Griezmann & Coutinho Oo Hogaaminaya 8 Xiddig Oo Ay Barcelona Ka Dirayso Kooxda Xagaaga.

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay qaadato mid ka mid ah suuqyadii ugu mashaquulka badnaa taariikhdeeda marka la gaadho xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa la sheegayaa in ay iska iibin doonto 8 xiddig oo ka mid ah kooxda 1-aad marka la gaadho xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli ay isku shaandhayn samayn doonto.

Xiddiga cusub ee Martin Braithwaite ayaa ka mid ah Liiska 8-da xiddig ee ay Barcelona iska iibin doonto xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan sida ay sheegayaan wararku.

Weeraryahanka Martin Braithwaite ayaa Barcelona ku soo biiray bartamihii xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha dhaawac halis ah oo soo gaadhay xiddiga Luis Suarez.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in uu xiddiga Martin Braithwaite ka mid yahay 8 xiddig oo boorsooyinkooda ka qaadan doona Camp Nou dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Advertisements

Liiska ayay sidoo kale ku jiraan labada xiddig ee ugu qaalisan taariikhda kooxda Barcelona ee Antoine Griezmann & Philippe Coutinho.

Xiddigaha Neto, Samuel Umtiti, Carles Alena, Arturo Vidal & Ivan Rakitic ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha ay ku dhici doonto seefta nadiifinta Barcelona ee xagaaga.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR