Hadaladii Murtida ahaa ee Robert Mugabe (WQ: Naasir Meecaad)

1. Waxaan La-hadlayaa Dumarka Iyagoo Laqabo Sawirada Qurxoon Soo Dhigaya Facebook, My sister (Walaasheeyeey)  Waligaa Ma-Aragtay Alaab La-iibsaday oo Laxayay siinaayo?

2. Haddii Dawladu Make-up ka ay Mamnuuci Lahayd, Caruur badan Ma Aysan Aqoonsadeen Hooyadood.

3. Haddii aad rabtid in aad Ogaatid Dhibaatada ay Leedahay Halka Xaas, Moobeelkaaga Dhamaan Heesaha ku jira Iska Tir-tir (dalete), Marka laga reebo hal Hees, Heestaas Mar Walba Dhageyso, Ma u Heli Lahayd Wax Xiiso ah Dhegaysiga Heestaas?

4. Guurku Waa wax Ragga u Macaan, Guriga ayaad soo Gashay, Cuntadii baad Sugtay, Waa Laguu keenay, Waad Cuntay, Kadib Qoftii Cuntada Kuu Keentay ayaad Cunay.

5. Africa Haddaad Aragto Nin iyo Xaaskiisa oo Guriga Banaankiisa Fiidkii Ku Laydhsanaaya ha Moodin Romantic {jacayl},Waa Laba Mid uun

1. Korantada Ayaa Ka Maqan Guiga.

2. Alaabta Guriga Ayay iskaga Buufiyeen Sun.

6. Wuxuu Yidhi:-

Gabadh aad Jeclaatay baad Facebook ka Arkaysaa, Umana Sheegan kartid Jacaylkaaga, Laakiin Markay Sawir Qurxoon (Shidan) soo Dhigto baad u Qoraysaa oo Aad Odhanaysaa Wow wow wow wow.

My bro Ambulance Miyaad tahay?

7. Hablaha ka Waa-Wayn 25 Sano Jirka valentine’s day Uma Dabaal-dagi karaan, ha u Dabaal-Degaan Women’s day.

8. Ha Guursan Haweeney (naag) Carmal oo ilme Wadata, Waayo Lama Arag Ciyaar hal Gool iyo Eber ku Bilaabmanta .

9. Haddii uu Daanyeerku Lacag Haysan Lahaa, Dumarka oo dhami Duurka (Kaynta) ayay ku Noolaan Lahaayeen.

10. Haddii ay Gabadh Dalkale Kugu Tidhaahdo idhunko (Ishumi), Sifiican u Dhunko, Maxaa Yeelay Waxaad Metelaysaa Dalkaagi oodhan.

11. Dumarku waxay Leyihiin Raggu Shaqo iyo ficil Walboo uu Qaban karo, waanu qaban karnaa!!

My sister :- Kaadidaydaan Maggacaaga ku Qori karaa e Adigu Ma ku qoray.

12. Kawaran Haddaad Aroos kasta ka Qayb gasho, Welina Aad Tahay Single, Waxba kama Duwanid Hoolka Aroosku ka Dhacaayo Ama Taandhada lasoo kiraysto.

13. Naagtu Marka ay Uurka Leedahay Qof walba waa u Imanaaya, Caloosha Ayuuna ka Tabanaaya isagoo Leh Hambalyo, Balse Majiro Qof Ninka intuu u Yimaado Ku Odhanaya Xubintaadu Waxay Qabatay Shaqo Wacan ee Hambalyo.

13. Gabdhaha Dhashay 1990 Kii, Welina Aan La Guursan, Waxaan Xasuusineynaa 2020 iney 30 jir Noqonayaan, Markaa iska Sii Wata Su’aalihiina Nacasnimada Ah, Sida:- Halkee Kasoo Heshay Numbarkayga? Yaa Kusiiyey Numberkayga?

14. Haddii Dhakhtar iyo Kalkaaliso Is-guursdaan, Miyaanay Bukaan Iska Dhalayn?

15. Haddaad Guursato Gabadh Dhowr iyo Soddon jir ah, Waxaad ka Dhigan Tahay Adigoo Joornaalkii Aroortii Saaka Soobaxay Fiidkii iibsannaya.

16. Africa Digniinta Keliyee Laga Cabsadaa waa battery low.

17. Hadday kaa hor Timaado Gabadh Uurleh haku Qoslin ee Adigu Istijaabi Marka hore inaad Dhalayso.

18. My Sister (Walaashey) In Aad Nin Hanti Leh Shukaansato Kama Dhigna In Aad Hantiile Tahay, Xidhiidhkiina oo Dhamaada Ayaa Xaladaada ka Dhigi karta Siddii Taleefan restart Loodirey.

19. Haddii Naagtaadu Idinka oo Hawsha (Ciyaarta Furaashka) ku Jira ay kugu Tidhaahdo ilove You waxay ka Dhigantahay adiga kuma Jeclee waa Alaabta.

Ma Xaqiijin karno In dhamaan Hadaladaa uu Isagu yidhi haddaanay ahayn Sheekooyin Samaysa oo Burcaa tidhi oo kale ah,balse Siday doonto ha noqotee Waa Wax lagu Qoslo.

#Naasir Meecaad.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR