FALANQAYN: Sababihii Liverpool Ka Caawiyay In Ay Garaacdo Man City

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Man City kulan ka dhacay garoonka Anfield kana tirsanaa todobaadkii 12-aad ee horyaalka premier League.

Goolasha 4-ta ah ee kulanka ayay kala dhaliyeen xiddigaha Fabinho, Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Bernardo Silva xilli ay Liverpool dhigeea Man City dhabarka u saartay guuldaradii 3-aad ee horyaalka xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa falanqaynta meelihii ay Liverpool ugaga adkaatay Man City kana caawiyay in ay gaadho guusha.

1.Daafaca:

Kooxda Liverpool ayaa ahayd koox ay daafaceedu isku xidhnaayeen iyada oo xiddigaha Virgil Van Dijk si fiican isku fahamsanaayeen si fiicana u difaacdeen.

Waxa intaas sii dheer in xiddigaha Trent Aarnold iyo Andy Robertson in ay ahaayeen kuwo dhibaato weyn ku ah kooxda Man City iyaga oo ku ahaa halis xoogan marka laga yimaado difaacashadii ay sida fiican u difaacanayeen.

Kaliya xiddigaha daafaca ayaan ahayn kuwo si fiican u difaacanayay laakiin dhamaan xiddigaha weerarka iyo waliba khadka dhexe ayaa dib u soo laabanayay marka ay Man City kubada haysato iyaga oo si koox ahaan ah u difaacanayay marka ay lumiyaan kubada.

2.Fabinho:

Xiddiga reer Brazil ayaa mar kale muujiyay tayadiisa isaga oo ahaa xiddiga wadanaha u ah Liverpool kulanka hadii ay noqoto kubad uu dilay iyo waliba in uu waliba kooxdiisa kubada si fiican ugu hayay marka ay u dhiibaan taas oo ka caawisay in uu kala dhantaalo xiddigihii khadka dhexe ee kooxda Man City kuwaas oo mar walba kubada luminayay.

3.Weerarka:

Xiddigaha Sadio Mane iyo Mohamed Salah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed lagu siin karo xiddiga garoonka iyaga oo dhaliyay 2 gool.

Labada xiddig Ayaan kaliya masuul ka ahayn weerarka laakiin waxa ay sidoo kale kooxda ka caawinayeen difaacashada.

Mane iyo Salah ayaa khatar joogto ah ku ahaa daafaca Man City iyaga oo xitaa si joogto ah boosaska isugu badalayay intii ay ciyaartu socotay.

4.Khaladaadkii Man City:

Kooxda Liverpool ayaa ka faa,iidaysatay khaladaad ay samaysay kooxda Man City gaar ahaan qaybtii hore ee ciyaarta oo ay xiddigaha Man City marar badan sameeyeen khaladaad ka caawiyay in ay halis galiyaan Man City.

5.Rikoodhka Man City Ee Anfield:

Kooxda Man City ayaa ku dhibaatoota mar walba oo ay timaado garoonka Liverpool ee Anfield kaas oo dhagax ku noqday in ay saddex dhibcood kala baxdo ama ay guul ka gaadho tan ilaa sanadkii 2003.

Kooxda Pep Guardiola ee City ayaan si fiican ugu ciyaarin Anfield marka ay timaado iyaga oo waliba sameeya khaladaad caawiya Kooxda Liverpool.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR