GeesGuud.com

  • Increase font size
  • Default font size
  • Decrease font size

Geesguud TV

Loading...
Home
Maqaal

 Opinions - Maqaal



Lamaanaha Caalamka Ugu Dheer oo La-shaaciyay Daawo Sawirada.

E-mail Print PDF

Wilco Van Kleef oo u dhashay dalka Holand iyo Keisha Bolton oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa waxaa la-sheegay inay yihiin lamaanaha caalamka ugu dheer, sida lagu soo qoray ama lagu diiwaan geliyay Buugga Mucjisada Caalamka (Guinness World Records).

Labadaan Lamaane ayaa ku kulmay kalaabka loo yaqaano Britain’s Tallest Persons Club (Kalaabka dadka ugu dhaadheer ee Ingiriiska).

Marwo Bolton ayaa sheegtay inay kalaabkaasi u gashay si’ay u hesho qof dheer oo iyada la-ciyaara, hase ahaatee wuxu nasiibku ku saaciday inay heshay Wilco Van Kleef, iyadoo sheegtay inay aad ugu faraxday.

Sidoo kale Kleef ayaa sheegay kalunkii Keisha Bolton inuu aad ugu farxay, wuxuu kaloo raaciyay inay ku heshiiyeen guur. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan dadkii kasoo qeyb galay guurkooda inay aad ula yaabeen iyagoo durbadiiba aqoonsaday inay noqon doonaan lamaanaha caalamka ugu dheer.

Dhanka kale shaqaalaha diiwaan gelinta ee guurka ayaa aad ula yaabay, kadib markii ay arkeyn lamaanaha dhirirka badan, waxayna sheegeyn inaysan horay ugu arag lamaane kuwaanoo kala ah.



This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

 

Dhacdo Cajiib ah‏ Macallinkii iyo Malakul-Mowd..!!

E-mail Print PDF

Dhacdo Cajiib ah‏
Macallinkii iyo Malakul-Mowd..!!

Mooge wuxuu ka mid ahaa Odayaashii hore ee reer-Afgooye. Bartamaha Magaalada ee Jiinka Webiga, waxaa ugu oolli jiray Aqal dhowr Muddullood ka koobnaa iyo Siif camiran(Beer yar) oo uu Aabbihiis ka dhaxlay. Isla markaas Beer kale oo weyn ayuu ku lahaa duleedka Koonfureed ee magaalada.



Mooge waxay dadka deegaanka iyo Macaariiftiisu ugu yeeri jireen 'Macallinka', waayo, waxaa looga dambeeyay, oo aanan looga garab-hadli jirin farsamada Gambarrada, Sariiraha, Jiimbaarrada, Geed-Macsaraha, Kawaawaha iyo weliba daabidda Masaarrada, Badeellada, Yaambooyinka iyo Shookooyinka.



Sidii u caadada ahayd, ayuu Macallinkii soo toosay goor aroor hore ahayd. Fududeysi iyo Nadaafad darteed ayuu qaddar Daqiiqado ah ugu jiray Suuliga. Kadibna wuxuu soo hor-fariistay Miiskii Cunnada.



Min-yaradiisii Isniino ayaa waxay soo hor-dhigtay Quraac ka koobnayd:-Dhowr xabbo oo Muufo kuwa lagu dubo Tinaarta dhulka ah iyo Hilib kalaankal ahaa oo lagu shiilay Saliid-Macsaro saafi ah. Isniino waxaa ay ku tiri Ninkeedii Mooge:-" Mugoo af-bilaabo hee(quraaco), shuqul badan aa kuu yaallee". Waayo waxay ogayd in uu Mooge aad u jeclaa quraacda noocan ah.



Isagoo aan far keliya u dhaqaajin xaggii Quraacda, ayuu Mooge si lama-filaan ah u istaagay, wuxuuna ku yiri Xaaskiisa:-"Ii sii dabool Af-bilowga..waxaan gaarayaa Beerta, oo ka soo goosanayaa xoogaa Khudaar ah, oo iyadu ku fiican Quraacdaan oo kale in lagu cuno"...!!.



Macallin-Mooge, oo la sii boodaya Yaambadiisii yarayd, ayaa u sii tallaaba-qaaday dhankii Beerta. Deg-deg ayuu u dhex-galay Beertii; wuxuuna ka soo goostay qaddar Khudaar ah oo isugu jirtay: Basal, Yaanyo, Bagal, Daba-Case iyo weliba tiro Liin dhanaan ah.



Beertii ayuu ka soo baxay; Khudaartii oo isku xirxiranna wuxuu ku soo qabsaday gacanta Midig, Yaambadiina Garabka bidix ayay u saarnayd. Wuxuu u soo deg-degayay Quraacdii ugu diyaarsanayd Aqalkiisa, ee uu sida gaarka ahna u xiiseynayay.



Laakinse markii uu soo marayay bartamaha Bannaankii weynaa ee 'Hela-waaleey' ee duleedka Afgooye, ayuu Macallinkii iskiis uga dhacay sara-joog, oo isku fidiyay dhulkii dhoobeyda ahaa, oo weli markaas ahaa Gawaan..!!.



Beeralaydii agagaarka ka dhoweyd ee Beerahooda u kala foofayay, ayaa ku soo kala orday, si ay u eegaan waxa helay Macallinka. Dhan walba ayay u rogeen. Meel kasta oo muhim ah ayay gacanta ka saareen. Qaab kasta ayay u rog-rogeen, oo lahaayeen:-"Macallinow maxaa ku daaray..?!!".



Ugu dambayntii waxaa xaqiiqowday: In Macallinka laga tiray Liiskii reer-Adduunyo, laguna biiriyay Liiskii reer-Aakhiraadka. Khudaarta uu Quraacda u sitana ayan Calafkiisaba ahayn; ayna Ajashiisii gashay; Ifkana uusan Arzaaq kale ku lahayn..!!.



Marwo-Isniino, oo Irridda looga geliyay Meydkii Macallinka, ayaa waxay ku barooratay:-"Markii uu Af-bilowga sida deg-degga ah uga hor-istaagay, waan gartay in meel kale oo Alla og-yahay looga yeerayo"...!!.



Halkan waxaa ku jira , oo aan ka kororsanaynaa Casharro diineed oo loo baahan yahay in lagu cibra-qaato, kuwaas oo ay ka mid yihiin:-Ajasha, Geerida, Qaddarka, Calafka iyo in uusan ruuxna Cunaha marineyn wax uusan Qaadirku u qorin. Haddii ay Ajashu timaadana aan Saacadna laguu dib dhigayn, laguuna hor-marinayn..!!. Ha moogaan ee Camal-san falo, Maankana ku hay, maalinta Qiyaamo iyo Malakul-Mowd"..!!.    Xigasho Jiin-wabi

 

Kororso Aqoontaada Su’aalo iyo Jawaabo oo Diini ah iyo Aqoon Guud.

E-mail Print PDF

1-Su’aal Sheeg Nebigii Xanuunsanaa 18 sano?
1-Jawab: Waa Nebi Ayuub Cs.
2-Su’aal Sheeg ninka ugu horeeyo ee dhar la-siinaayo maalinta Qiyaamaha?
2-Jawab: Waa Nebi Ibraahim Cs.
3-Su’aal Sheeg Nebigii Salaad tukaday isagoo dhul joogin dhismo iyo geed-nana aan dul saarneyn?
3-Jawab: Waa Nebi Suleymaan Cs.
4-Su’aal Sheeg waa maxay micnaha Bakool oo kamid ah gobolada dalkayna Somaliya?
4-Jawab: Waxa weye Carada Cad ama Xilliga Waaberi.
5-Su’aal Sheeg warshadii Sonkorta ee Isnaay oo ku taallo magaaladda Jowhar sanadkii la-aas aasay?
5-Jawab: Waxa la-aas aasay sanadkii 1925-kii.
6-Su’aal Sheeg magaaladda kaliya ee uu Somaliya Bariis kabaxo?
6-Jawab: Waa magaaladda Jowhar ee gobolka Shabeeladda Dhexe.

7-Su’aal Sheeg sanadkii uu geeriyooday Rasuulkayna (NNKH)?
7-Jawab: Wuxu geeriyooday (NNKH) sanadkii 11-aad ee Hijriyadda.

8-Su’aal Sheeg Rasuulka (NNKH) markii uu geeriyoonaayay carurtiisa imisa ayaa ka nooleyd?
8-Jawab: Waxaa ka nooleyd oo kaliya Fatima Bintu Muxammed Rc.

9-Su’aal Sheeg Nebi Muuse iyo Haaruun keebaa weynaa?
9-Jawab: Waxaa weynaa Nebi Haaruun Cs.

10-Su’aal Sheeg degmo ka tirsan degmoyinka dalkayna oo xuduud la-leh Badda Cas?
10-Jawab: Waa degmada Caluula ee gobolka Bari.

11-Su’aal Sheeg waxaan Awrka geella qaadi karin ee Sagaaradda Qaadi karto?
11-Jawab: Waa Jabniinka.

12-Su’aal Sheeg magaca Cadka Geella ee ceeriinka lagu cuno, kuna yaalla kuruska geella?
12-Jawab: Waxaa waaye Ammaan.
13-Su’aal Sheeg Asxaabigii ay ka xishoon jirtay Malaa’iigta?
13-Jawab: Waa Cusmaan Binu Cafaan Rc.
14-Su’aal Sheeg Asxaabigii uu dhamashadiisa darteed uu cashriga la qil qishay?
14-Jawab: Waa Sacad Bin Mucaad Rc.
15-Su’aal Sheeg goorma ayuu dhacay dagaalkii Khandaq?
15-Jawab: Wuxu dhacay Shantii Hijriyadda.
16-Su’aal Sheeg wadanka ugu dhaqashada badan ee ka tirsan Jaamacadda Carabta?
16-Jawab: Waa wadanka Soomaaliya.
17-Su’aal Sheeg mid kamid ah gobolada dalka Soomaaliya haddii laga reebo xarafka hore wuxuu noqonaayaa wax carfoon?
17-Jawab: Waa gobolka Mudug haddii laga reebo xarafka hore wuxuu noqonaayaa Udug.
18-Su’aal Sheeg mid kamid ah gobolada dalka Soomaaliya haddii laga reebo xarafka hore wuxuu noqonaayaa mid kamid ah wadamada caalamka?
18-Jawab: Waa gobolka Hiiraan haddi laga reebo xarafka hore wuxu noqonaayaa Iiraan.
Ogeysiis Bahda Barnaamijka Kororso Aqoontaada waxay soo saartay Buug balaaran oo ka kooban 300 oo Su’aalo iyo Jawaabo ah. Hadaba aad ayay idin anfici doonaan waxaana la’idinku siin doonaa lacag la’aan (Free), caalamka meeshad ka joogta-na waa laguugu keyni karaa ee kala xiriir This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it


This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it

Last Updated on Monday, 15 March 2010 17:14
 

Halkaan ka akhri Warbixin calool xumo badan oo laga qoray xaaladda Wariye Maxamed Xusein jeekeey

E-mail Print PDF

Wariye Jeekeey oo wararka Caalamka ku soo baxay
Wariye Mohamed Hussein Jeekeey ayaa qabsaday Shaashada Caalamka,waxaana sawirkiisa iyo warbixin dheer la soo dhigay dhamaan Wakaaladaha ugu caansan dunida sida Yahoo,Google.AP iyo Washington Post.

Halkaan ka akhri Warbixin calool xumo iyo tiiraanya badan oo laga qoray xaaladda Jeekeey,Bashiir Naaleeye iyo Wariyeyaashii Somalia ka soo cararay.



Yahoo news Clickhere

http://news.search.yahoo.com/search/news?p=somali&ei=UTF-8

Halkaan ka akhri Warbixin dheer oo Washington Post ka qoray Jeekeey



 Somali journalists face death threats, kidnappings

By MALKHADIR M. MUHUMED
The Associated Press 

 

NAIROBI, Kenya -- Islamist insurgents blindfolded journalist Ibrahim Mohamed Hussein, tied his hands behind his back and ordered him to face Mecca. Then a man put a knife to his throat.

A last-second phone call spared Hussein's life. His family had paid an $18,000 ransom. After the attack he fled to Uganda, leaving behind his wife and three children.

"I'm the luckiest person in the world. I sometimes feel like I'm in a dream," Hussein said of last year's escape. "I don't think there is someone whose throat was put, like mine, to a sharp knife and survived, especially in Somalia."

Hussein is part of an exodus of African journalists who have fled dangerous conditions in their home countries, according to a report last week by the New York-based Committee to Protect Journalists.

African reporters are fleeing their home countries after being assaulted, threatened or imprisoned - often by militants, sometimes even by the government - an exodus that leaves a deep void in professional reporting.

"The starkest examples are in the Horn of Africa nations of Somalia, Ethiopia, and Eritrea, where dozens of journalists have been forced into exile," said CPJ's Africa Program coordinator Tom Rhodes. "Zimbabwe, Rwanda, and the Gambia have also lost large segments of the local press corps in the face of intimidation and violence."

Nine journalists were killed in Somalia last year, making the country the second deadliest in which to be a journalist, according to the CPJ report. The Philippines was the deadliest country last year, with 32 deaths.

The CPJ report said violence against journalists in Somalia has surpassed hotspots such as Iraq and Afghanistan. It cited an estimate by the Union of Exiled Somali Journalists that 80 Somali reporters have been forced into exile over the last three years. CPJ itself says at least 30 journalists have fled in the last decade.

Hussein may have escaped execution eight months ago in Mogadishu, but now he is afraid of the challenges he faces in Kenya, his current residence.

"I can't dare go back to Somalia. I can't dare stay here. I need advice," said Hussein, who was the southern and central Somali director for the satellite station Universal TV when he was seized last June as he drove to work.

Somalia's chaos has dragged on for nearly two decades. For the last three years, the conflict has pitted Islamist insurgents against the weak, U.N.-backed government forces who are holed up in small area of the capital.

Because of the dangers, few international journalists report from Somalia, depriving it of the international media attention that can shine a light on the severe living conditions many Somalis face.

Just last week, Ali Yusuf Adan of Radio Somaliweyn was abducted by gunmen from the al-Shabab militia after he reported that militants had killed a man for being late to a prayer session, Somaliweyn Radio director Abukar Kalaf said.

Somali journalists as a rule must be extra vigilant when moving around Mogadishu.

"I'm always alert, extra vigilant. I barely leave the well-protected compound of the presidential palace where my office is," said journalist Abdullahi Kulmiye, who works for the government-controlled Radio Mogadishu.

Although fleeing to a foreign country may offer a reprieve, journalists then must navigate cultural, lingual and legal obstacles, said the CPJ report.

Journalist Bashir Diriye Naleye was arrested by the Somali government in 2007 after asking critical questions to former President Abdullahi Yusuf's spokesman. He has since fled to Uganda, leaving behind eight children and a wife.

"I'm leading a miserable life as a refugee in Uganda," said Naleye

by: Mohamed Awil Said
Rotterdam,Nederlands

Last Updated on Friday, 25 February 2011 15:41
 

Weey I Taabaneeysaa Xaalada Dalkeeygu-X.Carab.

E-mail Print PDF

Xaaladda Dalkeena- Dhiigaas Qubanaaya iyo Dhiiladda Colaadeed
Weey i tabaneeysaa-Qofkastoo Damiir leh weey Taabaneeysaa.
 
Xamar Dhibkaa Yaal- Burburkaa ku Dhacay iyo Fool-Xumada Heeysaa
Waa i Taabaneeysaa- Qofkastoo Damiir leh weey Taabaneeysaa.
 
Qaxa iyo Qaxootiga- Qaaradaho u Kala Yaaci iyo Qaab Daraanteen
Weey i Taabaneeysaa., Qofkasoo Damiir lehna weey Taabaneeysaa.
 
Tallo aan Fiyoobeey- Foow-foowda Hadalkeen iyo Fadhi Xumaanteen
Waa i Taabaneeysaa, QofKastoo Damiir lehna weey Taabaneeysaa.
 
Dumarkaa dayacu helay- Ragan Jaha-wareeka ah iyo Ubadkaas Cidlada tuban.
Waa i Taabaneeysaa, Qofkastoo Damiir lehna weey taabaneeysaa.
 
Dhalinta Jeelka Buuxda, Kuwa Tuban Gidaarada iyo kuwo Reer Dagooro ah
Waa i Taabaneeysaa, Qofkastoo Damiir leh weey taabaneeysaa.
 
Naceeyba iyo Dagaaladda, Hoobiyaha iyo Galtaalada iyo Miino Duugiddu
Waa i Taabaneeysaa- Qofkastoo Damiir lehna weey Taabaneeysaa.
 
Gaajadda Agoomaha- Dhibka Naafadii helay iyo Bara-kaca Banaan Jiif
Weey i Taabaneeysaa- Qofkastoo Damiir leh weey Taabaneeysaa.
 
Deriskan Codoowga ah- Talladan Shisheeyaha iyo Qiilka Sheeydan
Weey i Taabaneeysaa- Qofkastoo Damiir leh weey Taabaneeysaa.
 
Burburkaa Gudaha yaal- Dayacan Qurbaha jirra iyo Qaawanaatuna
Wey i Taabaneeysaa- Qofkastoo Damiir leh weey Taabaneeysaa.
 
Silica iyo Dhibaatadda, Mugdigaas Waqtiga dheer iyo Maan-laawahaan nahay
Waa i Taabaneeysaa- Qofkastoo Damiir leh weey Taabaneeysaa.
 
Jiifka iyo Hurdada Dheere-Daawashada Dadkeen galay iyo Howlaha inoo Yaal
Waa i Taabaneeyaan- Qofkastoo Damiir leh weey Taabanaayaan.
 
Anigaa Bulshada Hagi- Anigaa Hirgelin Nabad oo Shilin ku Raadsi ah
Waa i Taabaneeysaa-Qofkastoo Damiir leh weey Taabaneeysaa.
 
Taladiina Maya irri- Teeydana ha Raacina iyo Tacab Khasaarkaas
Weey i Taabaneeysaa- Qofkastoo Damiir leh weey Taabaneeysaa.
 
Tiiraanyada Xanuunka leh -Doogta Dakharka nagu Yaal iyo Daalkaas Caga Jaray
Weey i Taabaneysaa- Qofkastoo Damiir leh weey Taabaneeysaa.
 
 
 
Curiye-Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)

 


Page 18 of 25

Newsflash