GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka XAFLADII SOO DHAWEYNTA MADAXWEYNAHA JUBBA RAAS LONDON

XAFLADII SOO DHAWEYNTA MADAXWEYNAHA JUBBA RAAS LONDON

 

 

 

Xafladii soo dhaweynta Madaxwrynaha Jubba Raas oo qeyb cusub Daawo

"

Daawo Xafladii Cashada ee Reer London u sameeyeen Madaxweyne C/Qaadir Maxmud yusuf ka daawo Hoos

Xaflad Casho sharaf loo sameeyay Madaxweynaha Jubba Raas State London Sawirada Xaflada

">

 

 

Xaflad aad u heersare ah oo lagusoo dhoweynayay wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha maamul goboleedka Jubba Raas State ayaa ka dhacday xaafada Wembley ee Magaalada London ee xarunta Britain oo ay kazoo qeyb galeen dadweyne kabadan kun qofood kuwaasi oo mashaxard, ala laas iyo sacab kusoo dhoweeyay markii uu soo galay goobta wafdigii uu hgomaaniyay madaxweynaha maamul goboleedka Jubba Raas State.

 

Xaflada ayaa ahayd mid si heersare ah loosoo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen dadweyne fara badan oo isugu jiray dhinacyada kala duwan ee bulshada, iyadoo halkaasina lagusoo bandhigay qudbado, heeso, buraanbur, kadibna uu qudbad aad u muhiim ahayd soo jeediyay madaxweynaha maamulka Goboleedka Jubba Raas State Injineer cabdiulqaadir Maxmuud Yuusuf.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay fikradii ka dambeesay aas aaska maamulkan cusub iyo waxyaalaha ay qaban doonaan bilaha soo socda, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhimada ay u kleedahay isaga iyo maamulkiisa taageero ay ka helaan shacabka kasoo jeeda gobolkaasi, isaga oo u mahadceliyay jaaliyada Jubba Raas State ee UK, isaga oo ku amaanay sida ay usoo agaasimeen xaflada iyo soo dhoweyntii uu ka helay qeybha kala duwan ee dadweynaha.

Hadalkiisa kadib waxaa goobtaasi sidoo kale ka hadlay shakhsiyaad kala oo ka socday maamul goboleedyo ka dhisan Somalia, sida Gal-Mudug, Ximan iyo Xeeb iyo Hiiraan State, oo iyagu isku raacay in shacabka uu matalo maamulkan lagu yaqaano wanaaga iyo isu keenida beelaha Somaliyeed.

Waxaa sidoo kale xaflada lagusoo bandhigay heeso aad u macaan oo ay kamid ahayd heesta Soomaaliyeey toosooy oo erayo cusub uu u alifay u abwaanka da’da yar Cabdiraxmaan Sheekh Gaas, taasoo dhamaan dadkii kasoo qeyb galay xaflada ay u istaageen unawada qushuuceen heesta cusub ee calanka Somalia.

Fanaaniin fara badan ayaa goobta kasoo qeyb galay oo ay kamid ahayed maamada fanka Somalia Maryan Mursal Ciise Bootaan oo kusoo bandhigtay heeso qiiro leh oo u badnaa kuwa wadani ah, waxaa isla goobta sidoo kale heeso cajiib leh kasoo bandhigay fanaanada da’da yare e sanadka Deeqa Khaliif “Deeqa Holland”. Sidoo kale fanaaniintii kasoo qeyb galay waxaa kamid ahaa Gaadaco, Cabdiraxmaan Sheekh Gaas, iyo Fartuun Cumar oo ah fanaanad aad looga yqaano dalka Maraykanka.

Dhinaca saxaaladfa xaflada waxaa kasoo qeyb galay UniversalTV, SomaliChannel, RoyalTV, HornCableTV, iyo ku dhowaad labaatan saxafi oo kale oo ka socday qeybha kala duwan ee saxaafada oo aan ka xusi karo wariyaal ka socday Caasimadda.com iyo Xusuus.com .

Gabagabadii xaflada ayaa dadweynhaa waxa ay hal mar u wada istaageen madaxweynaha si ay u sagootiyaan wafdiga , taasoo sababtay in madaxweynuhu uu salaan la dhex qaado inta badan shacabka kasoo qeybgalay xaflada oo kusoo gaba gaboowday jawi heer sare .

HAMBALYO--khadar   maxamed < This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it >

hanbalyo iyo bogadin ku sucotaa madaxweynahaa  maamul  gubaleedka  juba raas state
mudane cabdilqadir mudane madaxweyne marka  hore waxaa iga  gudoontaa salantaa
islaamka  salanata kadib mar labad waxaan ku hanbayeynayaa xilka laguu dhiibey anigu
allaaaaah kaga rajaynayaa inoo alllaaaaaaaah kugu guuleeyo masuuliyadaa adag  si aad
xilkaga u gugudatid si  xikasnimo  kudheehantahay insha allaaaaaah wa  billahi
towfiiq

 
Comments (5) Comments are closed
WAA YAAB
5 Wednesday, 23 March 2011 21:45
SHEEQAALOW
WAXAAN LA YAABANAHAY WADAADKAN MADAXWEYNAHA SHEEGANAAYO IYO KUWA KALE EE XOOLAHA IYO WAQTIGA KU LUMINAAYO KHIYAALIGA, JUBA WAA CIRIFKA UGU SHISHEEYA SOMALIA, RAASANA WAA HALKA UGU FOG ITOBIYA. JUBA RAS STATE WAXAY LAMID TAHAY EBER STATE. XITA IILAMA MUUQATO MASHRUC LAGA GADI KARO KUWA MASKAXDA YAR. WAXAAN TAAGEERSANAHAY WAXQABAD EE MA RABO II ALALAASA ISLAAMA YAHAW. THANK U
Ahmed Abdi Indho-gaduud
4 Thursday, 17 February 2011 13:25
Hej
Anigoo wakil ugu ah jalida örebro Sweden waxan halkan ugu habal yenaya juba reas state Anago ah Ahmed cabdi indho-gaduud anagoo ah jalida örebro ahna besha jubada hose iyo jubada dhexe waxan lenahay kii lugu dago waxaaa dagan dhulkasi dad ad u fara badan ninki isku keno alah ka dhigo madax weynaha dhaman rer jubada dhaxe iyo jubada hose anigoo magacoda ku hadlayo waxan lenahay madaxweyne so dhawaw
Hambalyo Jaaliyadda Minneasota
3 Friday, 11 February 2011 12:38
Administrator
Asc waxaa halkaan ugu habalyey naa madaxweynaha juba raas state eng Abduqaadir Mahamud yusuf Anagoo ah jaaliyada usa ee minneasota waxaan lee nahay kii lagu dago noqo amiin anagoo kala ah hawo m mmacalin sadia sh mahumod bilkheyr ismail
salaado sh cisman dheeho macalin maxamed cismaan dhamaan reer usa
Ajab
2 Tuesday, 08 February 2011 12:15
ASC: Dhamaan maamulka iyo shaqaalaha shabakada geesguud iyo bahweynta ku abtirsata JUBA RAAS STATE...... Waaa wax lagu farxo in lagu bogaadiyana mudan fikiradii ka danbeesay in maaamul ugaara ay sameestaan Reerku waase suale ma ahaan donaaa maamulka mid ay kuwada qancaan beesha oo uhorseeda nolol dhaanta mida hada ay ku jiraan?
Qaraabada maamulka loo dhisay waxan idinku biirinayaa noqda kuwa taageera maskax iyo maalba ku garab istaaga maamulka cusub.. Aqoonyahanada cidana waxaaan leeyahay nugu haga oo nugu anfaca aqoonta allah idinku maneestay daacadna ugu adeega bulshadiina ku dayacan dalka: Waa idin salamaya inta booqata shabakadan.
WAAAAAAAW
1 Monday, 07 February 2011 09:35
WAA WAX AAD LOOGU FARXO SOO DHAWAYNTA QIIMAHA BADAN EE LAGU SOO DHAWEEYEY MADAXWAYNAHA, NOOLAADA, MADAXWAYNUHUNA HA NOOLAADO


Newsflash