Gary Neville Oo Qiimeeyay Fursadaha Man United Ee Ku Guulaysiga Premier League Kadib Markii Ay Hogaanka U Qabteen Premeir League.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Gary Neville ayaa sheegay in ay suurtagal tahay in ay ku guulaysato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib guushii Burnley.

Kooxda Man United ayaa 3 dhibcood oo cadaan ah ku qabatay hogaanka premier League kadib gushii ay ka gaadheen kooxda Burnley kulan baaqi ugu ahaa premier League.

Gary Neville oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waa xilli ciyaareed la yaab leh, hadii ayaan bilowgii xilli ciyaareedka i waydiin lahayn waxa aan ku jawaabi lahaa “Maya’ Man United fursad uma haysato ku guulaysiga horyaalka sabab la xidhiidha in ayna qaab ciyaareed fiican ku jirin”.

“Laakiin haatan waxa aan rumayan in ay taageerayaasha Man United ku riyoodaan ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumar: 4 Ficil Oo Ay Gabadhu Ku Xadi Karto Qalbiga Ninka.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR