Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Wada-tashiga Puntland oo la shaaciyay

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa
maanta oo Talaado ah magacaabay, guddi qaabilsan qaban-qaabada Shirweynaha
Wada-tashiga Puntland, oo sida qorshaysan la qaban doono 15-ka bisha soo socota
ee March 2020-ka.

Guddiga oo ka kooban 11 xubnood, waxaa guddoomiye looga dhigay
Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, halka
guddoomiye ku xigeenkuna yahay wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Ilyaas
Cismaan Lugatoor (Gabilay).

Guddiga oo isugu jira wasiiro, xildhibaanno, la taliye madaxweyne
iyo xubno ka tirsan Bulshada Rayidka Puntland, ayaa u xil saran qaban-qaabada
iyo qabashada Shirweynaha  wada-tashiga
Puntland oo uu horay u iclaamiyay madaxweyne Deni.

Shirka ayaa lagu casumay dhammaan  Golayaasha dowladda Puntland, Wakiillada ku matala dowladda Federaalka, Dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka, si looga tashado mustaqbalka dowladda Puntland iyo doorkeeda ku aadan midnimada iyo hirgalinta hanaanka Federaaleynta dalka.

Hoos ka akhriso magacyada guddiga

1. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Federalka iyo Dimuqraadiyadda _ Gudoomiye.

2. Ilyaas Cismaan Lugatoor, Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada _ Gudoomiye ku-xigeen.

3. Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), Wasiirka Wasaaradda Dekeddaha _Xubin.

4. Fardowsa Cismaan Cigaal, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha _ Xubin.

5. Laylo Cabdi Cartan, Lataliyaha Madaxwaynaha _ Xubin.

6. Cabdiraxmaan Diiriye Carab, Xildhibaan _ Xubin.

7. Mahdi Siciid Xasan, Xildhibaan _ Xubin.

8. Cabdiraxmaan Maxamed Bangax, Bulshada rayidka _ Xubin.

9. Maxamuud Ismaaciil Ciyoon, Bulshada rayidka _ Xubin.

10. Axmed Cabaas Axmed, Bulshada rayidka _ Xubin.11. Cabdiraxmaan Diiriye Samatar (Shuuqe), Bulshada rayidka _ Xubin

PUNTLAND POST

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR