Faaidooyinka ay leedahay gabar inaad dhashid (WQ: Fahad Shaakir X. Xasan)

Faaidooyink ay leedahay gabar inaad dhashid

1- gabadha mar walbo aabeheeda ayay is jecleysiisaa qalbigiisana way soo jiidanaysaa laakiin wiilka aabihiisa ayuu madax xanuun kusi ridaa

2- gabar markaad leedahay waad iska dhargaysaa laakiin wiilka dayn ayuuba kusii galinaa

3- gabdhaha ma dhib badna sida wiilasha oo kale

4- hadii aad 3gabdhood bar baarisid oo si wanaagsan u bar baarisid janada ayaad galaysaa,laakiin hadii 3 wiil aad korisid waxaa qasab ah mar un inaad xabsiga soo booqatid

5- gabadha abaaheeda aragtidiisa ayay wax walbo ka fahmaysaa laakiin wiilasha 7luqadood hadaad kula hadashid kuma fahmayaan

6- gabadha howsha guriga oo dhan ayadaa kaaga filan hadalna kuguma soo celinayso,meesha wiilka uu kugu waalayo aaway biilki aaway waxaas

7- gabadhaada hadaad kalsoonidaada siisid way ilaalinaysaa meesha wiilka hadaad kalsoonidaada siisid uu ku tumanayo

8- waxaa lasoo ogaaday gabdhaha inay waxbarashada kaga horeeyaan wiilasha

9- gabadhaada haday shaqo hesho lacagteeda wax ayaa kaasoo gaarayo meesha wiilkaaga uu rabo inaad adiga wax ugu dartid

10- hadaad xanuunsatid gabadhaada kaama ag tagayso ayadoo waliba ilamaynayso kula dhafrsayso wax walbana kuu qabanayso

11- gabdha way xishootaa laakiin ma baqdo meesha wiilka uu baqo laakiin uusan xishoon

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR