Goormee ayuu Ronaldo caafimaadka u marayaa Juventus?

Kooxda kubadda cagta ee Juventus ayaa kasoo iibsatay Real Madrid weeraryahanka Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahankan ayaa Bianconeri la galay heshiiska shakhsiga ah isagoo afar sanadood qalinka ugu duugaya waxaana uu qaadan doonaa €30m sanad ciyaareedkii.

Xiddiga reer Portugal ayaanan weli soo gaarin magaalada Turin, waxaana uu ku jiraa fasaxa xagaaga oo ku damaashadayo dalka Greece tan iyo markii xulkiisa koobka adduunka laga soo reebay.

Xiddiggii hore ee Los Blancos ayaa maalinta Isniinta ah ee soo aaddan tijaabada caafimaadka u mari doono kooxda Old Lady.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR