FIFA Virus: Arsenal Oo Dhirbaaxadii Ugu Horaysay Kala Kulantay Fasaxa FIFA & Xiddig Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay

Kooxda Arsenal ayaa la kulantay dhirbaaxadii ugu horaysay ee Virus-ka FIFA kadib markii uu dhaawac soo gaadhay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Dani Ceballos.

Dani Ceballos oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan xilli ciyaareedkan ayaa la sheegayaa in uu seegay tababarka xulka qarankiisa Spain kadib dhaawac muruqa ah oo soo gaadhay.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Spain dhaawac muruqa ah ka soo gaadhay tababarka kooxdiisa taas oo keentay in uu seego tababarkii maanta oo khamiis ah.

Warkan ayaa wal-wal ku haya tababaraha kooxda Arsenal ee Unai Emery marka loo eego in ay kooxdu kulamo badan ciyaari doonto kadib fasaxa xulalka.

Ceballos yaa Arsenal ugu soo biiray heshiis Amaah ah suuqii xagaaga waxana uu kooxda u ciyaaray kulamo badan isaga oo bandhigay qaab ciyaareed fiican.

Wixii cusub ee ka soo baxa xaalada Ceballos wararkeena dambe Ayaan ku soo gudbin doonaa….

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR