Gorfaynta Buugga Miyiga ilaa Madaxtooyadda (WQ: Bashir Maxamed Bashir)

Hordhaca

Maadaama loo wada jeelqabo wax ka ogaanshaha buugga Akhriste inta aadan bar bilaabin cutubyadda iyo moolalka gosha dhiganaha MIYIGA ILAA MADAAXTOOYADDA  ee ay ceegaagto taariikh nololeedka, aqoonta hogaamineed, waayo-aragnimadda nololeed, xogta iyo xogaha ballaadhan ee dhiganaha ku dhex duugan ”qoran” waxaa ila quman in aan kugu habo, kuguna gadh-qabto si aad fekerkaaga isbedel ugu samayso, waxna kuugu soo kordhaan. Maadaama caadi ahaan dhamaanteen wax ka ogaanshaha buugga loo wada habuum qabo, waxa ila wacan Gorfayn iyo falanqayn hufnaan xambaarsan. Aadamuhu marnaba kama maaarmi karo is-dultaaga tabihiisii nololeed ee kala duwanaa dhibaatooyinkii ka horyimid iyo siduu uga gudbay, fursadihii soo maray iyo sidii uu uga faaidaystay ama u lumiyay. Aadamaha sooyaalkiisu waa soor u kaydsan, sahayna u ah samman “wakhti” walba. Ummad walbaana waa u mihiim in ay ogaal ka haysato tabaha hogaamineed ee loo hago, waayahooda iyo duruufaha nololeed ee ku xayndaaban. Farshaxanka qalinmaal, weedho cudoonaanta, dhiiranaanta dhitaynta dhigane sooyaal-gal ah iyo ku dhaca Xirsi Cali Xaaji Xasan waa hibbo iyo karti qofnimo. Hal-abuurka Qalinmaalnimadu waa sooryo, maankaaga aragtiyaha ku cukan iyo warka ceegaaga aad faafreeb qalin ku dareeriso aanad ugu talo gelayso in aad ku soorto akhriste jooga meel kaa duwan iyo miley kaa duwan. Ma hawl yara qorida buug ka waramaya sooyaalka taxane nololeed iyo hoggaan siyaasadeed ee ummad dhan; waa hawl u baahan hal-abuur qalinmaalnimo, xogagaalnimo, hawlkanimo, xil-gudasho raad-reebnimo dhab ah, hubsiimo, iyo juhdi dheeri ah, intaas iyo in aan sheelayba Xirsi waa isku fuuqsaday oo waa u babac dhigay buuxinta kaalintaa buug curineed.

Sanadihii u dambeeyay waxa  sii tarmaya maalinba maalinta ka dambaysa buugaagta, qoraaladda, sheeko faneedyada iwm ee ku qoran Afka Somaliga, sida dhibcaha roobka ayay qoraaladaasi iyo buugaagtaasi isaga soo dabadhacayaan. Marka aan arko iftiinkaa soo baxaya ee ah dhigaalada kala gedisan ee dhaxalka ummaddan u ah, waxaa aan is idhaahdaaba maalin aan siii fogayn waxa aynu noqon doonaa bulsho akhriska iyo qoraalka heersare ka gaadha oo wax cusub kawnka ku soo kordhisa.

Dabcan Maadaama wax ka ogaanshaha buugga loo wada jeelqabo, waxa aan isku koobayaa in aan si gaar ah ugu qaadaa dhigo bogagga iyo cutubyadda macnaha weyn inoo samayn kara. Waxqoridu waa iftiin horumarineed oo aynu bildhaansanay burburkii dawladii dhexe kadib, Si niyadsami iyo raynrayn xoog badan ayaan ku soo dhaweeyaa qoraal kasta oo Af-soomaali ku qoran, kaas oo uu  alifay qof Soomaali ahi ama aan ahayn, Laba qodob baa tiir dhexaad u ah kow ugu horayn dhaqanka akhriska iyo qoraalka waa mid nolosha casrigan ah kaalin heersare ah kaga jirra guud ahaan tayada nolosha Binu-Aadamka iyo gaar ahaan hiigsashada fog ee gaadhitaanka guulaha waawayn.

Hadal iyo nuxurkii gorfaynta buuggu waxa ay hiiil u tahay helidda tayo badan, tiro yar iyo dhisida bulsho aqoonaysan oo ku baraarugsan qoreyaasheedu waxa ay u qorayaan.

Aniga oo ixtiraamaya codsiga qoraha buugga maadaama uu buuggani yahay waxsoosaarkiisii koowaad in-indho lexejeclo leh lagu akhriyo, waxa aan isku hawli in aanan ku talaxtagin falanqaynta buugga. Falanqaytani ugu horayn waxa ay wax ka sheegi doontaa qoraha buugga, bilicda buugga  iyo nuxurka tabineed buugga, gorfaynta waxa ayna soo bandhigi doontaa dheefaha iyo dhaliilaha buugga, ugu dambayn waxa aan ku soo gebagabayn doonaa aragtidayda shakhsiga ah.

Qoraha Buugga iyo daabcaada

Ka hor inta aynaan u gondo-degin nuxurka buugga Xirsi Cali waxa aan uga mahadcelinayaa hanaanka hodontooyada afeed biyo dhigtey iyo habka uu u sooohay ee uu surmo-seegtada uga dhawraday. Buugga waxa daabacday shirkadda ASAL, tayo ahaan si fiican ayaa loo daabacay, marka loo eego daabacaadaha buugaagta maxaliga ah. Buuggu waxa uu ka kooban yahay oo isugu jiraa:- tusmo, gogol-xaadh, afeef, mahadnaq, hibayn iyo odhaahaha buugga. Qoraaga buuggani waa Xirsi Cali Xaaji Xasan Ex-wasiir waa isir qofnimadiisu ku suntan tahay firfircooni, furfurnaan, hawlkarnimo, hal-adayg, xilkasnimo iyo go’aan qaadasho ku dhac iyo dhiirani badani weheliyaan. Qoraagu waxa uu buugga u agaaasimay hab-farshaxanimo ah cutubyada oo si qurxoon u qoran se  taariikh ahaan aan xidhiidhsanayn. Balse qofka u xamaan urursada akhrinta buuga waa buug aanu ka xiiso goynayn wax badana uu ka korodhsan karo.

Billicda buugga

Kolka aad dhiganaha gacantaada ku qabato, ama aad isha  qac ku siiso si aad u aragto muuqaalkiisa waxa aad arkaysaa buug bildhaan ahaan midab  ahaan iyo muuqaal ahaan  wacnaan badan koobsaday oo lagu fara yarastay samaynta jaldi soo jiidasho leh.

hibaynta

Qoraa kastaa cid buu buuggiisa u hibeeyaa, mid baa hooyadii ama aabihii u hibeeya, mid kale carruurtiisa ama xaaskiisa u hibeeyaa, mid kalaa isna aqoonyahan uu jecel yahay u hibeeya. Balse buuggani Xirsi waxa uu hibeeyay dhalinyaradda waxa uu qoraal ahaan yidhi  “waxaan uu hibeeyay jiilasha noloshoodu ay u caqabad eeg yihiinn tayda, hankooduna ugu adag sidii kayga ugu adkaa ayaan buuggan u hibeeyay” 

Nuxurka Tobonka Cutub Ee buugga

Tobonka cutub ee ugu horeeya buuggu waxa ay ka waramayaan taariikhdii maxmiyahidii gumeystaha, curashadii xornimodoonka, habowgii gobonimodoonka, bilowgii dawladnimada, israacii labada gobol, wareejintii Dhulka Soomaali Galbeed,  abaartii dabadheer, dhismihii ciidankii xoogga soomaaliyeed, dagaalkii 1977, soo ifbixii jabhadaha, qaranjabkii jamuuriyadii Somaliya, colaadihii beelaha,dhaqdhaqaaqii wadaad kooxeedyadda, ku dhawaaqidii gooni isutaaga, kacaankii nabada, dhidbidii dawlada Somaliland iyo maraaxilkii ad-adkaa ee ay soo kala martay.

Isbedelada maamul siyaasadeed iyo dhacdooyinka wakhtigu waxa ay ka tagaan taariikh raad wayn oo  saamayn dheer oo qoto dheer  ku yeelata ummada degan deegaanada. Waana taas manta raadka inagu leh dhacdooyinkii siyaasadeed ee konton iyo saddon sano ku hor dhacay wali dhibanayaal baynu u nahay talaabooyinkii guracnaa ee ay dhaqdhaqaaqyadii maamul ee kala dambeeyay faleen. Manta soomaali meel kasta oo ay joogaan saamayn badan oo xoogan ayay taariikhdaas xirsi soo qalintaabay inagu leeyihiin.

La soco qaybaha kale ee buugga

 Bashir Maxamed Bashir

Qoraa falanqeeya Arrimaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Dhaqanka iyo Fanka

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR