GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size
 

 

 

Geesguud Somali News Logo

 

Hoosingow.com | Wararka Soomaaliya

           

       

                      

 

 

Geesguud TV

Loading...
Home Wararka Odoyaasha Dhaqanka oo Go'aan adag siiyey Madaxda Dawladda Somalia iyo Amb Mahiga.

Odoyaasha Dhaqanka oo Go'aan adag siiyey Madaxda Dawladda Somalia iyo Amb Mahiga.

Xubno uu horkacayo Raisul wasaaraha ku xigeenka ahna Wasiirka Ganacsiga Mudane Cabdiwahaab Ugaas, Wasiirka Qorsheynta Mudane Goodax iyo xubno kale oo badan oo ka socday golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa u tagay odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed iyaga oo u sheegay inay ka qeyb galaan siminaar Dawladdu iyo Mahiga Doonayaan inay u qabtaan Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ay odoyaasha ka codsadeen inay si degdeg ah usoo gudbiyaan xubnihii ansixin lahaan Dastuurka muranka badani ka taagan yahay

Afhayeenka odoyaasha Dhaqanka ee shirka uga socdo Muqdisho Garaad Jaamac ayaa u sheegay xubnaha ka socday dawladda Soomaaliya kahor inta aysan soo gudbin xubnaha ansixinta ama diidida Dastuurka inay ka doonayaan dawladda Soomaaliya inay warcad ka siiyaan waxa ay uga tashanayaan Madaxda Dawladda Soomaaliya iyo Xubnaha lagu sheegay saxiixayaasha maadaama ay maalmahaan ka soo baxayeen hadalo is burinaya

Garaad Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa ku yiri madaxda Dawladda iyo Xafiiska Amb. Mahiga "Hadaanu nahay odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed waxaad horey noogu sheegteen markaanu iskugu nimid magaalada Muqdisho in taladii umadda Soomaaliyeed ay gacanteena ku jirto nalagana doonayo inaan ka shaqeyno danta umadda Soomaaliyeed, waxaadse haddana gadaal ka sheegteen hadaanu nahay odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed inaanu laheyn go'aan balse aan leenahay oo kaliya talo soo jeedin, soo jeedintaasna aad adinku go'aankaad rabtiin ka qaadanaysiin, marka ay arintu sidaa mareyso waxaan idinka rabnaa laba arin inaad noo kala cadeysiin si aan go'aan uga qaadano"

1-Qodobka Koowaad ayuu ku sheegay in sidii aan horeyba noogu sheegteen uguna balanay hadaanu nahay odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed in talada umadda Soomaaliyeed ay gacanteena ku jirto, wixii umadda Soomaaliyeed u dan ahna aan ka shaqeynayno ?

2-Qodobka Labaad wuxuu ku yiri , ma waxaad doonaysaan inaad Maxlal naga dhigataan oo wixii aad idinku rabtiin odoyaal idiin meel mariya inaan noqono? Garaad Jaamac ayaa u sheegay xubnihii ka socday dawladda iyo Xafiiska Amb. Mahiga in ay Jawaab ka siiyaan labadaas qodob si odoyaasha Dhaqanku go'aan u qaataan. Xubnihii ka socday Dawladda Soomaaliya oo uu hogaaminayey Raisul wasaare Ku xigeenka ahna wasiirka Ganacsiga ayaa u sheegay in aysan arintaas hadda go'aan ka siin Karin oo ay arintaan dib iskula laabanayaan.

Madaxdii ka socotay Dawladda oo sii wata hadalkooda ayaa ka codsaday odoyaasha dhaqanka in ay ka qeyb galaan siminaar la rabay in loo qabto odoyaasha dhaqanka, siminaarkaas oo la rabay inuu shalay Bilaawdo.  

Go'aanka ay qaateen odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee shirka uga soconayo Magaalada Muqdisho ayaa ah go'aankii ugu wanaagsanaa ee ay ebid qaataan odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Shacabka Soomaaliyeed waxaa umuuqata in odoyaasha dhaqanka soomaaliyeed oo ay weli ku danbeyso dadnimo, ayna yihiin kuwo aan qaadaneynin in loo yeeriyo wax kasta oo umadda Soomaaliyeed dhibaato u horseedaya.

Amb. Mahiga iyo Saxiixayaasha Road mab-ka waxaa soo foodsaaray caqabadii ugu adkeyd kadib markii ay si indha la'aan ah horey ugu inkireen Baarlamaankii Soomaaliyeed horeyna u sheegeen in Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed la isku keenayo go'aanka umadda Soomaaliyeedna ay iyagu leeyihiin, balse odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay diideen inay noqdaan dad la marsado wax aysan iyagu ogeyn

Mahad Ali Geesguud News Muqdisho

This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it   This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 


Newsflash