Halka Wado Ee Shaqada Looga Caydhin Karo Unai Emery Oo La Kashifay

ST ALBANS, ENGLAND – AUGUST 10: Arsenal Head Coach Unai Emery during at London Colney on August 10, 2019 in St Albans, England. (Photo by Stuart MacFarlane/Arsenal FC via Getty Images)

Agaasimaha Kooxda Arsenal ee Raul Sanllehi ayaa kashifay Halka Arin ee sababta u noqon kara in uu waayo shaqadiisa tababaranimo ee Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Raul Sanllehi ayaa sheegay in ay kooxda Arsenal shaqada ka caydhin doonto tababare Unai Emery hadii ayna Kooxda Arsenal u soo bixin tartanka champions league xilli ciyaareedka dambe.

Kooxda Arsenal ayaa suuqa galisay lacag dhan 150 milyan oo euro iyaga oo sameeyay saxiixa ugu qaalisan taariikhdeeda kadib markii ay la soo saxiixdeen Nicolas Pepe.

Gunnars ayaa haatan kaalinta 3-aad kaga jirta horyaalka premier League xilli ciyaareedkan kadib markii ay badisay 4 kulan bar-barahan gashay 3 kulan halka laga badiyay hal kulan.

Raul Sanllehi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan u sheegnay Unai Emery in aan seegnay champions League xilli ciyaareedkii hore laakiin kadib markii aan lacag galinay kooxda suuqii xagaaga waxa aan ka filaynaa in ay kooxdu u soo baxdo tartan”ayuu Raul Sanllehi yidhi.

Hadalka Agaasimaha ayaa u muuqda mid digniin u ah tababare Unai Emery isaga oo ay shaqadiisu halis ku jirto hadii uuna kooxda kooxda ka caawin u soo bixista champions League.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR