Faallo iyo sokoobid: Buugga dhaqanka Hindiya “ثقافة الهند” (WQ: Mohamed A Faroole)

Hordhac:
Buuggu waa buug aan weynayn tiro ahaan, tayo ahaan se aad u mug weyn.
Waa buug loo qaybiyey majalaat badan oo tiroba 100 majladood ku dhow, majlad walbana tiro u gaar ah leedahay,tusaale ‘Buug yarahani waa majladdii 68aad, gaar ahaan qaybtiisii 2aad’. Arrinkani wuxuu inaku sii badinayaa haraadka aynu u qabno sooyaalkaas guntiisa iskadaa eh, aan girgirkiisa la gaadhin. Buugga waxaa daabacday madbacadda Golaha isku xirka dhaqanka hindiya ”Asad Bhavan Indraprastha Estate, New Delhi-110 002”. Bishii afraad-bishii 6aad ee 2017. Qaab ahaan waxay u daabacday qaab soo jiidasho leh oo indhuhu u bogayaan. Buuggu waa mid yaab badan, xiise badan, xallad badan, xummad badan Isla jeerkaasna aad gaar ula xayraami doontid kolkaad foodsaartid bariiska iyo bushmaha aan is bariidin karin. Waa dhigane ay dul ceegaagaan cilmi, caqli, caqiido, cilaaj, iyo weliba ciyaaro aan cagta laysku ciilayn. Waxaad dhexgelaysaa dhaqankii, dhurkii, dhaameelkii, iyo dhiiranaantii raggii u dhaba-xaaray xeerarka iyo xulashada nololeed ee bulsha-weynta hindiya.
Waxaa la sheegaa in ‘dhegtaadu waxay maqashay wax la mid ahina uu ka jiro hindiya’. Waxba yaan hadal idinku daalin eh aan idiin dulxaadiyo xaashiyaha hore ee buugga midabkiisu uu guryaha guduudan, dhumucda gubanaysa, iyo badda gaasaabaxaysa, jeldiga buugga lagu sharaxay ama lagu gedgediyey, labada dhinacba oo daawashadu ay la geyoonayso oo ku ashqaraarayso mar kalena ay ku gawaan raacayso.
Wuxuu buuggu ka koobanyahay 14 mawduuc ama tusmo, Oo mid walba kiisa kale uu ku lamaanyahay aad se moodid inuu si guud kuugu dulka xaadinayo muuqa uu leeyahay dhaqanka hindiya gaar ahaan dhanka caqiidada iyo caadada oo ah mid kala jaan ah oo isku jirta haddana. Sidoo kale buuggu isagaa inoo dhilaya dhaqamadaas isku qoofalan oo kolba adiga iyo qoraaga buugga ayaa qardoofooyin isku qabsanaya, haddana isku shaafinaya qaybta ku xigta. Aynu dooxno nuxurka buugga dabadeedna aynu tilmaanno meelaha muhiimka ah, isagoo uu buuggu yahay mid aan haba yaraatee ku jirin bog aan nuxur gudbinayn.

Taariikh kooban:
Dalka aan wax yar ka xuso dhaqamadiisa iyo Meesha uu ku yaal. Waxaa la sheegaa in diinta Hinduism ku ay tahay diinta ugu faca-weyn diimaha hindiya, uguna tirada badan, waxaa lagu qiyaasaa dadka aaminsan 79.80%. waa celcelis la sameeyey sanadkii 2011. Muslimiinta 14.23% , masiixiyiinta 2.30%, sikhda 1.72, jiiniyiinta 0.37% , dii8maha kale sida yuhuudda iyo majuusiga waa tiro 1% ka Yar. Dawladda hindiya waa dawladda 7 aad ee ugu weyn dawladaha caalamka bed ahaan, waa dawladda 2aad e ugu dadka badan tiro ahaan, waa in ka badan 2.34B. Hindiya waxay xad la leedahay Chine, Pakistan, Bangladesh, Burma, Nepal, Bhutan. Waxaa mara badda Carabta iyo badweynta hindiya. Dalka hindiya waxaa jira ayaamo maamuusan, kuwooda ugu caansan waxaa ka mid ah: maalinta dalka hindiya ay xornimada qaadatay (15 August) sanadkiiba mar. Maalinta jamhuuriyadda ama dawladnimada hindiya iyadana waxaa la xusaa sanadkiiba (26 January). Sidoo kale waxaa jirta maalin gaar ah oo dalkoo dhan laga xuso waa dhalashadii Gandhi ”Gandhi Jayanti” oo Sanad walba la xuso October 2. Waxa uu dhashay aabihii dalkaasi ‘2 October 1869’, iyadoo dadka qaar ay qabaan inuuna ahayn aabihii dalkaasi hindiya, iyaduse waa dood kale.
Hindiya waxaa loo aqoonsanyahay oo lagu qadirayaa luuqadeheeda inay ka mid tahay luuqadda ”Sanskrit” oo bulshada dunidu badankeedu ay qabaan inay tahay luuqadda ugu faca weyn dunida. Dastuurka hindiya wuxuu ictiraafsanyahay 22 luuqadood, iyagoo ay dhaafayaan luuqadaheedu boqolaal, waa tirakoob la sameeyey 2001.Labada luuqadood oo iminka bulshadu kuwada xiriirto waa luuqadaha ingiliish ka iyo hindiga. Waqtigii dawladdii islaamku ay ka talin jirtey dhulweynaha hindiya luuqadda rasmiga ah waxay ahayd luuqadda Persian ka(فارسي), waxay faaftay waqtigii xukuumaddii magoolku ka talin jirtey dhulka hindiya.

Faallada iyo sookoobbidda buugga:
Magaalada Varanasi waxay kulaasha xeebta webiga Gaanji (الغانج) ee ismaamulka ”أوترابراديش”, waxay dhacdaa .
Magaalada ‘:varansai” ama ”Kashi” astaamta magacan lowgu bixiyeyna waa iyadoo uu dhaco illaaha (Shiva). Inbadan waxay ahayd meesha ugu barakada, muqadasnimada, iyo weynaynta weyn dhulweynaha hindiya. Waxay ahayd magaalada Varanasi laanqayrta iyo iskutallaabta ugu weyn ee isku xidhta bulshada hindiya dhaqankooda, dhaxalkooda, falsafaddooda iyo diintooda kala duwan ee kala salka ah. Sidoo kale magaalada Varanasi waa kacbada ugu muqaddasan, ee barakada iyo booqashada eebbe ay u tagaan bulshadu godol walba oo aan gaabsi lahayn. Si ay ugu baaqi ahaadaan fadliga eebbohood (الموكشا، Moksha) oo ay uga muquurtaan madhnaanta ruuxaaniyeed, dhibaatada adduunka ee walaxaysigu maasheeyey, dhimashada iyo ka lugbixidda diiqadda nolosha. Waxay ahaayeen dadkaasi kuwo dhurkooda iyo dhaqankooda ku dabra dhalashadooda, noloshooda iyo dhimashadoodaba. Si aanu u fasakhmin oo aanu u liinbixin fankoodu.
Isla magaaladani waa tii udub-dhexaadka u ahayd sadexda diimood ee (الهندوسيه والبوذيه والجينيه) weliba si siman ay isu kulaalayeen. Waxa ay ahayd meesha ruuxda dalku ay kasoo shidaal qaadatay ilbaxnimadii, fankii, farshaxankii iyo fikiradihii kala duwanaa ee dabwadaagga iyo deriska ahaa. Sidoo kale waxay ahayd magaaladii xambaarsanayd dhambaalka midnimada iyo ruuxda dalka hindiya ee kala duwanaantu afsaartay, markii danbena iimaanka usii daysey jaadadkan diimaha ahi inay dadkeedu is dugsadaan. Waa meelaha lagu xuso inay nabadda iyo tawfiiqda dunidu ku arrooraan.
Caqiidooyindka iyo caadooyinka diinta hinduusamku ay ka koobantahay waxaa ka mid ah (الدراماشاسترا: Dharmashastra) caqiidadan waxaa lagu badhitaara ruuxda dadka iyo lubbiga. Waxay Ina leeyihiin sidoo kale walxaha laga helay caqiidadan waxaa ka mid ah sadex dhab oo nolosha lagu xaqiijinayo: 1=”الكارما: Karma: shaqo ama hawl”2= (البهاكتي: Bhatki: Cibaado badhaxla’ ). 3=(الجيانا: Gyan: aqoon).
Shaqada, cibaadada suufinimada ah iyo aqoontu waa sadexda aqaaniim ee heeryada u ah xadhkaha magaalada Varanasi.
Heesaha iyo dhaanta magaaladan lama tirin karo oo waa kuwo xadhkaha goostay, se waxaan ka xusayaa suugaanta dabka la xiriirta oo ay Isla magaaladani ay caan ku tahay. Suugaanta dabka intooda badan waxaa diimeeyey wadaada hinduusamka, sidoo kale waxay leeyihiin maalmo gaar ah oo wadaaddadu werdiyaan oo dhaanteeyaan, iyagaaba ka badsaday. kuwaas waxaa ugu caansan ‘تلسي داس, iyo أسي غاط’ waa ragga falkiya xuska caanka ah iyo ciidda ”SuryaShashthali”, sidoo kale waxaa iyaguna dhankooda ka jiibiya qolada jiiniyiinta ah. Waxay lahaayeen bulshada Varanasi xirfado badan oo ay ka mid yihiin: samaynta cudbiga, falkinta cawsha, dharka xariirta ah, samaynta caanaha, saariga hindiga oo ay dumarka hindidu caan ku yihiin, seefaf iyo waramo dahab laga sameeyey. waxay soo saari jireen caano, nooc ka mid ah xalwadda (macmacaanka), cuntada fudud sida tan suuqa lagu sameeyo, ‘cake’ga, oo aan nafaqadu ku badnayn, iyo aaladaha lagu ciyaaro ee fudfudud. Jaamacadaha ugu caansan waxaa ka mid ah jaamacadda banaarus ee hinduusamka ah, (BHU) waa jaamacadda ugu faca weyn dalka hindiya, waxaa la aasaasay sanadkii 1916, waxaa aasaasay MADAN MOHAN MALAVIYA. Waana xarunta waxbarasho ee ugu weyn cilmi baarista iyo maadooyinka kalee cilmiga ah ee qadiimiga ah dalkaasi gaar ahaan diinta hinduusamka. Waxaa jira madaaris kale oo falsafadda hindiya bud-dhigay oo bir dhexaad u noqday. waxaa ka mid ah ”مدرسة آدي شنكر آشاريا”, iyadoo lagaga naqdiyo falsafadda ”أدفايتا فيداتنا: Advita vedanta”, iyadoo iskuulka lawgu magac daray falaasifadii dalkaasi ugu caansanaa mid ka mid ah. Varanasi waxay leedahay qalcado waaweyn oo caan ah, kuwooda ugu caansan waxaa ka mid ah ‘قلعة رام نغر’. وقلعة شنار غره’. Matxafyada ugu caansan waxaa ka mid ah Bhart kalabhon’ waa dhismaha fanka hindiya’. Varanasi waxay qabaan inay tahay magaalo muqadas ah, waa qiblada ugu faca weyn hindiya, waxayna ka mid tahay todobada magaalo ee loo yaqaano ( سبتا بوري : Sapta puri), waa meelaha ay ka helaan xasiloonida si ay uga badbaadaan shuqulka dunida iyo shahawaatka ku xeedhan. Wuxuu yidhi آدي شنكر آشاريا عن قدسية فارناسي: “faa’idada boqcadan barakaysani, adduunka kuligii waa boodhaysanyahay marka afartan laga soo reebo: ‘ku noolaanshaha magaalada kashi, la fadhiga akhyaarta, biyaha wabiga Ganga , iyo cibbaadada illaaha SHIVA’.
Barxadda fanka, waxaa lagu sheegaa “بنارس غرانه” .(مدرسة بنارس)، iskuuladii ugu qadiimsanaa ‘duugga ahaa’ ee jaaska, muusigga hindida, dugsiga waqooyiga hindiya ee varnasai, oo baddiba u banbaxay baridda arrimaha muusigga, heesaha hallaasiga ah, xulashada codadka xabeebtu ku ladhantahay.
Heesaha hadalka caadiga ah loogu luuqaynayo hindidu caan bay ku yihiin. noocyadooda ama jaadadkoodana waxaa kamid ah “Dhrupad, khyal, thumri… ”.
Noocyada muusigga hindiga ah waxaa ka mid ah ” رورا فينا, سوربهار, و سيتار/Sitar, surbahar, raw ravina’ . Iskuulada kale ee fanka caanka ku ahaa isla magaalda varnaisa waxaa ka mid ahaa “dusiga Kathak” isagoo caan ku ahaa kabanka iyo kitaarka. Magaalada waxay u qirtay hay’adda UNESCO in ay tahay magaalada ugu weyn ee taariikhda fanka bini’aadamka. Intuuna soo if-bixin nuurka illaahigaa ‘Dharmachakraparivartan’. qawmiyad walba illaaheeda un bay calanka u haysay, qolo cajiladaha riwaayadaha sida iyo qolo cajiladaha diiniga ah sida “سارناثا” oo ay ku barakaysan jireen boosaska buudhiisamku, waxa uu ku dhashay magaalada “تيرتانكارا” oo diinta jiiniin ta ah sadex illaahna sii kala ahaa, qaarkood waxay qabaan in dhididkiisii oo la dhuujiyey oo sadex loo kala beekhaamiyey waxayna kala ahaayeen :
(Parshawnath), (Supershawnath) iyo ( shreyanshnath). Macbadka singabuur oo jamaacada diimuqbariyadu haysatay baa iyaguna qaatay, oo ku biiray jiiniyiintii.
Aan kusoo noqdo webiga gaanji wuxuu ku baaqi noqday barakada illaahaas, oo uu kula baxay magaca “webiga ugu barakada badan”. Waxaa lagu sheegaa kitaabka in webiga “Vishnu puran” abuuritaankiisu uu ku dhamaaday dhiig ka qulqulaya lugaha jilifta ah ee illaaha “Vishno hin” oo ku sido illaaha “SHIVA” madixiisa. Waxay aaminsanyihiin hinduusamku in biyaha webiga GANGA “Gangajali” uu safaysanyahay oo ku daahirinayo shay walba hal quusitaan. Qof walba oo koob ka caba biyahaas barakaysan, kuna mayrta ama ku qubaysta webiga Ganga in acmaashiisii xumayd (denbigiisii) oo dhan la dhaafayo, uu daahirmayo, weliba uu suubane noqonayo. Qaarkood waxayba aaminsanyihiin in astaamihii bahalnimo ee hooseeyey lagaga xuubsiibayo. Waxay diin ahaan u aaminsanyihiin in cibaadaysiga webiga GANGA agtiisu inuu ka ajar badan yahay, meelaha kale.
Sidoo kale waxay jecelyihiin in goorta ay dhashaanba keenaan ilmahooda webiga GANGA ama kuba dhalaan wabiga agtiisa,
Kolkay dhimanayaanna ay jecelyihiin in lagu gubo webiga GANGA agtiisa.
Waxaa jirta dhaqan soomaalidu leedahay gaar ahaan gobolka sanaag aynu isu eegno labadan sheeko oo caqiido iyo caado adag qolo walba dhankeeda ku ilaashatay, {bulshada ku nool magaalada qadiimiga ah maydh ee dhacda xeebta badda cas, waxaa ku aasan shiikh isxaaq axmed oo Sanad walba bulsho aad u badani ay soo siyaarato, dadkaasi siyaarada shiikha u yimi waxaa lagu wargeliyaa inay isku daahiriyaan ceeldaahir oo ah ceel ku agyaal xabaasha shiikha, si uu qofku isu daahiriyo waxaa ku filan hal quusitaan ama inuu ka cabo ceelka, si uu suubane saxartiran u noqda. Waxaa la xusaa iyadana in qofkii ku maydha uu noqonayo casho dhalay lubbigiisa iyo laabtiisuna cidhiidhi, colow iyo xiqdiba laga siibayo. Markii uu qofku awaamiirtaa sameeyo ayuun baa booqashadiisu noqonaysaa mid barkhadeed}. Waa sheeko abka soo gaar ah. Ma innagaa soo dheeganay dhaqankaas oo maydh iyo sanaag kusoo seetaysanay? Mise iyagaa xeebaha kasoo talaabay oo xeebtaas maakhiriga dhaqanka ka mija-xaabsaday? Adaan kuu deynayaa jawaabta. Isla magaalada Varanasi oo ahayd boqcad barkaysan waxay isu bedeshay boqcad burburtay oo boodhaysan!!. Magaaladu waxay foodsaartay burbur iyo baabi’in dhaqankeedii, dhaqaalaheedii iyo dhurkeediiba waxaa dhulka la simay duulaano kala gedisan oo kaga imanayey dhanka xadaaradihii cusbaa ee kasoo kulaalayey gacanka carbeed. Waxa uu buuggu xusayaa in duulaanadaas ay hogaaminayeen muslimiintu, markii danbena ay uga danbeeyeen kuwii maangooliyaanka. Taariikhdu waxay xustaa inay hogaaminayeen dagaaladaas ‘Qudbu-diin Aybak, fiiroos shaah’ iyo kii Al-skaandhar-Al-wudhi (قطب طين أيبك وفيروز شاه واسكندر اللودهي ), xiliyo kala gedisan bay jabsadeen magaalada iyo qalcadaheedii oo dhulka la simeen, macaabideedii iyo munaaradaheediiba.
Waxaa iyana xusid mudan in magaalada muuqeedii, magaceedii, macaabideedii iyo muunadeedii ay dib usoo noqotay waqtigii boqortooyadii magoolku gaar ahaan xiligii Jalaalu-diin maxamed-akbar.

Waxaa iyaduna jirta dhaqamo badan oo dalka hindiya aad loo adeegsado, markii danbe se qolo mayal adagi intay heshay ay tiirarka diinta ku dareen.
Dhaqanka guurka ayeynu wax ka odhanaynaa gaar ahaan deegaanka mithila(ميثيلا). Waxay dhacdaa dhanka waqooyi ee dalka hindiya, waa xadka ay India la leedahay Nepal. Guurku waa xiriir mideynaya laba ruux oo lab iyo dhedig ah, iyadoo lagu salaynayo midayntaas sharci iyo caado busho. Bulshada hinduusamka ah dhaqanka guurka waxay ka leeyihiin laba ujeedo oo bud-dhig u ah:
Qodobka hore waa Gudashada waajibaatka diiniga ah oo qofkii ka taga waxay qabaan inay carro eebbe iyo belaayo haleelayso. Sidoo kale waxay qabaan in qofku godolkiisii horeba uu badh/jeex ahaa oo uu uusan dhamaysan ahayn abuuritaankiisiiba. Sidaas darteed uu noqonayo dhamays godolkii uu guursado gayaankiisa. {Waxaa aad iskugu eg sheekooyinka lakala daynsado, in abuuritaanka qofku uu godolkiisii horeba uu badh ahaa, waxaa aad u ictimaada qolada giriiga}. Aan ku noqdo qodobka labaad: Gudashada taranka iyo tafiirta qoyska oo waxay qabaan in qofku haddii uusan guursan uu dhaqankii tarmidda, kii abka iyo awoowaha ee ood isku dhiibka uu halkaas ku go’ayo, masuuliyadda dayacaaddaasina ay gayaanka aan guursan micne dilayso.

Dhaqamada deegaanka mithila waxaynu xusaynaa qaar ka mid ah kuwa guurka ka horeeya ee bulshadaasi ay fuliyaan.
QODIDDA DHULKA: Dhaqanka guurka ka horeeya wuxuu ka bilaabmaa horta in dhulka la qodo, waa maalin ama laba maalin guurka ka hor. Bulshadaasi ciidda si weyn bay u ciseeyaan, qaarkoodna tiirarka cibaadada ugu darsadaan, oo waxay ku dooddaan in ciiddu barakaysan tahay, waligeedna aysan dhamaanayn. Shaqada qodida waxaa dhamaystira caruuska walaalkii, kolkii uu dhameeyo ayey qaraabadii wixii ay heli karayeen oo sanamyo ah soo hilaabtaan, si ay eebbohood ugu baryaan lamaanaha is calmaday. Sidoo kale bulshada qaar baa iyaguna godadkaas kolkay qodaan ducada iyo dalbashadana gunaanadaan, Waxay caado u leeyihiin in caruusku uu xambaaro caruusadda Isla markaana uu kala tilaabsado godadka iyo meel walba oo haadaan ah, waxay qabaan haddii ay halkaas caruusaddu ku istaagto in belo iyo baasi ay ka adeeganayaan oo booraamo baas u qodataan gurigaa cusub. Waxaan maqlay sheeko somali, iminkana inay siibatay baa suuragal ah oo bulshadu ayna wada maqlin. Waxay tiraahdaa {In haddii dumarka lalasoo baxsaday ay lugahooda kaga talawdo togga Daldawan ‘marka dhubato xoogaa la dhaafo intaan la gaadhin Oodweyne, bulshadu aad u aaminsanayd in musiibo iyo beelayo haleelayso dumarka. Sidaasna ninku dusha ku xambaari jirey ilaa uu togga dhiniciisa/daantiisa kale geynayo}. Waa sheeko aad ugu eg sheekadaas hore ee hindidu dhaqanka guurka iyaguna sameeyaan. MITHILA da dhaqamada ay kaga soocanyihiin bulshooyinka kale waa kuwo aad u tira badan, oo midkoodba midka kale uu kasii fajac badanyahay. Waxaa ka mid ah dhaqamadaas qaarkood, In guurka ka hor muddo la isticmaalo sacfaraanka hindiga (هاردي لاغون) , in geedkaas la qoosho kadibna lagu dhedhejiyo labada qof arooska ka hor, markay tahay oogta waaberi ama jarmaadada hore ee subaxda arooska ka horeysa. Waxay habluhu iska xilsaarayaan dhamaynta masuuliyaddooda innagoo og in libinta ugu wayn ee arooska ay ciyaaraan habluhu. Waxay isku qooshayaan habluhu cajiin karakam ah, sidoo kale waxay ku darayaan wixii kale ee dhaqan iyo caado u ah qolo waliba. Qaarkood waxay ku daraan sareen ama qamadi iyo shaciir.
Qaar kalena waxay ku daraan caano iyo suugo. Markay alaabahaas isku qooshaan ayey waxay u kuurgalaan siday ugu qurxin lahaayeen wajiga caruusadda iyo weliba jismigeeda intiisa kale. Geedka karakamka la dhaho waa mid aad u bidhbidhiya midabka qofka oo ka dhiga mid wanaagsan oo siman. Sidoo kale aan taagtaag iyo haaro lahayn. Waxaynu ogsoonahay in midabka sacfaraanka hindida ama karakamku uu yahay huruud biyo-biyo ah. Bulshadaasi waxay aamintay in midabkaas wanaagsan iyo geedkaasi ay nolosha lamaanaha ka dhigayaan mid ubxisa oo bidhbidhaysa, dhalaankooduna uu ahaanayo mid qurux badan oo lagu aayo. Waa sababta ay bulshadaasi badankoodu ugu labistaan waqtiga arooska midab huruud ah. Dad adan oo deegaankaas ku nooli waxay aamineen in isticmaalka sacfaraanka ee xiliga arooska ahi uu leeyahay awood uu kaga hortago sharka iyo ruuxda baasaysiga. Loomana ogolaado labada caruus inay ka baxaan guriga irridkiisa ilaa maalinta arooska maahee, sidoo kale waxaa loo xiraa kuul barakaysan oo ka hortagta arwaaxda iyo sharka.

TODOBADA WAREEG EE DABKA:
Dhaqankani waa mid caan ah, labada caruus waxay ku wareegaan dabka todoba jeer guurka ka hor, iyagoo la iskugu xidhay dharka, sidoo kale uu ninku horeeyo mar walba. Sidoo kale isku xidhka qolo kale waxay ku micneeyaan in la isku xidhayo lamaane isu hiloobay oo markoodii hore jeex/badh ahaa, iminkana buux/dhamays noqday. Waxaa la isku xidhaa marada labada qof ee is calmanaya si layskugu dabro labadii lamaane, oo ay aaminsanyihiin inay weligood sidaas isugu xidhnaanayaan maryahoodu. Xadhiga lagula wareegayo dabka qolo waxay ku micnaysaa in isku xidhkaasi ay ka dhalanayso galad eebbe oo ay arwaaxuhu midoobayaan, halkaasna ay ka samaysmayso nolol dhamays ah oo aan dhinayn.
Waxaa loo yaqaan dhaqankan (غاثباندان) oo loola jeedo ‘guntinta guurka’ oo haddii ay gutaan waajibkaas ay isku xalaaloobayaan, si kale haddaan u dhigo waa meherka hinduusamka.
Dabka ay ku wareegaan waxay ku tiriyaan noocyada dabka kuwooda ugu barakada badan oo muqadaska ah, oo labadaasi ay noqonayaan gayaan suuban oo daahiran, korkoodana ay belaayadii ka buulayso.
Waxay sheegaan gudashadaasi inay tahay waajib diini ah, Akhlaaqi ah, Ubxinaya, Ruuxda lamaanaha nooleeya, xorriyad, iyo dhereg jinsiyadeed oo lamaanuhu ay kaga baahi-baxaan wax walba.
Qabiilka Naaja: Waxaa jira qabaa’il badan oo ku nool waqooyi bari ee dalka hindiya waxaa ka mid ah qabiilka ”ناجا” oo ah qabiilo badan oo isku tegey godolkii danbena lawgu magac daray dhulkii ay deganaayeen oo la dhaho dhulkii xafladaha ama maamuusyada. ناج لاند: ارض المهرجانات . Dadkiisu waxay u badanyihiin masiixiyadda, in yar baa aaminsan hinduusamka iyo muslimka. dadkani waa magoolka hindida ah, waxay ku hadlaan luuqado tiro badan, waxay ka koobanyihiin in ka badan 16 qabiilo, tiro ahaan ma badna se waa dadka leh dhaqamada ugu faca weyn. Waxay leeyihiin ciyaaro, dhaantooyin, qoob-ka-ciyaar badan, xaflado iyo ciidad tiro badan oo in kabadan 2000 oo sanno soo jirey. Qabaa’ilkan intooda badani waa dad reer baadiye ah oo noloshii daba-dhoonka ahayd weli kama soo hoyan, bulshadu waxay u arkaan kuwo silic iyo saxariir la nool. Waa dad lagu xanto inay silic iyo saxariir ku noolyihiin. Dhanka kale se waa dad dhaqankoodii iyo dhurkoodii guntiga u dhuuqsaday oo si weyn uga soo horjeestay dhaqamadii guumaystaha iyo kuwii kale ee deegaanka kusoo siqayey.
Xirfaddoodu waa mid aad u sareysa waxay sameeyaan inta badan farsamooyinka gacanta, dharka suufka ah, kan cudbiga ah, iyo dharka biriqda leh oo ay caan ku yihiin samayntooda hablaha Naajuhu. Waxay aaminsanyihiin inuu eebbohood siiyey nimco dabiici ah oo mehrajaanaat ah. Sidaas darteed dhaqankooda waxaa dulceegaaga maamuusyo gaar ah, xaflado joogto ah, fasax iyo xusitaan aan xad lahayn.
Waxay qabsadaan sanadkiiba ciidad ka badan 15 ciid oo mid walba ay caqiido ahaan iyo tawxiid ahaan u aaminsanyihiin qaba’ilkeedu. Waxaa iyaduna xusid mudan 16 ka qabiilba waxay xusaan ciid gaar ah, qolo walba waxay qabtaa in waajibaat gaar ah uu ka saaranyahay inay nooleeyaan dhaqankooda.
Waxaa ka mid ah qabiiladaas qabiilka: HORNBILL:’waa ciid lagu qabto caasimada gobolka, gaar ahaan magaalada ‘كوهيما ‘ waxaa la xusayey ciidkan in kabadan 2000 oo sanno. Waxaa la qabtaa xaflad asbuuca ugu horeeya ee bisha december sanad walba’.
MOATSU : waxaa xusa ciidkan qabiilka loo yaqaan Aaw (آو), sidoo kale waxaa la xusaa asbuuca ugu horeeya bisha 5aad Sanad walba. Waxay aaminsanyihiin shaqo walba in xusuusta eebbe godol gaar ah looga xuubsiibto si aan layskugu barxin baaqa eebbe iyo baaqa madaxda ama maamuladaada. Sidoo kale waxay dhisaan muddadaas guryo tabarucaat ah oo loo dhisayo wadaadada iyo golaha degmada si lowgu dhowaado eebbohood.
Waxaa xusid mudan iyana in ay beeraan qabiilkaasi beerihii qalalay ee qadiimiga ahaa, si aan dhulku u dhiman, eebbohoodna ugu caroon. Waxay isku dayaan inay falaan oo beertaan bariiska, sidoo kale waxay martisoor aan la suurayn Karin u sameeyaan madaxdooda, iyo culimadooda iyagoo u gawracaya lo’o iyo doofaar, iyagu cunnida kula weheliyaan. Waxay isku dayaan inay meel kuwada cunaan dumarkooda iyo ragoodu, si ay farxadda iyo funjaanka u wada fuuqsadaan.Way wada dhaanteeyaan oo wada dheelaan, wada cabaan oo wada cunteeyaan sidoo kale way wada ciyaaraan.
TULUNI: ‘waxaa xusan ciidkan jilib/jufiyo badan oo ka tirsan qabiilka سومي :soomiga. Waxaa la xusaa asbuuca labaad ee bisha 7aad ee ay Soo baxaan miraha, ubaxa intiisa badanna uusoo biqlo. Waxaa lagu tiriyaa xuskan mid ka mid ah kuwa ugu caansan. Waxay la bilaabmaan xusaskani godolkuu soo baxo bariiska. Markaas uu so go’ waxay isu hadiyeeyaan koob laga sameeyey caleemaha geedka muuska oo la qurxiyey, agtoodana qiime badan ka leh.
Waxay isku dhexgalaan ragga iyo dumarku si aan xad lahayn oo laabxaadhan iyo xusul isasaar ah, waxay sheegaan in muddadaas wax kala xadeynaya aysan jirin gayaanka.
Waxay is waydaarsan hadiyado ragga iyo dumarku, caruurtuna waxay is waydaarsadaan dhankooda dalag iyo hilib. Beeralayduna waxay qalaan lo’o iyo doofaar si ay hilibkoodana wada jir isku waydaarsadaan oo iskugu hadiyeeyaan.
Waxay beeralaydu ku raaxeystaan cunista hilibka lo’oda, cabitaan wada jir ah, heeso, qisooyin iyo shalaadka hoobalka ah. {Waxaad ku arkaysaa maqaalka hindida oo hilibkii lo’oda cunaysa, marna isku hadiyadeynaysa, mar kalena isku martisooraysa, wuxuu ahaa muddo badan hilibka lo’odu mid cuntada ay quutaan ka mid ah, weliba kuwa ay ugu jecel ogyihiin, se godol danbe cuniddii hilibku waxay isu bedeshay caado diimeed, dawrar kala gedisan soo martay, ilaa ay gaarsiiyeen waddaadada hindidu inay ku daraan diintooda. Waxaa lagu tiriyaa waddaada hindida kuwo aad u xagjir ah inay yihiin.
Waxaa iyana jirta qabiilo kale oo tiro badan sidoo kalena sameeya xus aan xanibaad lahayn. Bulshadan ku nool waqooyi bari hindiya waxaa lagu tiriyaa bulshada dhifka iyo naadirka ah oo ruuxdoodii aan madhnaan nafeed, iimaan l’i gudeed, iyo kalsooni daro ka nabad helay oo aan farxaddooda iyo foolkoodu marna shiiqin..
Waxaa yaab mudan in aan buuggu uu qorayo heeso badan oo ay leeyihiin hindida, wuxuu xusayaa in ciyaartii Asia laga ciyaari jirey islamka ka hor, (illaahyadii ay caabudi jireen ).
“Ahura-masta, Anna hobal ina haysban”, illaahii nabadda iyo khayrka.
”Ahira-ma” illaahii sharka iyo colaadda.
Waa illaahyo loo ciyaari jirey xiliyada xafladaha iyo maamuusyada (مهرجانات) ka oo masraxyo loo sameeyo, sanadkiiba mar la xuso. Waxaa laga ciyaari jiray deegaamada afganistan iyo iran meelaha loo yaqaano oo ay dab wadaag ahaayeen hindiya, isku bulshona ay degantahay.
{Waxaa kugu soo dhacaysa judhaba heestii soomalidu ay caanka ku ahayd ee ‘Ahura-masta Anna haaba Anna hays baan,
Niman heelayn ma haboone Anna haaba,
Ahira-ma hee Anna haaba Anna hoobale,
Niman heelayn ma haboone Anna haawa’.}.

Wuxuu sheegaya buuggu qaabkii iyo qaar ka mid ah raggii ugu cuslaa ee halganka fidinta dacwada islaamka soo geliyey deegaanka hindiya guud ahaantiisa.
Xiriir ganacsi iyo mid dhaqan dhaqaale oo u dhaxeeya labada bulshada Carabta iyo bulshada hindida, hindidu waxay kulaali jireen badda carabta. Waxay ahaayeen kuwo isku dhoofiya dharka sindida, suufafka, Seefaha, iyo suumanka.
Waxaa dhacday godolkaas in ay dad badani ka islaamaan hindidii ku noolayd dhulka xeebaha, gaar ahaan xeebta sindhi.Waqti Yar ka dib waxaa xoogaysatay awoodda muslimiinta oo xukumaysay baddi deegaamada aasiya oo xudduuda, waxa uu weeraro iyo duulaamo is daba joog ah kusoo qaaday dadkii aan muslimiinta ahayn ee hindida Maxamed binu qaasim, waxaa u suuragashay muddo Yar ka dib in uu jebiyo oo jiiro difaacii webiga Sindhi kulaalayey oo uu xukunka islaamka hoosgeeyey bulshadaas badankeedii. Waxaa xusid mudan in ay uu suurageli wayday dhowr isku day oo hore xiligii Khaliifkii labaad ee cumar, dagaaladaas Waxaa hogaaminayey Cusmaan binu-Caas Al-saqafi. Deegaamada hindiyadii hore qaar badan oo ka mid ah baa ku qancay qaadashada diinta islaamka. Waxaa jirey iyaguna rag dawr weyn ka ciyaaray kaalintoodii bulsho ee dalka hindiya laysku odhan jirey. shiikhul-Qaadi-mujaahidu-Al-islaam-Al-Qaasimi. (1936-2002).
Waxa uu ahaa labeenta culimadii muslimiinta ee kaalin hogaameed ka ciyaaray, dejintii iyo daah-reebistii siyaasadda iyo bulshada hindiya.
Waxa uu ka mid ahaa ragga ogaalka iyo aqoonta badan fahamka fiqiga, fatwada,, garsoorka, xeerarka, qiyaaska axkaamta tashbiihaa, aragtiyaha iyo qawaacidka ku jaango’an sharciga.Waxaa uu wax ka bartay madarisada cilmiga ee diyuubandi, sanadkii 1955م.Waxa uu qabtay garsooraha ismaamulka BIHAR iyo AWRIZA hadda waxa waxaa loo yaqaan (اوديشة). Waxa uu noqday garsooraha ugu sareeya hay’adda arrimaha qofka ama xeerka qofka ee dalka hindiya (Indian Muslim personal law Board) sanadkii 1999kii. Waxa uu aasaasay majliska ugu weyn ee ay ku daba-faylaan muslimiinta hindiya, (All India Mlli council) sanadkii 1999. Waxaa loo aqoonsanyahay inuu ka mid ahaa garsoorayaashii ugu wanaagsanaa ee dalkaasi soo mara qarnigii labaatanaad. Waxa uu ahaa qoraa, bulshaduna waxay ugu naanaysi jireen Qadaa’a Al-Qaasimi (قضاءالقاسمي), Kutubtiisa carabiga ahaa waxaa ka mid ahaa, gaar ahaan kuwa fiqiga ah: (صنوان القضاء وعنوان الإفتاء) oo afar majladood ah. Iyo kitaabka (الذبائح: أنواع الذبائح وأحكامه) ، iyo kitaabkiisa (فقه المشكلات)، sidoo kale kitaabka (بحوث فقهية من الهند) iyo qaar kale.

Nabad iyo Naxariis eebbe ku Nuug oo ku afsaar.

Mahadsanid.Image may contain: outdoor, water and textImage may contain: one or more people, sky, outdoor and waterImage may contain: 10 people, crowd

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR