Hal-abuurkeenna xaggee ku soo bandhignaa ? W/Q: Macallin Fardowsa Ciise Axmed

Haddii aan nahay Soomaali, waxaa had iyo jeer ka hadalnaa dhibaatooyinka ka jira waddankeenna, gaar ahaan waxaa diirradda aynu saarnaa oo keliya arrimaha waxbarashada, dhaqaalaha, caafimaadka iyo amniga. Laakiin ma aragno dad noo soo bandhigga dhibaatada na heysata xalinteeda halka ay naga jirto si aan go’aan uga gaarno inuu isbeddel yimaado. Si la mid ah ma aragno dad aan uga danbeyno iney noo soo jeediyaan talooyin wax dhisa, oo haddana aan ka dhageysano,waxaanba oran karaa malihin goobo aragtiyaha ama hab fikirada wanaaagsan ku soo bandhigno, isku weedaarsano iyo xarumo aan ku faafinaba. Arrimaha aan kor ku soo xusay ahna baahiyaha gaarka maanta bulshada Soomaaliyeed aad ugu baahan yihiin, badankood waxa ay hoos imaaayaa warfaafinta ama warbaahinta “media” oo ah midda ugu afka dheer Caalamka maanta aynu joogno, haddana waddankeenu hal dhinac buu uga faa’ideystay ama la dhihi karaa dirradda saartay, waana taxliilinta siyaasadda taas oo aad mooddo iney tahay barta dhibka ugu badan kala kulannay.

Akhristaha sharrafta la how, warbaahinteennu waxa ay u muuqataa in qeybo badan oo nolosha ka mid ah ilowday ama ay ka aamustay, xitaa mustaqbalka carruurteenna waxaa aan u diyaar gareynay iney maqlaan cabasho keliya. Taas oo ku sii abuuraysa da’yarta dhaxalka naga sugeysa niyadjab aad u liita. Rajadii iyo in kheyrka la fisho wey naga sii dhamnaaneysaa. Tan noogu darran ayaa waxa ay tahay in, dhallinta waddanka ku dhashay ee ku barbaaray ay ka niyadjabsan yihiin in, waddanka gudihiisa ay horumar ka sameeyaan. Khaladkaasna waxaa uu ka dhashay daruufo waddanka ka jiro awgood.

Meelaha xilligan uu waddanka horumarka ka sameeyay waxaa hoggaanka u haya Soomaali qurbaha ka timid, badanaa lagu tilmaamo in ay yihiin koox u diyaarsan hogaamin bulsho. Argattidaasi aad baa loogu kala duwan yahay in, qurba joogtada ay yihiin kuwa mudnaanta koowaad la siyey siyaabaha la doonaba ha loo sababeeyo. Runtii qeyb wey ka yihiin horumarrada waddanka ka jira, laakin waxaa sheegis mudan in fursad la siiyo dhallinta waddanka joogta qeyb walbaba ha noqotee. Akhristow, fursadaha shaqo ay helaan kuwa waddanka ku dhashay waa ay yar yihiin, ganacsiga ay sameeyaanna maba la tartami karo dunidda. Waxa aan ka hadlaayay oo dhan iyagana waa dhibaato kale oo u baahan xallin gaar ah.

Haddaba, haddii aad tahay ruux dhallinyaro ah oo waddanka ku dhashay, kuna barbaaray, waxna ku bartay, rabana in mustaqbal wanaagsan naftiis u hogaamiyo, dhaxalna u reeb jiilka naga dambeeya. Ma rabtaa isbeddel inaad sameyso? Maxaad jeceshahay inaad qabato? Sideed u aragtaa haddii aan sameyno madal “gole” aan ku kullanno si, aan isku dhaafsano aragtiyaha, isla markaanna ku soo bandhigno hal-abuurkeenna ? Sidee u aragtaa si aan xal ugu helno caqabadaha aan ka soo sheekeeyey iyo kuwa badan oo aad ogtihiin ?

Fadlan aragtidaad igu soo biiri, waana ii muhiim. Haddii aad jeceshahay in aan wax wada qabsanno.

Dhammaad.

W/Q: Macallin Fardowsa Ciise Axmed

Email- firdowsa.bilan@gmail.com

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR