Halyeey ugu tababaraha xulka France Didier Deschamps inuu dib ugu yeero gooldhaliye Karim Benzema

Halyeeyga xulka qaranka France Eric Cantona ayaa wuxuu daaha ka qaaday inuu doonayo inuu arko weeraryahanka kooxda Real Madrid Karim Benzema oo markale u ciyaaraya xulka Faransiiska.

Eric Cantona ayaa soo jeediyey in uusan kaliya aheyn shaqsiga doonaya inuu arko Karim Benzema oo markale xiran maaliyadda France, sidoo kale xiddiga Los Blancos ayaa daaha ka qaaday inuu rajeynayo in dib loogu yeero.

Benzema ayaan u ciyaarin xulka Les Bleus tan iyo bishii October 2015kii, waxaana xusid mudan inuu seegay tartankii Euro 2016 ka dib markii lagu helay dembi ah inuu muuqaal galmo ah ka duubay saaxiibkiis Mathieu Valbuena oo saaxiibtiis la baashaalaya ka dibna uu lacag ku xujeeyey.

Laakiin Maxkamadda Court of Cassation ayaa bishii July daaha ka qaaday in lala laabtay dacwaddii looga soo horjeeday xiddigaan Benzema.

Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Faransiiska Noel Le Graet ayaana u sheegay tababare Didier Deschamps inuu u yeeran karo Benzema. Laakiin tababaraha ayaa Isbuucaan daaha ka qaaday inay tahay wax lagu caajiso in marwalba la weydiiyo xilliga uu u yeeri doono xiddiga Real Madrid.

Laakiin Cantona wuxuu daaha ka qaaday inuu rajeynayo in dib loogu yeero Benz: “Sida iska cad waxaan dooneynaa inaan aragno ciyaartoyda ugu wanaagsan oo matalaya France, Karim Benzema wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan France, mana ihi shaqsiga keliya ee doonaya in Benzema loo dib loogu yeero”. Cantona ayaa sidaasi u sheegay France Inter.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR