Fabio Grosso oo ka mid noqday musharaxiinta Azzuri ugu cad cad inay la wareegaan

 

Fabio Grosso oo haatan tababare u ah naadiga Bari heerka labaad horyaalka Talyaaniga cayaarto ayaa u sharaxan hogaaminta Azzuri.

Fabio Grosso waayihiisii cayaareed waxaa lagu xasuusan doonaa inuu tuuray gool ku laadkii ay xulka Talyaaniga koobkii aduunka 2006 kaga qaadeen France.

Kulan deg deg ah ayay berito Roma ku yeelan doonaan xiriirka kubada cagta Talyaaniga ayadoo halkaas looga dhawaaqi doono in Ventura xilka Talyaaniga laga qaaday.

Italy hoos u dhacii ugu xumaa ebid ayaa ku habsaday madaama 60-sano kadib ayay koobka aduunka kasoo muuqan doonin.

Corriere dello Sport ayaa qortay in Grosso uu haatan kusoo baxay musharax lama filaan ah madaama uu xili cayaareedkan shaqo qurux badan ka haayo naadiga Bari.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR