Go’aamada Shirka Ceel-afweyn Waxay Sii Ballaadhinaysaa Colaada (WQ: Maxamuud Jaamac Axmed “Xamdi”)

(Guddidu Go’aamada Ha Ku Daraan In Xukuumada & Ciidankeeda laga Saaro Gobolka Sanaag Si Ay Labada Reerood Nabada Gacanta Ugu Dhigaan, Ciidanka Dawladuna Uu Taageero Madax-Dhaqameedka….)

Ugu Horrayn mahad-naq ballaadhan oo aan u diraayo guddida nabadaynta iyo xukuumada is-xil-qaankii iyo samirkii ay muujiyeen, Ilaahayna waxaan uga baryayaa in camalkooda wanaagsan uu wanaag badan kaga abaaliyo.

Qormadani waa nasteex, waana sababta keentay in aan qoro ka dib markii ay go’aamadu soo baxeen, maadaama ixtiraamka iyo maamuusku garsoorku uu yahay in aan wax talo ah loo jeedin inta uu ku guda jiro gar-qaadista, nuxurka maqaalkuna waa talo-soo jeedin aan jecelahay in aan cod dheer ku gaadhsiiyo haldoorka ka shaqeeyay soo saarista go’aamadan si ay ugu daraan inta ay goori-goor tahay, haddii kale waxa aan aaminsanahay in mushkilad ka weyni ka dhalanayso, masuuliyadeedana waxa yeelanaya cida go’aamadan soo saartay iyo cid kasta oo ku talisay, anigana awooda kaliya ee aan gacantayda ku hayo waxay tahay qalinka iyo nasteexada aan gudbin karo, haddii aan xilkaasina gutay, waxaan aaminsanahay in Ilaahay hortii aan waajibkaygii ka soo baxay.

Qaabka ay guddida nabadayntu ay u waajaheen colaada Ceel-afweyn waa isla qaabkii hore, suuragal-na maaha in ay ka dhalato natiijo ka duwan tii hore loo heli jiray ee ah in colaadu soo noq-noqoto.

Aqoon-yahanka Albert Einstein wuxuu waalida ku qeexi jiray sidan: (Waa qofka sameeya isla wixii hore uu u  samayn jiray laakiin ka fisha  inuu helo natiijo ka duwan tii uu hore u heli jiray).

Go’aamadan cusubi waxba may soo kordhin aan ahayn inay ku dhawaaqeen in colaadu ay marka ay soo noqoto u dhaxayn doonto laba beelood oo waawayn ee kala ah Garxajis iyo Habar-Jeclo, taasoo ay guddida nabadayntu iyagoo aan u jeedin ay fududeeyeen in saldhiga colaadu uu ballaadhnaado.

Maadaama ay marar badan soo noqnoqotay colaadani waxa ugu horreeya ee loo baahnaa waxay ahayd in laga faa’idaysto sababta soo cel-celisa colaadahan.

Saldhiga colaadani waxay tahay is dhex-galka Dawladnimada iyo Reernimada, waana mushkilad gobol kasta oo Somaliland ah ka dillaacin karta nabadgalyo darro weyn, xalkuna waa laba midkood, haddii mid la qaatana waa in ka kale aad looga fogaado:

  1. In heshiisiin beeleed la sameeyo sidii ay Somaliland caan ku ahayd sagaashameeyadii, oo reer walbana uu masuul ka ahaado deegaankiisa oo uu ka taliyo.
  2. In Dawladu ay qaab dawladeed ah u waajahdo mushkilada oo ay muwaadin kasta ula dhaqantaa qof ahaan, oo dadka dambiga faraha kula jira ay sharciga mariso.

Markaa maadaama nidaamkeena dawladeed uu asal ahaamba yahay meel ay reeraha Somaliland ee nabada ku heshiiyay ay isla qaateen inay u asaasaan si ay ugu maaweeliyaan oo ay ugu jiheeyaan dadka nabada looga baqaayo iyo si caalamka laysaga dhaadhiciyo oo ictiraaf looga helo, taasna waxa ka dhashay nidaam dawladeed oo aan tayo lahayn oo shaqooyinka maalinlaha ah ee dawlada aan si xarfad ah u fulin karin, laakiin marnaba may ahayn shacabkuna kamuu filayn nidaamka dawladeed ee ay asaaseen inay adeeg  siyaan, sidaa awgeed waa arrin loo garaabi karo qaabka ay guddidu qaadatay ee ah in ay reeraha  heshiisiiso, laakiin taasi waa in loo fahmaa in ay muddo gaaban tahay oo ay muhiim tahay in laga gudbo.

Laakiin arrinta dilaaga ah ee shaki la’aan ka dhigaaya inay colaadani soo noqoto waxay tahay in dawladu ay wali dacal ka tahay, oo ciidamadeedu ay iyaguna yihiin dacal goobta jooga.

Sidaa awgeed taladayda nasteexa ah ee Ilaahay dartii aan u bixinaayo waxay tahay: in guddidu ay go’aamada ku daraan in dhamaan ciidamada iyo maamulka dawlada laga saaro gobolka sanaag siiba goobaha colaada, oo ciidamada reereed iyo madax-dhaqameedku ay si toos ah ula wareegaan nabada deegaamadooda isla markaana iyaga lagala xisaabtamo, ciidamada dawladana waxa laga doonayaan inay kaliya beegsadaan ciidamada ka fallaagooba talada madax-dhaqmeedka reerka.

Arrin kasta oo la xidhiidha dhul-daaqsimeedka iyo deegaankana in ay madax-dhaqameedku labada reerood ay iyagu iskood u dhamaystaan, haddii ay isku af-garan waayaana ay u gudbiyaan isla guddidan nabadaynta ah.

Haddii ay guddidu sidaasi samayso waxa guulaysanaaya hawsha nabadaynta ah, taasoo la doonaayo markaasi in loo dhaqaaqo si nidaam dawladeed oo tayaysan ay Somaliland u lahaan lahayd si ay nabadu u waarto oo loo galo hawsha horumarinta oo iyado muhiimad weyn ka qaadanaysa waarida nabada.

Laakiin haddii ay tallaabadaasi qaadi waayaan guddidu oo ay dawladu ay in uun dhex joogto gobolka oo ay fulinta heshiiskan qayb ka noqoto, waxa hubaal ah in muddo aan dheerayn oo ilaa sannad ama laba sannadood amaba kaba yar ay soo noqon doontaa colaadani iyadoo aad uga xoogan kuwii aynu hore u arki jirnay.

Waan ogahay in ay jiraan laba qodob oo u baahan sharrax, laakiin anigoo hadafkaygu yahay in maqaalku koobnaado inta suuragal ah waxaan daneeyaasha siinayaa ilo ay xigan karaan oo si fiican ugu sharrixi kara arrimaha aan anigu halkan ka tagay, qodobadanina waa kuwan:

  1. In nidaamkeena dawladeed uu yahay mid magac u yaal ah oo aan hawl dhab ah fulin karin, taasna waxa aan u xiganayaa oo qiray Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi oo ka hadlaayay shir u socday wasaarada Waxbarashada toddobaadkan 31/07/2018, kaasoo sheegay in dawladu aanay awood u lahayn in wax fuliso, iyadoo hawl kasta ay shacabku kaga adag yihiin dawlada, isagoo isla markaana xusay in colaada ceel-afweyn lafteeda ay dawladiisu ugu gacan duuban tahay oo aanay waxbaba qaban karin.
  2. Sababta aan u soo jeediyay in reeruhu ay awood buuxda ay deegaanadooda loo siiyo oo laga saaro dawlada waxay tahay mabda’a aqooneed ee dhinaca maamulka dawladnimo iyo maamulka guud ahaan ee uu laba qarni ka hor uu xardhay Filoshofarka Voltaire ee ah (With great power, comes great Responsibility), macneheeduna yahay Awooda badan ayay la socotaa masuuliyada badani (la xisaabtanka), taasoo aan cidna wax laga waydiin karin meel aanuu xilkeeda haynin, qodobkana sharraxeeda faahfaahsan cidii u baahan waxay ka heli kartaa sharraxaadaha faraha badan ee laga qoray mabda’an ee ku jira internet-ka.

Dad ayaa aaminsan in ducadu iyo talo saarashada Ilaahay (SWT) ay halkan oo kale wax ka tarto iyadoo aan la raacin dariiqii saxa ee nabadaynta, laakiin xaqiiqadu waxay tahay in Nabigu (CSW) inoo sheegay in tala saarashada Ilaahay (SWT) iyo ducadu ay timaado ka dib marka uu qofku la yimaado camal.

Oo Ilaahay (SWT) ma siiyo inta badan ubad qof aan guursan, xita haddii uu Ilaahay (SWT) ka baryo arrintaasi…… arrintanina waa la mid oo ducadeena oo kaliya kuma gaadhayno nabadayn.

Laakiin iyadoo ay sidaasi tahay waxaan jecelahay in aan doorkan is-kaga biiro dadka iska ducaysta iyagoo aan asbaabtii la iman, oo Ilaahay (SWT) waxaan ka baryayaa doorkan in aanuu dhibta gobolka Sanaag mar kale inagu soo celin, sababtoo ah soo noqoshadeedu wuxuu yeelan doonaa waji aad u fool xun oo muddo dheer laga sheekaysto.

Ilaahoow guddida nabadaynta iyo xukuumada gaadhsii farriintaydan…Aamiin

Ilaahoow guddida nabadaynta iyo xukuumada waafaji qaadashada taladan.. Aamiin.

Allaahuma Qad Ballaqtu….Allaahuma Fash-had.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR