Gudoomiye Cusub oo loo doortay degmada Badhan

Axmed Maxamed Timir ayaa maanta loo doortay duqa degmada Badhan ee gobolka Sanaag ka dib doorasho ka dhacday degmadaasi oo dhawaan Puntland ay kala soo wareegtay Somaliland. Axmed ayaa helay 16 Cod halka Maxamed Cabdulaadir Qaddaafi uu heley 12 cod. Golaha cusub ee deegaanka ee Badhan ayaa ka kooban 28 qof waxaa ku jira 9 haween ah. Puntland ayaa golahan maanta u dhistay degmada kadib muddo 7 sano ah oo golihii hore joogeen, balse waxaa jiray khilaaf maalmahan ka taagnaa dhismaha golaha.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR