Goobjooge-yaal ka hadlay ismiidaamintii Magaalada Muqdisho



Dad goobjoog u ahaa weerarkii ismiidaaminta ee maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu weerarkaasi uga dhacay agagaarka Isgoyska Sayidka ee Degmada Hawlwadaag.

Nin xirnaa jaakadda ka samaysan walxaha qarxa ayaa beegsaday maqaaxi ku taala halka loo yaqaano Beerta Daraawiishta, oo kaabiga ku haysa Ex Baar Bulsho. Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa halkaasi deganaa dad barakacayaal ah.

Goobjooge la hadlay VOA ayaa sheegay in ninka is qarxiyay uu isu qarxiyay afaafka hore hoy ay degan yihiin reer/qoys, xilli ay qoyskaasi jiifeen, qaarkoodna ay soo jeedeen.

Wuxuu sheegay in goobtaasi ay ka qaadeen illaa lix qof oo midi uu meyd yahay, waxa uu intaa ku daray in dadka uu dhibka gaaray ay dhammaantood qoyskaasi ahaayeen.

Haweeney kale oo Raxma lagu magacaabo ayaa sheegtay in ay arkeysay ninka is qarxin doono, balse aynaan wax tuhun ahi ka muujin, markii dambena ay la kulantay qaraxii oo dhacay.

Dhageyso: Xogta goobjooge-yaasha ka bixiyeen qaraxaasi

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR