Gudoomiye Najax: Awdheegle waxay ku jirtaa, kuna jiri doontaa gacanta dowladda

Ibraaahim Aadan Cali (Najax), Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxa uu ka hadlay weerarkii fashilmay ee maanta maleeshiyada Shabaabku ku qaadeen Degmada Awdheegle.

Weerarkan ayaa ku bilowday gaadiid walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu soo weeraray saldhigga ay Ciicdanka Xoogga Dalka ku leeyihiin Degmada Awdheegle, waxaana xigay dagaal toos ahaa oo Shabaabku ku soo qaadeen saldhigga. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ka hortagey Shabaabka oo ujeedkoodu uu ahaa inay cagta mariyan saldhigaasi.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ammaanay inay si wanaagsan kaga hortaggeen maleeshiyada Al Shabaab, isla-markaana ay hub ka furteen.

“Weerar fashilmay oo khawaariijta Al Shabaab ku soo qaadeen Degmada Awdheegle ayay Ciidamada Xoogga Dalka guulo waaweyn ka gaareen, iyadoo hub badan Shabaabka looga furtay dagaalka.” Ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Ciidamadeena Xoogga Dalka oo har iyo habeen u taagan daafaca dalka, dadka iyo diintooda. Sidoo kale waxaan bogaadinayaa shacabka iyo Maamulka Degmada Awdheegle oo garab taagan ciidamada.”

Najax oo hadalkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa waxa uu intaa ku daray “Awdheegle waxay ku jirtaa, kuna jiri doontaa gacanta shacabka iyo dowladooda, Insha’Allah.”

Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Odawaa Yuusuf Raagge oo isna ka hadlay weerarkan ayaa sheegay in lagu laayay maleeshiyada Al Shabaab, sidoo kalena ay meydad fara-badan uga carareen Degmada Awdheegle.

Taliyaha oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka lagu qabtay maleeshiyaad ka tirsan Ururka Al Shabaab, hadana ay ku jiraan gacanta Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka caawa inaga soo gaaraya Degmada Awdheegle ayaa sheegaya in xaaladda degmadaasi ay caawa tahay mid degan, ayna jiraan qoysas isaga barakacay halkaasi, ka dib dagaalkii xooganaa ee maanta ku dhex maray Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al Shabaab.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR