Gorfayn, Afeef-reeb Siyaasi (WQ: Cabdiqani Iid Cilmi)

Aminta aadamuhu garwaaqsado gabaabsiga jiritaankiisa, runta ayaa uu u dhawadaa, siro in badan u huursanaana dahaadhka ayaa uu ka qaadaa, tani waxa ay dhaxalsiisaa qofka raali ahaansho, mid Eebbe iyo mid Aadameba, iyo degenaanshiyo gudeed.

Qoraalkan kooban oo ah Gorfaynta Afeef-reebka labada buug ee ay kala Qoreen Maxamed Najiib (madaxwaynihii ugu horeeyay ee jamhuuriyada dimuqraadiga ah ee Masar), iyo Axmed Maxamed Aadan Qaybe (Siyaasi danjire ka soo noqday dawladii Soomaaliyeed, Somaliland-na xilal ka soo qabtay).

Najiib maxfuud AHU waxa uu Afeef-reebka buugiisa ku yidhi sidan:-                                                             (فقد قلت كل ما عندي..ولم أكتم شهادة..ولم أترك صغيرة ولا كبيرة إلا كشفتها… يمكن الآن أن أموت وأنا مستريح البال والخاطر والضمير), waxa aan sheegay wixii aan hayay oo dhan, ma qarin marag , kama tagin mid yar iyo mid wayn toona, dhamaanna waan kashifay , hadda waa suurto gal in aan dhinto aniga oo ah mid degenaanshiyo ku sugan.

Maxamed Najiib, Runta ayaa uu ku dhintay, waxa uu badka keenay oo kashifay dhammaan waayihii uu u soo joogay, ridistii malik Faaruuq, inqilaabkii dubaad-ul Axraar, dagaaladii carabta iyo Israaiil, gooni isu taagii Suudaan, sidii isaga xilka looga fara maroojiyay, iyo waliba saadaashiisa jihada ay inqilaabiyiinta xilka ka tuuray ee ay ka mid ka ahaayeen Anwar saadaat iyo Jamaal Cabdinaasir ay wadanka u hor kici karaan. Waa buug miisaan culus ku lahaa saaxada siyaasadda ee Masar, indhahana u furi kara qof kasta oo xiisaynaya, ogaanshaha habka dhaqan siyaasadeed iyo waliba la falgalkeeda diinta ee masar, gabi ahaanba buugan waa mid daacad-nimo laga dheehan karo, daacad-nimadu ma aha oo kali ah saxnaan, qofku mar marka qaarkood gaf uu galay ayaa u qirtaa, sidoo kale dad u dhintay maamul xumadiisa ayaa uu xusaa, waa geesinimo sidoo kale.

Qaybe isaguna sidan ayaa uu afeeftiisa u dhigay:-

Lababa waa ka feefanayaa:

  1. In aanan wixii aan ogaaba wada qorin aniga oo waxyaabo badan xeerinaya
  2. In aanan waxyaabaha aan qoray sidii ay ahaayeen u wada dhigin

Marka aad si mug leh u dhuuxdo labadan qodob waxa kaaga soo baxaaya u jeedooyiin amakaag leh, waa mid eh Qaybe oo d’a ahaa marka uu buugan qoraayay waxa uu ka afeeftay in aanu waxii uu oogaa oo dhan umadda la wadaagahaynin, iyaga oo xaq ugu lahaa mar hadii uu hawlgabay in uu la wadaago waayihii in badan ka qarsoonaa, se waxyaabo badan oo uu xeerinayaay ayaa u diiday in xaqiiqooyin badan kashifmaan, talaw maanta umadda soomaaliyeed inna wax ay xeeriyaan ma jiraa, marka Siyaasadda laga hadlayo?

Qodobka labaad ayaa ah isaguna mid gabi ahaanba shaki iyo madmadaw galinaya dhammaan xogta buuga ku qoran, odhaahda ah in aanu Qaybe waxyaabaha uu ku qaoray buuga sidii ay ahaayeen u wada dhigin, waa mid saddar kasta oo aad akhrido, ku faraysa in aad ka shakido, waxna iska waydiiso, sababta oo ah qoraaga ayaa ka afeeftay in aanu dhacdooyinka sida ay ahaayeen u wada dhigi doonin!

Haddab marka aynu si guud is barbar dhig ugu samaynno labada Afeef-reeb qodobbo dhawr ah ayaa aynu ka dheehan karnaa, waa kaw’e, Najiib isaga oo wadankiisa xilka ugu sarreeya ka soo qabtay, waa Madaxwayne’e, maragna ahaa u soo joogay dhamaan dhacdooyinkii sunsunka sooyaal ee Masar iyo Suudaan in ka badan nus qarni ka dhacaayay, kama uu gabban in uu gabi ahaan ba bedka keeno oo umaddiisa la wadaago, gar iyo gardaroba, maamul wanaag iyo maamul xumo ba, wixii intii uu xilka hayay u qabsoomay iyo intii ka qaldantayba. Kalsoonida ay umaddi u qabto madaxdooda waa ay kordhaysaa marka ay hubaan in qofka madaxda ahi maalin uun runta ka sheegi doono xaqaa’iq badan oo la dado inta xilka la hayo, waa ta sababta in shacabku u dhibirsanaadaan madaxdooda, oo ajiiban iyago oo aan aragti ahaan taageersanayn.

Qaybe AHU’e isaga oo xilalka uu soo qabtay aanay marna gaadhsiin in uu waddan kursigiisa ugu sarreeya ku fadhiisto, Haddana runtii iyo sidii wax u jireen xilalkii uu inoo soo qabtay waa uu ka cudur daartay in uu dadkiisa la wadaago, bal sawiro Soomaalida madaxdooda kursiga ugu sarreeya gaadhaanaa, Talaw maxay yeeli lahaayeen, malaha waxba innalama wadaageenba.

Soomaali haddii aynu nahay, qoraalka oo innagu yar iyo madaxdeena oo aan aalaaba waxba qorin, haddana waxa inoogu soo biiray dhibtaa hore, in ay innaga dadaan waqaa’ic badan oo nolosheena saamayn ku yeeshay, in badan oo innaga mid ahna badalay sunsunkii hab nololeedkiooda.

WQ: Cabdiqani Iid Cilmi

Email: qanoeid@gmail.com

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR