Full Time: Bayern Munich Oo Kuguulaysatay Germany Super Cup, Iyo Lewandowski Oo Seddexleey Shabaqa Duldhigay.

Ciyaarta oo inteeda badan ay maamulayeen Xidigaha Bayern ayaa Waxa goolka koobaad ukeenay xidigooda weerarka Robert Lowedowski kaas oo daqiiqaddii 21-aad shabaqa soo taabtay,  Halka kan labaadna uu isla Lewadndowski saxiixay daqiiqaddii 26-aad, ciyaarta ayaana qaybteedi hore lagu kala nastay 2-0 oo ay ku horkacaysay Bayern Munchen.

Marki la isku soo laabtana BAYERN ayaa Halkeeda kasii waday goolasha ay ku harqinayso shabaqa Frankfurt Lewandowski ayaana daqiiqaddii 54-aad dhaliyay goolkiisii seddexaad ee ciyaarta,  iyada oo Kingsley Coman uu ciyaarta kadhigay 4-0 kadib markii uu daqiiqaddii 63-aad shabaqa gaaray, halka Kan shanaadna uu daqiiqaddii 85-aad shabaqa dhex dhigay xidiga reer Spain ee Thiago Alcantara.

ciyaarta ayaana waqtigii loogu talagalay kusoo idlaatay 5-0 oo ay guushu kuraacday Bayern Munchen oo sidaasna ugu guulaystay Germany Super Cup.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR