Gulufkii “D-DAY” iyo suugaantii gabyaaga Soomaaliyeed (WQ: Maxamed Haaruun)

  • Koowdii xalaa taarku yimid, waana kululaaye.
  • Kornayladu ma seexdaane waa, Kuududaan waliye.
  • Anaa koon-lab, anigaa kurka ah, kay ha la gu daayo.
  • Kaliday anaa idin xukumi, Kaasi been noqoye.
  • Ninkii kibir-hawoodaba, midbaa xadhig ku keenayne.
  • Konton mayl hadaa loo jiraa, Karintii Baarliine.
  • Kurtin qiiqayaa labada dhinac, la ga kulaalaaye.
  • Muslimiinta Eebboow kor yeel, Koodu waa sahale. (Xassan-tarabi).

Saxafadda caalamka intooda ugu tunka rooni waxa ay ilaa shalay si wayn u qaadaadhigayaan, sheekooyin ku saabsan xuska duulaankii maalinta ‘D-Day’ oo haatan 75-guuradeeda la joogo. Waxa la keenay xusaskaas oo dhan, askar ka nool ragii waagaas dagaalamay, oo haatan da’doodu 90 iyo wixii la jira tahay. Maalinta D-Day oo ku beegnayd 6 June, 1944, in kasta oo aanay ahayn maalintii dabshidka Dagaalkii labaad uu bilaabmay iyo markii uu dhamaaday toona, Hadana waa maalin muhiimadeeda goonida ah lahayd, walina leh. Hujuunka D-day wuxu ahaa weerarkii u gu balaadhnaa ee bani-aadam qaado, isla markaana, wuxu sabab u ahaa in Dagaalkii Labaad uu sanad ka dib soo gabagaboobo. Dagaalkii Labaad iyo hujuunka D-day toona wax badan oo na ga khuseeya hadii aan Soomaali nahay ma ogi, wax se si isku mid ah ii soo jiitay, sidii duulaankas balaadhan ee aan dhigiisa hore iyo dib toona loo arkin loo maamulay, iyo sidii ay suugaanyahanada Soomaalidu uga fal-celiyeen dagaaladan Yurub ee taariikhda dunida oo dhan saamaynta ku yeeshay. Wixii maalintaas 6 June, 1944 dhacay, iyo natiijadii ka dhalatay oo ahayd soo af-jariddii Dagaalkii Labaad, ayaa aan qormadan si kooban ugu soo qaadi, waxaanan soo dhex gelin suugan Soomaliyeed oo xidhiidh la leh.

– Qarka Oruba, qaaliga France, qooriyada Marsey.

– Quruxda Almaaniya (Germany) iyo dhulkii, Muuse (Mussolini) la ga qaaday.

– Qalcadihii burburay reerahay, Qadhaydu yeedhaysay.

– Taangiga qafilan maalintuu, qaatay Minawaarku – (Markab dagaal).

– Wuxu qalinku meeraba markii, laysu wada qoofay.

– Qabaa rag isu geeyaye markay, qaraxday baaruudu.

– Ninna la ma qasbine waw qasdeen, inay qasaaraan.

(Waa Abwaan Timacade, oo I noo sharaxaaya dhulkii wax ka dahcaayeen, aaladihii la adeegsaday, iyo asbaabtii dirirta keentay ba).

Maalintan D-day ee 6 June, 1944, waxa loo diyaar garoobaayay muddo sanad ah oo ka horaysay. La ga soo bilaabo 1939 kolkii dagaalku bilaabmay, badiyaa waxa gacanta sare lahaa xoogagii Jarmalka, oo badda, circa iyo dhulka ba ku adkaaday, Yurub badankeed na gacanta ku dhigay. Xooggagii Huwanta ee Reer-galbeedka, oo America ay hormuud u tahay, waxa ay dabridka maalintan D-day u diyaariyeen in ka badan 150 kun oo askari, 6000 markab oo dagaal, iyo 12 kun oo diyaaradood oo circa xeebta Normandy ee Faransiiska qariyay subaxnimadii 6 June, 1944. Quwaddii binu aadam ee dagaal iyo dil loo adeegsado middii ugu xoogga badnayd baa maalintaas la isticmaalay, gabaldhicii isla maalintaas na, askar ka badan 10 kun baa noqday wax la dilay, wax dhaawacmay iyo wax la qafaashay. Dabshidka maalintan caanka ah ee D-day loo bixiyay waxa la qorsheeyay kolkii hore in uu dhaco 5 June, 1944, laakiin jawiga oo aad u xumaa awgeed, Janaral Dwight Eisenhower, hogaamiyihii ciidamada Huwanta, ayaa hujuunkii qorshaysnaa dib u dhigay muddo 24 saacadood ah.

Jarmalku si dhab ah ayay u filaayeen in weerar culusi ku soo maqanyahay, laakiin waxa ayna sinaba uga war qabin goobta iyo goorta hujuunka loo qorsheeyay, waana loogu talagalay in aanay xogtaas helin. Adolph Hitler iyo Janaralaadiisa oo dhami waxay moodaayeen in bishii May oo jawigu aad u wacnaa hujuunka wayni dhacaayo, xeebta Kaalee (Calais) na ay tahay meesha dirirtu ka bilaabmayso, laakiin sidaas ma ahayn. Xogta ku saabsan goobta iyo goorta dagaalku bilaabmaayo waxay ahayd sir culus, oo xataa aanay ka war qabin janaraaladii u gu sareeyay ciidamada Huwantu. Habeenkii ka horeeyay 6 June, 1944, ayay kumanaan diyaaradaha Huwanta ahi ciidamo baarashuud la gu daadiyay ku dajiyeen meelo ka dambeeya difaacii ciidamada Jarmalka ee xeebta Normandy, oo ah halka loo qorsheeyay in dagaalku ka dhaco. Ciidamada hawada la ga daad-gureeyay waxa ku xigay diyaaradaha bambaanooyinka xambaara oo sida roobka oo kale u garaacay difaacyadii adkaa ee Jarmalku ay ka sameeyeen xeebaha Normandy. In kasta oo ciidamada Jarmalku ay ka diyar garaw wacnaayeen kuwa Huwanta, hadana tiro ahaan baa la gu qarqiyay waa na la jiidhay.

Muddo hal usbuuc ah gudahii, ayay ciidamadii Huwantu xeebaha France ku keeneen ciidamo xoojin ah oo gaadhaaya 600 oo kun oo askari iyo 90 kun oo baabuurta dagaalka ee ciidamadu isticmaalaan ah. Dhimasho iyo burbur baaxad leh baa ka dhacay dhulkaasi, muddo laba bilood gudahood ah na, ciidamada Huwantu waxay qabsadeen magaaladda Paris. Charles de Gaulle iyo ciidamadii xoraynta Faransiiska ee jabhadda ahaa baa Paris wadooyinkeeda dhex lugeeyay. Xiligaasi waxa soo baxay, sida dib la ga ogaaday, in ciidamadii Huwanta, gaar ahaan kuwii Faransiisku ay askartii Afrika ka soo jeeday ee la dagaal gashay cunsuriyad ku la kaceen, iyaka oo ka reebay ciidamadii wadooyinka soo maraayay ee guusha muujinaayay. In kasta oo isku si loo dhintay, loo na dagaalamay, hadana cunsuriyaddu na waa garab socotay. Soomaalida ayaa ka mid ahayd askarta waagaas la yidhi waa madaw ee meelahaas ku qariya. Niman la soo gaadiid qaatay, oo aanay dagaalka wax u ga cabaaba jirin bay ahaayeen.

Arintaas waxa geeraar ku sheegay nin la odhan jiray Maxamed Nuur-laangadhe, oo ka mid ahaa gabayaa badan oo Soomaaliyeed, oo Ingiriisku ka dalbaday in ay suugaan dacaayad dagaal ah (war propaganda) tiriyaan, si Soomaalida loo gu sheego in goobaha dagaalka oo dhan Ingiriisku ku gacan sareeyo. Maxamed Nuur-laangadhe oo sheegaaya in aan dagaalkaas Yurubiyan ka wax ka galay jirin, ayaa geeraar can noqday tiriyay, waxaana ka mid ahaa qaybahan:

– Gudaha ceelka Hargeysa.

– Inta aan wax gasiintiyo

–  Intaan gaajo ku seexday.

– Hadii aan isu geeyay.

– Tirada waa isku gaw’e.

– Labadan gaal ee is dilaaya.

– Ee abtirsiimo gudboon.

– Maxaan mid u gumayn

– Mid na guusha u siinee.

– Aniga ii ga gidhiish ah?

– Kol hadaan gurigayga.

– Garnayl loo la tagaynin.

– England waa la galay iyo.

– Baarliin baa gubanaysa.

– Maxaa ii ga gidhiish ah?

– Kol hadaan ka gabyay

– Go’aygii na ka qaatay.

– Maxaa ii ga gidhiish ah?

Si kastaba, maalinta D-day la baxday dabshidkii bilaabmay, wuxu keenay in ay si joogto ah ciidamada Jarmalku dib u gu gurtaan. Ka dib Paris, ciidamada Huwantu waxay u dhaqaaqeen dhinaca Bariga iyo Belgium, waxa ay na gacanta ku dhigeen dekedda wayn ee Antwerp. Tani waxay Huwanta u suurto-galisay in ay shidaalka, hubka iyo saadka si sahlan u gu daabulaan ciidamadooda dagaalka ku jira. Marka kaliya ee Huwanta la jabiyay ama la joojiyay waxay ahayd kolkii ay u dhaqaaqeen dhinaca Holland. In kasta oo magaalooyinka Eindhoven iyo Njmegen ay guulo ka keeneen ciidamo baarashuud la gu keenay oo Maraykan ahi, hadana dagaalo qadhaadh oo ka dhacay magaalada Arnhem ee Holland ayay ciidamada Jarmalku ku jabiyeen ciidankii Ingiriiska ee loo yaqaanay Jinka Cas (The Red Devil). Dhacdadaas Arnhem in yar uun bay hakisay socodkii ciidamada Huwanta, laakiin hadana dib bay u amba qaadeen gulufkii.

Isla xiligaas ay ciidamada Huwantu Galbeedka Yurub ka dagaalamaayeen, dhinaca bariga waxa iyana Jarmalka ka la soo dagaalamaayay, ciidamadii Soofiyeedka oo Ruushku hor kacaayo. Waxay bilaabeen sanadkaas 1944, in ay Jarmalka dib u ga qabsadaan magaalooyinka Stalingrad [Volgograd], Moscow, iyo Leningrad [St. Petersburg]. Ka dib na, waxay Ruushku Jarmalka ka soo saareen Finland, Poland, iyo Romania. Dhamaadkii July, 1944, ciidamadii Soofiyeedku waxay 50KM kaliya u soo jireen caasimadda Poland ee Warsaw. Dhacdo foolxun baa xiligaas ka dhacday Poland, hogaamiyihii Soofiyeedka (Josef Stalin) ayaa na khiyaameeyay shacbiga wadankaasi. Idaacadda Moosko ayaa la hadashay dadwaynaha Poland, waxay na ku boorriyeen in ay ku kacaan oo la dagaalamaan ciidamada Jarmalka ee dhulkooda jooga, sidii baanay yeeleen.

Ciidamo Poland ah oo ka badan 40 kun ayaa kacdoon Jarmal diid ah ku kacay, laakiin si xun baa loo jabiyay, Soofiyeedkii dabka galiyay na si badheedh ah bay u ga seexdeen. Josef Stalin waxa uu ogaa in ciidamada kacdoonka sameeyay ee Poland aanay shuuciyadda la haynin. Sidaas darted, waxa uu go’aansaday in uu Jarmalka iyo dadka Poland ee dagaalamaaya isu daayo inta ay is ku dhamaanayaan, ka dib na, labada dhinac ba iyaka oo tag daran uu kubadda ka dhex qaado oo magaaladda Warsaw qabsado, sidii uu Josef Stalin doonaayay bay na u dhacday.

– Ninkii kibir-hawoodaba, midbaa xadhig ku keenayne.

– Konton mayl hadaa loo jiraa, Karintii Baarliine.

– Kurtin qiiqayaa labada dhinac, la ga kulaalaaye.

– Muslimiinta Eebboow kor yeel, Koodu waa sahale. (Xassan-tarabi)

Si kastaba, dhamaadkii 1944 (afar bilood ka hor dhamaadkii dagaalka), xaaladdu aad bay u gu adkaatay Hogaamiye Adolf Hitler. Bariga waxa ka ga soo qulqulaayay ciidamadii Soofiyeedka oo Poland ka soo gudbaayay, Galbeedka na waxa ka ga soo durkaayay ciidamada Huwanta. Xiliyadaas amuuruhu ay dhanaanaadeen, xataa Mr Hitler saraakiisha ciidankiisu waxay isku dayeen in ay khaarajiyaan, laakiin wuu ka badbaaday bambaano la gu qarxiyay. Sidaas oo ay tahay, hadana Hitler waa diiday in uu is dhiibo, dagaalkii na si naf la caari ah buu ku sii waday dhawr bilood oo kale. Ciidamadii Jarmalka khaasaare badan oo is daba joog ah baa soo gaadhay, bishii Febraayo ee 1945 na, dib bay u gurteen iyaka oo ka gudbay wabiga Rhine ee caanka ah. Dhul-waynihii Jarmalka ayaa hareeraha la ga soo galay, ciidamadii Huwanta iyo kuwii Soofiyeedku na iyaka oo guulaystay bay kulmeen.

Odaygii Hitler ahaa waxa uu sugay ilaa intii si balaadhan loo burburinaayay magaaladii Berlin oo Soofiyeedku ay si xun u duqeeyeen. Halkaas kolkii ay maraysay, ee caasimadiisii meel kastaba bambaano iyo madfac duulayaa ay qariyeen, ayuu garawsaday in guul-daro la ma huraan tahay, isaga ayaa na gacantiisa is ku dilay. Madaxa ayuu is ka toogtay baa la sheegaa. Sidaas taariikh yahanno badan baa qaba, laakiin muddo ka hor, barnaamij dhinaca taariikhda ah (The Witness, BBC World) waxa la gas ii daayay hadal ay sanado badan ka hor sheegtay gabadhii Mr Hitler xog-haynta u ahayd, waxa ay na tilmaantay in uu kiniin sun ah qaatay. Waxay gabadhaasu tidhi, Mr Hitler maalmihii u dambeeyay noloshiisa cid kasta ba wuu ka aamin baxay, xataa dhakhtarkiisu kolkii uu u keenay kiniinkii sun ta ahaa ee uu dalbaday, waxa uu amray in kiniinka marka hore lagu tijaabiyo eygiisii in kiniinku yahay mid wax dilaaya iyo in kale, sidii baa na la yeelay. Kolkii la siyay ba eygii yaraa ee miskiinka ahaa wuu dhacay, Hitler na wuu aqbalay in uu kiniin sun ah yahay. Ka dib, isaga iyo gabadhii ay saaxiibka ahaayeen ee Eva Braun ayaa liqay kiniinkii, wakhti gaaban ka dib na dunida waa ay ka galbadeen. Sidaas bay soo warisay xoghayntiisii garka ahayd oo la joogtay daqiiqadihii u dambeeyay ee noloshiisa.

Hal usbuuc ka dib geeridii Hitler, ciidamadii Jarmalka intii ka hadhay, oo tiradoodu ka badnayd hal milyan oo askari calanka cad ayay taageen, waana is dhiibeen. Ciidankii birta ahaa ee hanka waynaa, ee dagaalada aadka u badan soo galay, ee umadaha kala duwan hal mar la wada dagaalamay, waxa ay isu dhiibeen ciidamadii cadawgooda ahaa, gaar ahaan kuwii Huwanta (Allied forces), iyaka oo ka ordaaya in ay u gacan galaan kuwii Soofiyeedka ee dhinaca Bariga kaga yimid. Todobadii bishii May, 1945, sacaddu markii ay ku tagnayd 3 galabnimo, ayaa munaasabaddii is dhiibitaanka ee rasmiga ahayd ee ciidamada Jarmalka waxa lagu qabtay dhisme iskuul oo ku yaalla magaalada Reims, oo ku taala Waqooyi Bari ee Faransiiska. Goobtaas iyo goortaas ayay labadii dhinac ee kala adkaaday heshiis is dhiibid ah ku kala saxeexdeen. Dhinacii Jarmalka waxa heshiiska u saxeexay Janaral Alfred Jodl, waxa uuna jeediyay hadal kooban, laakiin si dhab ah u muujinaaya jabka gaadhay. Waxa uu yidhi – ciidamada iyo dadka Jarmalku waxa ay hadda laga bilaabo si rasmi ah isugu dhiibeen ciidamada Huwanta, xumaan iyo samaan tii ay keento ba. dhinaca kale na Janaral Dwight Eisenhower oo ahaa taliyaha ciidamada Huwanta ayaa u saxeexay. Wixii Jarmalku ay saanad ciidan lahaayeen (hub, maraakiib iyo diyaarado) waxa qaybsaday xoogagii Huwanta. Waxa sidoo kale la qaybsaday dhulkii Jarmalka, iyo xataa saynisyahanadii warshadaha ciidamada Jarmalka ka shaqaynaayay.

Dagaalkii Aduunka qaybtii Yurub iyo Afrika ka socotay halkaas ayay ku dhamaatay,  aad na waa loo ga dabaal dagay wadamadii huwanta (Yurub iyo Waqooyiga America). Sidaas oo ay tahay, laba amuurood ayaa farxadii dhamaadka dagaalka hoos u dhigay, waxay na kala ahaayeen, (1), Dhimashadii tirada badnayd ee dagaalku keenay oo ahayd mid aan abid hore loo arkin loona malaynin, taas oo lagu daray kaamamkii xasuuqqa ee Jarmalku ay ku gumaadeen umadihii badnaa ee Yuhuudda iyo Yurubiyan ka kale ba lahayd, kuwaas oo aan hore xaalkooda si faahfaasan loogu ogayn, iyo (2), dagaalka qaybtii Pacific ga ee Japan iyo Maraykan ka oo wali si qadhaadh uga socotay caalamka Barigiisa, aakhirkiina ku dhamaatay isticmaalkii hubka nukliyeer ka. Dagaalkii labaad wuxu ahaa mid aan horey u soo marin aadamaha tan iyo bilawgii dunida, khasaaraha naf iyo maal ba lahaa ee ku baxay na ilaa hadda tiro cayiman laga ma hayo, konton milyan baa se lagu sheegaa.

Aadamuhu tamar aqooneed iyo mid dhaqaale ba wixii ay heli karaayeen waxa ay isugu geeyeen sidii ay u heli lahaayeen hub aadamaha laftiisa la gu gumaado, waxaana la ga gaadhay heerkii u gu sareeyay, u gu na halista badnaa. Tusaale ahaan, lix dii sanno ee dagaalkii labaad uu socday, bilaw ilaa dhamaad, wixii hub la riday oo dhan hadii la isku wada daro, waxa ka baaruud iyo qarax wayn, ka na burburin badan, hal gujis oo kuwa nuclear ka xambaara ah ee haatan wadamada qaarkood ay haystaan. Hadii si kale loo sheego, bani aadamku wuxu sameeyay sanco sabab u noqon karta dhamaadka nolosha aadamaha oo dhan, laakiin ilaa hadda la ma samaynin aalad ama aaladdo sabab u noqon kara nolosha iyo ladnaanta aadamaha oo dhan. Sida loo gu kakanyahay, ee loo gu dadaalaayo asbaabta halaaga, hadii nuskeed la galiyo asbaabta nolosha, wax badan baa sida manta xaalku yahay ka wacnaan lahaa. Miyaanay ahayn?

Qalinka: Maxamed Haaruun

Tixraac:

1. Www.VOA.com (The making of a nation)

2. www.history.com

3. www.bbcnews.com (to day in history)

4. www.euronews.com (Facts you may not know about D-day)

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR