Halyeeyga Manchester United Ee Wayne Rooney Oo Aaminsan In Jagada Tababarenimo Ee Kooxda Uu Shaqsi Kaliyi Ku Tartamayo & Cida Uu Yahay Oo Uu Sheegay.

Halyeeyga kooxda Manchester United iyo xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa daaha ka qaaday aragtidiisa ah shaqsiyaadka ku loolamaya xilka tababarenimo ee kooxda oo haatan uu si kumeel gaadh ah u hayo macalin Ole Gunnar Solskjaer.

Rooney oo mudo kahor warraysi laga qaaday ayaa sheegay in shaqsiga uu la jeclaan lahaa xilka tababarenimo ee Red Devils uu yahay tababaraha haatan ee kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino balse markale ayuu war cusub keenay.

Rooney ayaa hadda aaminsan in shaqadaasi uu kaliya hal qof xoraystay oo uu u tartamayo waana isla tababaraha haatan ee Ole Gunnar Solskjaer kaas oo uu sheegay inuu farxadii kusoo celiyay kooxda.

Wayne Rooney ayaa yidhi “Waxa uu ku bilaabay fududaan waxaana uu jamaahiirta dib ugu soo celiyay aaminaadii, Waxa uu meesha ka dhigay mid lagu raaxaysan karo mar labaad oo la tago oo lagu shaqeeyo maalinkasta”


“Shaqaalaha ku hareeraysan xerada tababarka ee Carrington waxa ay ku raaxaysanayaan ka shaqaynta halkaas mar labaad, Marka aad aragtid shaqaalaha ku hareeraysan ciyaartoyda oo faraxsan waxa ay samaynaysaa deegaan faraxsan oo lagu shaqeeyo”


“Isagu waxa uu qabanayaa shaqo cajiib ah waanan hubaa inuu yahay murashaxa kaliya  ee Manchester United si uu shaqadaas u qaato waxaana ay noqon lahayd mid wayn in la arko isaga oo shaqada helaya oo keensada qaar kamid ah ciyaartoyda uu doonayo inuu keeno oo uu sii wado u dhaqaajinta kooxda ee xaga hore”

Dabcan Ole ayaa tan iyo caydhintii Mourinho qolka labiska ee Red Devils oo ahaa mid kacsan dajiyay iyada oo qanacsanaanta garoonka dhexdiisa iyo dibadiisaba laga dheehan karo wajiyada xiddigaha.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR