiga, ayaa iska caabin xooggan kala kulmay ilaalada xabsiga, kuwaas oo durbadiiba gurmad culus ka helay Ciidamada kale ee dowladda.

Khasaaraha la xaqiijiyay waxa lagu sheegay saddex dhimasho ah iyo shan ruux oo dhaawac ah, inkastoo aan weli la helin khasaaraha rasmiga ah.

Sidoo kale, waxa jirta in hoobiyaal bannaanka laga soo riday ay khasaare kala duwan gaysteen, balse aan tiro sax ah laga hayn.

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR