Guddoonka BF Somalia oo kasoo horjeeda “ilaalinta” maamulka maaliyadda

Warbixinta Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorshaha, iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda (GMMQXHD) ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS) iyo dooda la hor istaagay waxay shaaca ka qaadeen baahida loo qabo in si deg deg ah wax looga qabto musuqmaasuqa hareereyay dhaqangelinta (Implementation) Miisaaniyadda 2018 iyo guud ahaan maamulka maaliyadda Qaranka. Shaki kuma jiro in Guddiga Maaliyadda dhibaato badan ka soo maray helitaanka iyo habeynta xogta xisaab xirka ku faahfaahsan warbixinta waafaqsan maamulka Dowladeed. Laga bilaabo Jannaayo 2017 ilaa maanta, Wasaaradda Maaliyadda lagama hayo xisaab xir rasmi ah oo la tix-raaci karo, taaso astaan u ah maamulxumo iyo musuqmaasuq. Waa musiibo Qaran in Guddoonka BFS ka soo horjeedo gudashada xilka Ilaalinta Maamulka Maaliyadda Dalka.

Warbixinta Guddiga Maaliyadda waxaa la qaybiyay kalfadhiga Barlamaanka 20kii Nofember 2018. Wareysi uu siiyay Idaacadaha gudaha iyo dibedda ka sokow, Jawaabta Wasiirka Maaliyadda waxaa la qaybiyay lana jeediyay Kalfadhiga Barlamaanka 24 Nofember 2018. Sidaa darted, danta dalka iyo dadkaba waxay ku jirtaa in BFS gunaanado si daahfuran doodda si loo xaqiijiyo hagaajinta maamulka Maaliyadda dalka iyo wada shaqeynta Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda, Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, iyo Hantidhowraha Guud. Kala diridda Guddiga oo loo cuskaday sababo aad u liita oo takrifal ah  waxay dhirrigelineysa fowdo iyo burburka nidaamka dowladnimo iyo inaan waxba laga qaban musuqmaasuqa caqabadda ku ah nabadda iyo taabbagalka dowladda Soomaaliya.

Shaki kuma jiro in 10ka Xildhibaan ee 4 maalmood kaddib Barlamaanka ka sheegay inaysan wax ka ansixin Warbixinta Guddiga uu saameyay Musuqmaasuqa aafeyay Dowladnimada Soomaaliya. Waajibka Guddoonka Barlamaanka waa ilaalinta habsami u socoshada xilgudashada xildhibannada Barlamaanka iyo Guddiyadiisa loo abuuray inay fuliyaan shaqooyin joogto ah oo lagu higsanayo maamul wanaag.  Waxaa xusuus mudan in Wakiillo ka socda Bankiga Adduunka (WB) oo dabajooga wax ka qabashada Maamulxumida Maaliyadda Soomaaliya ay xiriir wada shaqeyn iyo tababar u fidiyeen Guddiga Maaliyadda si ay ugu baraarujiyaan gudashada xilkooda ku aadan ilaalinta Maamulka hantida Qaranka iyo la dagaalanka Musuqumaasuqa. Waa nasiib darro in Guddoonka BFS hor istaago gudashada xilkaas. Waxaa maadeys noqday in Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee BFS yiraahdo Isticmaalka Emailka (IT) ma ahan xalaal ama lama oggola.

Hal Xildhibaan oo matalaya ilaa 50 kun muwaadiniin ah wuxuu awood iyo xaq u leeyahay inuu soo bandhigo musuqmaasuqa iyo khaladaadka Laanta Fulinta lagu tuhunsan yahay, lana sameeyo dabagal iyo baaris. Soomaaliya waxaa soo maray dowlad Rayid ah oo Ciidammada dalka xukunka uga tuureen eex iyo maamulxumo darted iyo dowlad Militeri ah oo Jabhado hubeysan xukunka uga tureen cadaalad darro iyo musuqmaasuq darteed. Soomaaliya kuma dhalan karto, kumana noolan karto dariiq lagu burburay.

  1. Qodobo gogoldhig ah: 
  1. Dowlad kasta waa inay ku shaqeysa Miisaniyad sharci ah oo laga ansixiyay Wakiillada Shacabka (Barlamaanka ama Gole deegaan). Dowladdu ma qaadi karto canshuur iyo khidmo, mana qaadan karto amaah haddii uusan jirin sharci u oggolanaaya. Sidoo kale, Dowladdu ma bixin karto kharaj aan horey sharci ugu oggolaan.
  2. Helitaanka Deeqda kabidda Miisaaniyadda waa howl u baahan dadaal siyasadeed iyo mid maamul oo dhib badan.
  3. Dhaqangelinta Miisaaniyadda waxaa u xilsaaran Laanta Fulinta (Executive Branch), gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda;
  4. BFS wuxuu u xilsaaran yahay ansixinta Miisaaniyadda ku tala galka ah, la socoshada, dabagalka, iyo baarista dhaqangelinta Miisaaniyadda la ansixiyay iyo oggolaanshaha wax ka beddelkeeda haddii loo baahdo, iyo ugu dambeyn ansixinta xisaab xir sannadeedka uu Hantidhowraha Guud soo xaqiijiyay in dhaqangelinteeda waafaqsan tahay sharciga Miisaaniyadda, Xisaabaadka iyo Dhaqaalaha.
  5. Wasaaradda Maaliyadda ayaa laga rabaa inay si joogto ah ugu gudbiso BFS xog hufan, dhammeystiran maalin kasta, usbuuc kasta, bil kasta iyo sannad kasta. Hase yeeshe, xaqiiqada waxay tahay in Laanta Fulinta, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo hay’adaha kale ay ka cagajiidayaan u hoggaansanaanta sharciga gudbinta iyo la wadaagidda xogta BFS iyo Shacabka waqti munaasib ah. Bankiga Dhexe waxaa laga rabaa inuu gudbiyo xisaab xirka dhaqdhaqaaqa Xisaabta Khasnadda Dowladda (Treasury Account). Hantidhowraha Guud waa Hay’ad kaabeysa xilgudashada BFS.
  6. Shacabka Soomaaliyeed ma rumeysan karo in Madaxda Dowladda Federaalka daacad ka yihiin la dagaalanka Musuqmaasuqa ilaa laga dhammeystirayo Dastuurka Qabyada ah, laga helayo Garsoor madaxbannaan, laga dhaqangelinayo sharciyada madaxbannanida Hantidhowraha Guud, Xisaabiyaha Guud, Bankiga Dhexe, Guddiga la dagaalanka Musuqmaasuqa, Guddiga Xuquuqul Insaanta, isla markaana laga joojinayo xildhibannanada loo magaacaabayo Golaha Wasiirrada ama la laaluushayo.

Madaama ay muuqato in Wasaaradda Maaliyadda baalmartay warbixinta Guddiga Maaliyadda ama u bareertay olole jaahwareerin, waxaa halkaan hoose ku qodobeysan nuxurka Warbixinta ka kooban 14 bog oo aysan ku jirin lifaaqyo ku xusan, waxaana loona qaybin karaa 2 qaybood:

  1. 8da Bog ee ugu horreeya waxay qeexayaan maamulxumada iyo ku tumashada sharciga maamulka Miisaaniyadda iyo Xisaabaadka ee loo jeediyay Wasaaradda Maaliyadda. Waxaa xusid mudan in warbixinta Guddiga aysan sheegeyn lacag la xaday, waxayna dalbeysaa in Hantidhawraha Guud soo baaro dakhliga iyo kharajka aan waafaqsaneyn Sharciga.
  2. 6da Bog ee ugu dambeeya waa shax muujineysa: Is barbardhigga dakhliga ku tala galka ah iyo kan soo xarooday 8 bilood; 2. Kharajka ku talagalka ahaa, Kharajka Isbeddelka  Wasaaradda Maaliyadda sameysay iyo kharajka dhabta ee baxay 8 bilood. Shaxda waxaa ku cad:
  3. Ku talagalka Dakhliga iyo kharajka Guud ee Miisaaniyaddad 2018 wuxuu yahay $274,630,191.
  4. Dakhliga Guud ee dhabta ah oo ka kooban Gudaha iyo Dibedda oo soo xarooday 8 bilood Jannaayo ilaa Agoosto wuxuu yahay $156,717,203.53.
  5. Dakhliga Guud ee dhimman 4 bilood (Setember ilaa Disember 2018) waa $117,912,987.48. Shaxda ayaa muujineysa Madaxyada Dakhliga gudaha iyo dibedda ka soo galeen iyo wixii hoos u dhac iyo koror ahba. Xisaabta kor ku qoran waxay muujineysa hoos u dhac guud ee dakhliga ku talagalka 2018.
  6. Shaxda Kharajka waxay muujineysa in Wasaaradda Maaliyadda isbeddel ku sameysay Qoondooyinka Kharajka ku talagalka Miisaaniyadda la ansixiyay 2018, taaso sharcidarro ah.
  7. Kharajka baxay 8da bilood Jannaayo ilaa Agoost 2018 waa $ 152,582,958.
  8. Farqiga dakhliga iyo kharajka dhabta ah ee 8 bilood waa $156,717,203.52152,582,958= Haraa $ 4,134.245.52.
  9. Hoos u dhaca dakhliga guud waxaa ka dhashay hakinta bixinta kharajyo la oggolaaday. Taas waxay keeneysaa hoos u dhaca waxqabadka dowladda iyo kororka deynta gudaha. Arrintaas waxay fasireysa in hay’ado badan ee Dowladda Federaalka aysan helin kharajka howl socodsiinta (Running Cost). Lama oga deynta DF qabto.
  10. Guddiga wax kama sheegin arrimo badan ee la xiriira Maamulka Maaliyadda dibedda iyo Gudaha sida habka wax iibsiga dowladda, canshuur dhaafka dekedda, Qandaraasyada, heshiisyada lala galay shirkado ajnabi ah ee Dowladda Iidheh u sameynaya, Mashaariicda, iyo wareejinta dhex marta DF iyo Dowlad Goboleedyada.
  • Qeexidda Maamulxumada Warbixintu tilmaantay:
  1. Xisaab Xirkii 2017 oo weli laalan.
  2. Bankiga Dhexe oo si sharci darro ah ula wareegay awoodda amar bixinta kharajka ee Xisaaabiyaha Guud iska leeyahay.
  3. Lacago laga soo ururiyay hay’ado gaar loo leeyahay (Rayid ah) oo Wasiirka Maaliyadda maamulayo si aan waafaqsaneyn sharciga xagga soo ururinta iyo xagga bixinta kharajka.
  4. Canshuur la rabay in laga qaado hay’adaas gaarka loo leeyahay oo aan weli la hirgelin.
  5. Lacag dhan 20 milyan doolar oo Boqortooyada Sacuudiga bixisay hase yeeshe aan ka muuqan Miisaaniyadda 2018.
  6. Lacag dhan 3 milyan doolar oo laga wareejiyay si sharci aheyn Madaxa Miisaaniyadda “Adeegga Dowladda” loona isticmaalay si aan sharci aheyn.
  7. Deeqda kabidda Miisaaniyadda aan la helin, loona baahan yahay xogwarran.
  8. Lacagtii loo qoondeyay “Keyda lama Filaanka/Curaarta” oo dhan $2,532,866.86 oo 5% loo isticmaalay ujeedoo ka duwan tii loogu talagalay.
  9. Lacago Mashaaric loogu tala galay oo aan loo isticmaalin ujeedadii loogu talo galay.
  10. Fulin la’aan go’aammadii ku lifaaqnaa ansixinta Miisaaniyadda 2018 sida dhowrista awoodda kala wareejinta xafiisyada dhexdooda, soo gudbinta warbixinta maaliyadda bil kasta iyo warbixinta 10 biloodka, soo gudbinta sharcigii canshuuraha, keyda lama filaanka ah, liiska deymaha gudaha ee Dowladda lagu leeyahay, iwm.
  11. Fulin la’aan go’aankii ahaa in Barlamaanka Federaalka la horkeeno Miisaaniyadaha Gobolka Benadir (Dowladda Hoose ee Muqdisho).
  12. Qoondooyin dheeraad ah ee loo qoray Hay’ado ka tirsan Dowladda taaso ka baxsan Oggolaanshihii Miisaaniyadda 2018.
  13. Bixin la’aan lacag dhan $ 8,400,000 oo loo qoondeyay xildhibannadii iyo shaqaalihii hore ee Barlamaanka Federaalka, lacagtaasoo qaar si khaldan loo isticmaalay, isla markaana xildhibannadii iyo xuquuqdii shaqaalihii lahaa aan ilaa maanta la siin.
  14. Inaan la diiwaan gelin Ciidammada dalka marka la reebo 5,400 ciidan, taaso hortaagan taagerada dibedda. Islaa markaa, Wasaaradda Maaliyadda ma fulin in askariga la diiwan geliyo loo kordhiyo mushaarka $ 50.00 (konton) bishii.
  15. Inaan la dhowrin mudnaanta kala hormarinta kharaj bixinta.
  16. Maamulka Gobolka Benadir (Dowladda Hoose ee Muqdisho) oo musuqmaasuq ballaaran iyo fowdo maamul ka taagan tahay. Gobolka ma lahan Miisaaniyad ku talagal iyo Gole matala Shacbiga deegaanka oo ilaaliya maamulka hantida Ummadda. Wasaaradda Maaliyadda waxay siisaa Gobolka Benadir 15% dakhliga ka soo xarooda Dekedda Muqdisho. Sidoo kale, Gobolka wuxuu toos u qaada canshuuro kala duwan. Warbixintu waxay caddeyneysaa in muddo 6 bilood ah – Jannaayo ilaa Juunyo 2018, Gobolka Benadir soo galay dakhli dhan $17, 713,086.26 waxaana baxay kharaj dhan $16,776,631.80, oo aan inta badan wax dokumenti ah laga hayn ama aan lagu bixin hab waafaqsan sharciga xisaabaadka iyo Maaliyadda Dowladda. Lacagta haraaga ah waa $ 936,454.46
  17. Khasnajiga Dowladda Hoose ee Gobolka Benadir wuxuu Bankiga Dhexe ka soo qaday lacag dhan $ 5,972,085.82, lamana arag wax caddeynaya in dadkii loo soo qaaday la siiyay ama la gaarsiiyay.
  18. Mushaarka shaqaalaha Gobolka Benadir oo laga gooyo 30% sabab la’aan.
  19. Jiritaanka Shaqaale mushaar ka qaata meelo kala duwan ama shaqaale aan jirin ama aan la aqoon shaqada ay qabtaan oo mushaar ka qaata Gobolka Benadir iyo Wasaaradda Maaliyadda. Sidoo kale Hay’ado ayaa lacag ka qaata Gobolka Benadir.
  1. Jawaab celinta Wasaaradda Maaliyadda Maaliyadda iyo Bankiga Dhexe.A –

    Guddoomiye Ku Xigeenka Bankiga Dhexe Drs. Maryam Cabdullahi Yusuf waxay caddeysay in $5 milyan oo ka mid ah $ 20 milyan ee Boqortooyada Sacuudiga ku deeqday 2017 lagu soo wareejiyay Khasnadda Dhese ee DF Bisha 9aad (Setember) 2018, halka $ 15 milyan ay weli ku jirto Xisaab Gaar ah ee Bankiga Dhexe ku qoran. Caddeyntaas waxay rumeyneysaa warbixinta Guddigga. Su’aasha taagan waxay tahay madaama hoos u dhac dakhli jiro, maxaa lacagtaas loogu soo wareejin la’yahay khasnadda dhexe ee dowladda?B – Ilaa hadda, Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdidraxman Ducaale Beyle ma soo bandhigin xog beddeleysa warbixinta Guddiga Maaliyadda ee BFS. Jawaabta laga sugayay waxay aheyd inuu soo bandhigo xisaab xirka 2017 iyo xisaab xirka 8 bilood 2018. Kaddibna qodob qodob uga jawaabo warbixinta.

Wasiirku wuxuu ku dhaqaaqay olole jaahwareerin, dhaleeceyn iyo kicin. Hal ku dhegga Wasiirka wuxuu noqday in warbixinta ay qoreen shakhsiyad, daneystayal (canaasiir) dano gaar ah leh (conflict of Interests). Sidaa darted, warbixintu been abuur tahay asagoo aan wax caddeyn ah bixin. Wasiirku wuxuu is moogeysiyay in Xildhibannanada ay waajib ku tahay inay mashaaric iyo qandaraasyo u raadiyaan deegankooda iyo dadkooda sida uu asaguba ugu raadinayo horumar Gobolka iyo dadka uu matalo. Laanta Fulinta ayaa laga rabaa inay wax qabadkeeda waafajiso sharciga iyo nidaam.

Qoraalka 6da bogga ah ee Wasiirka Maaliyadda ka jeediyay BFS iyo wareysiyo uu siiyay Idaacadaha gudaha iyo dibedda waxaa ka buuxa hanjabaad, cambaareyn, is ammaan, quursi, iyo indho sarcaad. Wasiirku welwel abuuris iyo kicin darted wuxuu ku andacooday in warbixinta Guddiga Maaliyadda ay dalka dhibaatoo gelineyso, lana rabay in asaga laga warqaato, lagu kalsoonaado, lagana dambeeyo. Dhibka dalka ka taagan waa musuqmaasuq, maamulxumo, ku tumashada xorriyada iyo xuquuqda muwaadinka, cadaalad darro, iyo curyaaminta howlaha BFS iyo Hay’adaha Madaxabannan.

Wasiir Beyle waa qaadan waayay in xildhibannada dhalliileen wax qabadkiisa, mana muujin inuu ku qanacsan yahay hadafka qotada dheer ee laga leeyahay xilka ilaalinta (Oversight) BFS ku leeyahay Laanta Fulinta, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda. La Xisaabtanka dowladda waa howl u baahan sharci u hoggaansanan, aqoon, iyo daahfurnaan dhab ah.

Wasiirku wuxuu sheegtay in shacbigu kalsooni ku qabo, IMF ammaantay, xildhibannada diyaariyay Warbixintana ay muujiyeen biseyl la’aan, iskuna khaldeen dakhli iyo deeq. Wasiirku wuxuu Xildhibannada xusuusiyay in Wasaaradda Maaliyadda iyo asagaba ammaan mudan yihiin. Waa halis in dhirrigelinta siyasadeed ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) ula jeedo in dadaalka la kordhiyo loo qaato ammaan wax qabad.

Wasiirku wuxuu ku dooday inaan weli la xirin Xisaabaadka Miisaaniyadda 2018, taaso ah fadeexo weyn, waayo waajibka shaqo waa in maalin iyo bil kasta la sameeyo xisaab xir, hay’adaha shaqada ku lehna lala socodsiiyo. Wasiirku wuxuu qirtay in lacag dhan $3 milyan laga bixiyay Madaxa 105-03 kaddibna lacagtaas dib loogu soo celiyay iyo in lacag tabarucaad ah laga qaaday Shirkadaha Xawaaladaha iyo Bankiyada loona isticmaalay howlgelinta Xarunta Warbixinta Maaliyadda (Financial Reporting Center), asaguna maamulay, taaso ah sharcidarro. Wasiirku ma hubsan in ka Wasiir ahaan ku urursan karin magaca dowladda tabarucaad, kaddibna u isticmaali karin siduu rabo. Dowladdu shaqo kuma laha tabarrucaad (Iskaa wax u qabso) dadweynaha haddii aysan Dowladdu shirka ku aheyn, markaaso loo baahan yahay in nidaam gaar ah loo sameeyo.

Guulaha Wasiirku sheegtay waxaa ka mid ah:

  1. In dhammaan dakhliga dowladda lagu shubo khasnadda dhexe ee Dowladda taaso been noqotay kaddib markii lacag dhan $ 15 milyan doolar ee la helay 2017 aan weli lagu soo wareejin Khasnadda Dhexe ee Dowladda. Tan labaad, Wasiirka ayaa qirtay in malaayin doolar oo deeqbixiyayaasha ay bixiyeen aysan ku soo dhicin Khasnadda Dhexe, madaama aan Dowladda lagu kalsooneyn. Qoraal ka soo baxay khubaro ka shaqeysa Bankiga Adduunka (WB) iyo Qarammada Midoobay (UN) waxay sheegeen in wax ka yar 4% deeqda Beesha Caalamka ku bixiso Soomaaliya la soo marsiiyo Khasnadda Dowladda.
  2. In Dakhliga Gudaha ku talagalka 8 bilood ahaa $ 104 Milyan, lana soo xareeyay $ 112 milyan. Isla Markaa Wasiirku wuxuu sheegay in Kharajka la bixiyay 8 bilood noqday $147 Milyan doolar, taaso muujineysa in loo baahan yahay xisaab xirka Dakhliga Gudaha iyo dibedda si loo qiimeeyo dhaqangelinta Miisaaniyadda.
  3. Wasiirku oo raba inuu beeniyo hoos u dhaca dhabta ah ee dakhliga guud, wuxuu qoraalkiisa ku yiri: “Shakhsiyadkaan ayaa warbixintooda ku tilmaamay in guud ahaan dakhliga dowladda hoos u dhac ku yimid, waxay tilmaameen  in canshuuraha shaqaalaha dowladda aanu fadhin hase yeeshe waxaysan eegin isbadalka  ma mid koror ah baa mise waa mid hoos u dhac ah, waxaan soo rognay in dhamaan canshuur laga qaato shaqaalaha ka shaqeeya mashaaricda iyo dhamaan gunnooyinka dowladda bixiso  sida xeerka uu qabo; ku talagalka  canshuurta shaqaalaha  ee 8 bilood ayaa ahayd 3.23 milyan doolar halka ay soo xerootay 3.7 milyan doolar, runtii arrintan  waa arrin mudan bogaadin.” Farqi ayaa u dhexeya hoos dhac guud iyo hoos u dhac/kor u kac hal Madax. Warbixintu kama hadlin canshuurta shaqaalaha aanu fadhin. Waa tusaale muujinaya is ammaan iyo ka badbadin.

24 Nofember 2018, Wasaaradda Maaliyadda waxay soo saartay Warsaxaafadeed ay ku soo dhoweyneyso go’aanka Barlamaanka Federaalka ku tirtiray warbixintii Guddiga Maaliyadda Barlamaanka ee ku saabsaneyd Maamulxumada Miisaniayadda 2018. Warsaxafadeedku wuxuu sheegayaa sababaha loo tirtiray warbixinta inay yihiin in Miisaaniyadda 2018 weli xirmin, inaan la raacin habraacii Barlamaanka iyo in Wasaaradda Maaliyadda si buuxda u burisay nuxurka Warbixinta. Saddex sababood midkoodna sax ma ahan. Waxaa soo ifbaxaya dhaqan dal iyo dad dhan ku burbureen.

Dr. Maxamud M Culusow
mohamuduluso@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR