Hadimooyinka qabyaaladu bulshada dhaxalsiiso

Hadii uu hab-beeleedka ama qabiilku wakhtiyada qaar uu ku aha hanaan aad dugsato adiga iyo reerkinu, hadaba baro maanta waxa jira Qaran dhamaan shacabka somaliland ka dhexeeya oo aad ka mid tahay, waxaad kale oo aad fahanta in aanu maanta shaqeyneyn qabqable dagaal oo laga so gudbay, sidaas awgeed akhristow hadii aan Ku xasuisiyo hadimooyinka qabyaladana waxa ka mida,

1• Qabqable dagaal, dagaal-ooge,jaahil
iyo shaqsiyaadka bulshada ugu liita inu hu guri galo oo madaxweyne ama xilaal kaleba isku so sharaxo ama Ku so doonto.

2• Bulshada oo noqota umad dulmi iyo darxumo ku noolaata waligeed

3• Jaahilnimada oo noqota mid lagu faano.

4• Xaqa & Cadaalda ama shuruucda wadanka oo noqota in daciifnimo loo arko.

5• Bulshada oo aan waligood is aaminin shakina kala qabta markasta.

6• Danta guud iyo Dawladnimada oon waligeed si daacada loogu heshiin, qofkastaana diido cidii madax loo doorto hadii anu qabiilkiisa ahayn, kuna diido qabiilkiisa awgii, iyadoo laga yaabo ka reer kooda ah ee uu jagada larabo in uu yahay mid aan xilka loo dhiibayo u qalmin.

7• Marka ay dorasho noqoto in qofku dantiisa ilaawo oo uu ka fikiro dan qof kale oon waxaba ka quseyn dorashadana uu qabyaalad ku dorooto shaqsi aan u qalmin talada dalaka halkaasna dantiisii iyo xornimadiisii ku wayo bulshadana u galaafto.

8• Hogaamiyaha dalka loo doorto & Masuuliyiinta kalaba inay waxay doonaan oo xumaan ah, sameeyaan cidna ka baqi waayaan waddankuna foowdo aan la isla xisaabtamin uu noqdo, illayn waa umad qabyaaladi qaybisay oo awoodi iyo sharaftiiba ka qaadaye.

Qabyaaladu waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu liita dhaqanada aduunka ee baabi’in kara bulsho kasta xataa hadii ay diin, dhaqan,
deegaan, luuqad iyo wadan wadaagaan. Tusaale fiican waxaa u ah dhibaatada ay
Soomaaliya la kuftey ee ilaa maanta ka soo kaban laadahay.
Qabyaalada waxa Ku Adeegta Qof Aan is Garanayn shaqsiyadisa uu yahay oo bila kalsooniya Aminsanayna in uu leyahay Awoodo dabeeci ah oo uu ku gaadhi karo waxa uu rabo, inuu qabyaalad ku gaadho mooyane, qof qabyaalad isticmaala ama wehel ka dhigtaa ma garanayo Awoodo naftiisa ku jirta iskumana kalsoona inuu shaqsi ahaanti wax qabsan karo oo uu Guulaysan karo, hadaba bal aynu dhowr tuduc ka so qaadano maansadi #dabo-taxan ee Abwan Maxamed xashi dhamac “gaariye” alla ya raxmuye,

Nin kastoo dakano galay Qoluu dabada geliyoo
Denbi dhacay mas’uul ma leh. Markaad hebel duqaysaa,
Reer hebel damqanayaan. Ninkii dood ka keenana Dicaayado raqiis iyo
Waxaa lagu didsanayaa
Cid baa kaa dambaysoo,
Ninkii dooxi kara boog
Looma waayo daabaqad
Iyo qaar la daba gala.
Dunbuqayga hayska leh
Waxa loo dudduwayaa
Inuu yoolka dacal maro
Anna waan dhug daranahay. Ninkii daynka iga qabay
Indhahaan ku deyi laa
Waxa aan u dabayaa
Mid sidayda dulugle ah.
Dab baan huri is leeyahay
Daadna waan ku furayaa
Markaan dami is idhaahdana Gaas baan ku darayaa.

Marka laga hadlayo wakhtiyadi la so maray xiligii ay awooda lahayeen hogamiyaashi qaba’ilka ee lo yaqaney magacayda #korneeyl, #dagaal ooge, #qabqable dagaal waxa inta badan la isku masaali jirey xaga hadalada,ama dhaqanka sadex hogamiye dagaal oo midna S/land aha labna konfurta somaaloya ahaayen, hadi an yara xasuusano magaca yadoodi iyo hadaladoodi isku eeka, waxay kala ahayern,

1. Korneeyl muse bixi cabdi
2. Qabqable muse suudi yalaxow
3. Qabqable Maxamed Siciid morgan

Korneeyl muse bixi waxa lagu asuusta wakhtiyadi 1994ki ee dagalka ehliga ahi ka socday Somaliland tixidi gabeyga ahayd ee uu dagaal ka Ku galijiray “anigo wax dili kara duco qaadan maayo”

Qabable suudi yalaxoqna waxa lagu xasuusta xiligi u dagaalka ehliga ah kula jirey reerkoda mar la weydiyay maxaad Ku dagalameysa ee ka maqan wuxu Ku jawaabey “waxay donayanban doonaya” taariikhdana wey u gashey.

Qabqable Morgana marki u dagaalka xun la galay urirki SNM iyo shacabkisa wuxu isticmaali jirey kalmada “Waa kacaan diid” hada mid waliba dad shacaba ayu leymaye garo, waxa kale oo cajiiba sadexdoodiba mid waliba hadana wu isa so sharaxay oo madaxnimu shacaabki u layay u so doontay, tixdan abwan gariye alaya raxamuye ila eeg

Deegaanba awr baa
Ku kor doobinaayoo,
Waxay daawadaan hebel
Lagu yidhi dartiin baa
Duubka loogu xidhayoo,
La yidhaahdo, “Kama-dege”;
Durbaan bay u tumayaan
Intuu dooddiyaayoo
Hadday cidi danqaabtana
Dirir bay ka xigayaan;
Nin daardaari kara ma leh;
Marka uu duryaa baa
Laga daba qufacayaa.
Dadna waa hangoolkii
Maalin cidi dan leedahay,
Dalmarow la tabi jirey.
Maantana deyaankiyo
Digta kuu baxaysaa
Dushayday ku dhacayaan;
Dulin iyo qaniin baa
Igu deeddamaayoo
Dalooshuu is leeyahay
Ninba meesha ugu dagan
Ee dubkayga tuubbada
Degdeg looga sudhan karo.
Mana digigixoodoo
Duumadii qabiilkiyo
Maan-dooriyaa jira
Dedanaha sidayda ah
Damqashada ka bi’iyoo
Diciif loogu talo-galay.

QALINKII:- Khadar Kaariye cune

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR