Sanad ka hor muqdisho waxa kawada howlgalayey idaacado dhinacyada iskaga soo horjeeday kuwaasi oo hadda umuuqda mid soo gaba gaboobay.
Idaacadaha Al Andalus iyo Al furqaan labaduba waxay ahaayeen kuwo ka howlgalayey muqdisho hayeeshee markii shabaab muqdisho laga saaray hore qalabkoodii usii qaata
Shabaab waxa afkooda ku hadleysay Idaacada Andalus oo ahayd warbaahintii I.Q.K markii dambena magaca Andalus loo bixiyey waxa ay iminka ka howlgashaa magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose.
Sidoo kale Idaacada Al furqaan inkastoo aflagaadeyn Dawlada ugeysan jirin hadana si maldahan waxay ugaraaci jirtay Ciidamada Amisom.
C/fitaax Filipiin oo ka mid ah shaqaalaha Idaacadaasi ayaa Talaadadii ii shegay in Afgooye duleedkeeda iyo marka labo xarun ku leeyihiin si toos ahna wararka shabaab ubaahiyaan.
Dhinaca kale Radio Muqdisho oo ah codka Ay Dawlada Kmg Ku hadasho ayaa iyadu umuuqata mid soo afjartay dagaalkii Warbaahineed ee kala dhaxeeyey Ururka al shabaab hayeeshee Wararkeeda mararka Qaar ku xusto Shabaab.
Muqdisho Dadka ku dhaqan ayaa hadda dhageysta inkabadan 20 idaacadood kuwaasi oo si dhex dhexaadnimo ah wararka ubaahiya waxaana yaraatay hadaladii mucaaradka ahaa ee dadka Xamar maqli jireen.
wariye: C/laahi C/rahmaan (foorgoo)
This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
| < Prev | Next > |
|---|







BBC 04:00 GMT 









































