Fatahaado ay ku dhinteen in ka badan 100 qof oo ka dhacay Mozambique iyo Malawi

Ugu yaraan 115-ruux ayaa ku dhimatay Mozambique, Malawi iyo  Koonfur Afrika, markii Roobab xoogan oo dhaliyay fatahaado ay saameeyeen 843,000 Dad ah oo ku nool Koofur Bari ee Qaaradda Afrika.

Saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa xaqiijiyay dhibaatooyinka ay sababeen fatahaadahaasi, waxayna ku baaqeen in lagu dhaqaaqo gurmad Bini’aadanimo oo lagu badbaadiyo dadkaasi.

Ugu yaraan 66 Qof ayaa ku dhimatay Mozambique, 45 kalana waxa ay ku geeriyoodeen Malawi, halka 4 kalena ay ku dhimatay K/Afrika, markii Rooobab mahiigaan ah ay ku dhufteen dalalkaasi.

Dalaka Malaawi iyo Mozambique ayaa wado dadaalo lagu gargaarayo dadkii ku barakacay fatahaadahaasi, waxaana la saadaalinayaa in ay sii socon doonaan ilaa maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR