Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo wafdi uu hoggaaminayo ok gaaray magaalada Kismaayo

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi C/laahi & Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Maamulka Jubbaland.

Waxaana garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo baarlamaanka Maamulkaasi.

Ujeedada socdaalka Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka & Wafdigiisa ayaa la xiriirta arrimaha ku aadan dadaaladii Golaha Aqalka Sare ay ka wadeen Maamul Goboledyada ee ku aadan xalinta Khilaafka dowladda Somaliya & Maamul Goboledyada ka dhex taagan.

Jubbaland waxa uu ahaa maamulkii ugu horeeyay ee beeniyay hadalka kasoo baxay guddiga aqalka sare ay u xil saareen xalinta khilaafka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee ku aadana in la xaliyay khilaafkaasi.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR