Guddiga Farsamada oo bilaabay inay xareeyan Odayaasha Dhaqanka (SAWIRRO)

Guddiga Farsamada ee Dhismaha Galmudug ayaa waxay maanta Magaalada Dhuusamareeb ka bilaabeen inay xareeyaan Odayaasha Dhaqanka, ee lagu wado inay soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka xigga ee Galmudug.

Guddiga Farsamada ayaa waxay Odayaasha Dhaqanka dejinayan goobo ay ugu talagaleen inay ka daggaan Magaalada Dhuusamareeb, mudada ay ku hawlan yihiin soo xulista Xildhibaanada.

Cabdinaasir Geelle Cilmi, Guddoomiyha Guddiga Farsamada ee Dhismaha Galmudug oo la hadlay tiro yar oo ka mid ah saxiixe-yaashii Galmudug ayaa wuxuu ugu baaqay inay si cadaalad ah ku soo xulaan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga, Axmed Maxamed Caafi ayaa wuxuu sheegay in ay wadi doonaan xaraynta Odayaasha Dhaqanka, kuwaa oo intooda badan weli ka maqan Magaalada Dhuusamareeb.

Maalintii Sabtida oo lagu waday in la bilaabo xaraynta Odayaasha Dhaqanka ee soo xulaya Xildhibaanada ayaa waxaa ku yimid dib u dhac, waxaana xilligaasi suuqa soo galay warar sheegaya in muddo toddobaad ah dib loo dhigay xaraynta saxiixe-yaashii Galmudug.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR