Goorta Uu Asharf Hakimi Tijaabada Cafaimadka U Marayo Inter Milan Oo La Ogaaday

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Italy ayaa sheegaya in garabka Real Madrid ee Ashraf Hakimi uu beri gaarayo Italy si tijaabada caafimaad uu ugu maro Inter Milan

Sky Sport Italy waxa ay sheegeysaa in Real iyo Inter ay hishiis ka gaareen arinta laacibka uu ugu wareegayo Inter

Waxaa la filayaa in Hakimi uu saxiixo hishiis gaaraya illaa 5 sano waxa uuna sanadkii ku qaadnayaa aduun dhan 5 milyan oo euro

Hakimi ayaa labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay amaah ugu joogay Dortmund waxa ayna Inter dadaal ku bixisay in laacibka uusan dib ugu laaban Real

Hakimi oo 21 sano jir ah ayaa dhaliyay 9 gool ka dib 45 kullan dhamaan tartamada ay Dortmund ku jirtay xilli ciyaareedkaan

Advertisements

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR