Goleyaasha Deegaanka iyo hadal haynta in lakala diro (WQ: Mukhtaar Xasan Maydhane)

Maalmahan waxa hadalhaynteedu sii kordhaysaa in dadweynuhu filayaan in la kala diro goleyaasha deegaanka ee dalka. Sharciyan, dadka aqoonta u leh ayaan u dhaafi suurtogalnimadeeda iyo in kale. Siyaasiyanna, waxaad moodaa in qanacsanaanta badan ee dadweynuhu ay fursad u tahay kala diristooda.

Inta hawshani socoto, waxa Baarlamaanku ka doodayaan xeerka goleyaasha deegaanka. Anigu waxaan arkay qabyoqoraal la ii sheegay inuu horyaal golaha. Waxana ay ila tahay inteena danaynaysa in degmooyinkoodu nadiifoobaan, adeegyada kalena helaan, waa in aan ku biirino talooyinkeena wakiilada si wixii ina dhibay marka hore aan iskaga moosno. Calaacal uun wadi mayno dee.

Anigu waxaan arkaa dhawr caqabadood oo dawladaheena hoose haysta. Kumana xidhna arrimahani xisbi talo haya iyo mid kale ee waa kuwo la yaal dadweynaha mar kasta. Waxa ka mid ah:-

1. Tiradii la doono ha laga dhigee, maayarka iyo ku xigeenka ay goluhu iska dhex dooranayaani wuxuu khasab kaga dhigayaa maayaradeena inay daajiyaan kolba intay ku joogi karaan.

2. Dadkii haldoorka ahaa waxay ka khajilayaan in ay ka mid noqdaan gole ay ka yaabayaan in cid aan waxba dhawranayn ay isugu yimidaan. Nin ka mid ah dadka aan qiimaha badan u hayo wuxuu ii sheegay in haddii toos loo dooranayo maayarnimada, uu isku soo sharixi lahaa. Dhanka kalena, waxa jira kuwo aan rabin inay noqdaan maayar laakiin golaha ay ka mid noqdaan dabadeedna ay ku ilaaliyaan. Haddiise sidan ay ku galaan, kooxdan dambe waxay diidan yihiin in beeshoodu ama saaxiibo kaleba ku dirqiyaan maayarnimada oo shaqo joogto ah oo aanu diyaar u ahayn qofkani.

3. Sida aynu ka aragnay doorashooyinkeena dawladaha hoose, golaha deegaanka meel kasta xisbul xaakimku kuma badiyo. Laakiin aragtida sharcigu waxay hoos geysaa dawladaha hoose arrimaha gudaha. Degmadii u riyaaqsanayd xisbi aan ahayn ka xukunka jooga, ma helayaan wixii ay u riyaaqsanaayeen – afkana way iska xumeeyeen…

4. Goleyaasha deegaanka way u fududaayeen in la bedelo maayarka, loo fadhiisan waayo si joogto ah, iyo weliba in laga haysto kabka dawladaha hoose haddii aan lala dhacsanayn ama miisaaniyadda la hakiyo.

5. Goleyaasha Gobolku waa arrin kale oo aynaan gebi ahaanba fulin. Wuxuu noqon kari lahaa gole u dhexeeya xukuumada iyo dawladaha hoose. Laakiin imika, halkii ay ka ahayd wada shaqayn ay yeeshaan dawladaha hoose iyo arrimaha guduhu, ka dambe ayaa ku maamula hore.

Intuba, haddii aan si hufan oo degan loo eegin, qof waliba mar uun buu ka mid noqon doonaa xisbiyada aan talada hayn. Mana haboona in lagu eedeeyo xisbi gaar ahi inuu sameeyey laakiinse waa qalooc inagaga jira qaab dawladeedkeena.

Taladaydu waxay u janjeedhaa in maayarka, ku xigeenka toos loo doorto; golaha deegaanku la xisaabtami karo ayna eryi karaan laakiin aanay iyagu bedeli karin. Sida loo bedelayo waa la isla eegi karaa xataa bi-election. Arrimaha guduhu inkastoo ay ku yeelanayaan door kormeer, waa in aanay dawladda hoose hoos iman. Kabka iyo miisaaniyaddu waa inay u madax bannaanadaan. Arrimaha guduhu ha soo dacweeyaan haddii ay qabaan in goluhu aanu u dhaqmin si sharci ah, dabadeedna Madaxweyne awoodiisa kaga xilguto. Waana in la sameeyo goleyaasha gobolka oo iyaguna u kala qaybsan sidan kuwa deegaanka.

Ugu dambayn, aan la xidhiidhno wakiilada aan naqaan oo aan dareenkeena u muujino. Durba waxay ku dhaw dahay 20 sanno inta aan goleyaashan doorano. Haddii waqtigaasi aynaan ka helin faa’iido badan oo ilaa xad la odhan karo waa fursad ina seegtay, yaanay ina seegin fursadda casharadii aan ka baranay ku saamaynayaan 20ka dambe. Haddii kale aynu ku 40 jirsanno doorashooyin deegaan oo aan wax badan inoo soo kordhin!

#HorumariGoleyaalDeegaan #Wakiilkaygow

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR