Gaadhi qarax kula kacay duleedka degmada Galdogob

2 ruux ayaa ku dhaawacantay kadib markii qarax miino uu la kacay gaadhi nooca Iska’rogada loo yaqaan ah oo marayay dhanka bari ee degmada Galdogob sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degaanka.

Gaadhiga ayaa la sheegay in miinadu la kacday xilli uu marayay degaanka lagu magacaabo Taloole oo qiyaastii 6KM dhanka bariga kaga beegan magaalada Galdogob.

Mas’uul ka tirsan maamulka degmada Galdogob oo la hadlay warbaahinta Puntland Post ayaa sheegay in gaadhiga miinadu ku qaraxday uu burbur xooggan soo gaadhay islamarkaana ay ku dhaawacmeen 2 ruux.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay aaminsanyihiin in miinada meesha lagu aasay wakhtigii dagaallada sokeeye balse wuxuu sii raaciyay in ay baaritaan ku samaynayaan.

PUNTLAND POST


Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR