Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee Xarakada Al-shabaab isla markaasna ah siyaasi u ololeeya ku dhaqanka shareecada Islaamka ayaa sheegasy inuu tacsi qaran u dirayo shacabka Soomaaliyeed munaasabadda 1-da Luuliyo awgeed, wuxuuna tilmaamay inay jirin xornimo loo hambalyeeyo, loona dabaaldego.

Sidoo kale Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay inuu jiro dulmi laga galay Ummadda Soomaaliyeed welina uu socdo dulmigaasi oo hadda ay ku socoto xabad gumeysi oo ay hogaaminayaan gumeysigaasi dowladaha Itoobiya iyo Yugaandha.
Hadalkeygu waa uu ka duwanyahay sidii hore” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir oo sidoo kale yiri “Waxaan u arkaa in Soomaaliya aysan helin xoriyad ay u hambalyeyso oo waxaa ka haboonaan laheyd intay munaasabado dhigiyeen inay iska dulqaadaan gumeysiga cusub ee duldegan, isla markaasna shacbku ay la dagaalamaan gumaystaha oo ay ula diriri karaan koox-koox, kelikeli, mana jirto ayuu yiri cid shacabka ka hor istaageysa inay xoriyadooda u halgamaan”.
Sheekh Xassan Daahir ayaa ku eedayay caalamka Islaamka iyo dowladaha Carabta inay dhabarka xijiyeen xaaladda ba’an ee lagu hayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu hosta ka xariiqay in maanta qadiyadda Soomaaliya ka jirta aanay u oolin Al-shabaab balse ay u taalo Soomaalida oo dhan.
Sidoo kale Sheekh Xasan waxaa kale oo uu So hadalqaaday guusha Akhwaanul Musliminka Masar oo u sheegay inay gaareen qadiyaddii ay u halgami jireen, balse waxa uu ku eedeeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Masar Maxamed Mursi inaanu khudbaddiisa marna ku soo darin arrimaha Soomaaliya.
“Aniga uma fadhiyo inaan ka hadlo wax Al-shabaab khuseeya ee waxaan ahay gobonimodoon doonaya inuu u hadlo sidii uu shacabkiisa uga bixi lahaa dhibaatada ka heysata xornimadooda” ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.
Sheekh Xasan Daahir Aweys o sida uu sheegay ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa si weyn u dhaliilay dowladaha Caalamka isagoo ku tilmaamay in qadiyadoodi ku wajahneyd Soomaaliya ay hoos u dhigeen Mareykanka, mana doneyaan ayuu yiri inay qaadaan talaabo aanu raali ka aheyn Mareeykanka, waxaa kale oo uu ku eedeeyay xubanaha sare ee dowlada KMG Soomaaliya oo uu u sheegay inuu u yaqaano koox dabadhilif u ah cadowga oo qadiayadi Soomaaliya ka iibiyey gumeystayaal inay xal u arkeen tagitaanka magaalada Addis Ababa iyo adeecada waxa uu faro hogaamiyaha Itoobiya Mellas Zenawi oo ah cadowga ugu weyn ee Soomaaliya ah.
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































