Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay dhigiisa Turkiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa magaaladda Ankara ee dalka Turkiga kula kulmay dhiggiisa Dawladda Turkiga, Mustafa Şentop, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada Baarlamaan iyo is dhaafsiga khibradaha.

Sidoo kale Guddiyada Labada Baarlamaan ee Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga waxay is dhaafsan doonaan booqashooyin, sidda lagu sheegay qoraal laga soo saaray shirka, Waxaana Aqoon kororsi iyo tababaro la siin doonaa shaqaallaha Baarlamaanka, sidaas ayaa waxaa lagu daabacay Bogga rasmiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Inta uu soconayay kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa Guddoomiye
Mursal ku casuumay dhiggiisa Turkiga in uu yimaado Soomaaliya, waxaana
Guddoomiya Baarlamaanka Soomaliya uu wadaa dadaalo uu ku doonayo in
Guddiyada iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka ay helaan tabarro iyo
booqashooyin Khibrad Is-dhaafsi ah.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR