Halka Uu Martin Odegaard Ka Gali Karo Shaxda Arsenal Kadib Markii Uu Ku Soo Biiray Gunners.

Halka Uu Martin Odegaard Ka Gali Karo Shaxda Arsenal Kadib Markii Uu Ku Soo Biiray Gunners.

Kooxda Arsenal ayaa ugu dambayn ku dhawaaqday saxiixa xiddiga Martin Odegaard kaas oo ay qaab amaah ah ugala soo wareegtay kooxda Real Madrid.

Martin Odegaard ayaa isaga baxsay godkii uu ku jiray Real Madrid kadib markii ay Arsenal xiiso u muujisay si uu boos joogto ah uga helo Gunners.

Kooxda Arsenal ayaa Martin Odegaard u keentay badalka Mesut Ozil kaas oo isaga tagay kooxda kadib 8 sano oo uu ku sugnaa Emirates.

Xiddiga Martin Odegaard ayaa ah xiddig tayo leh waliba kubad sameeye ah waana booska ay Arsenal in badan u dhibaatootay xilli ciyaareedkan.

Odegaard ayaa ka ciyaari kara dhamaan 3-da boos ee weerarka iyo waliba khadka dhexe ee weerarka laakiin booskiisa ugu fiican ayaa ah No.10 ama khadka dhexe ee weerarka.

Hadaba shabakada The Sun ayaa soo saartay halka uu Odegaard ka gali karo shaxda kooxda Arsenal kadib markii uu ku soo biiray Emirates.

How Arsenal are most-likely to line-up with Odegaard in the team

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Saddex Nin Oo Ayna Dumarku Waligood Ku Soo Noqon Wax Walba Oo Dhaca

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR