Halyeeyga Manchester United Gary Neville Oo Hambalyo Kaga Careysiiyay Jamaahiirta Citizens Kadib Hanashadoodii Horyaalka.

Halyeeygii hore Man United Gary Neville ayaa dib ugu soo laabtay barta twitter-ka waqti yar kadib markii ay Manchester City ku guuleysatay horyaalka Premier League,wuxuuna qaaday talaabo uu kaga careysiinayo jamaahiirta kooxdaas.

Citizens wey ku guuldareysatay iney horyaalka ku xaqiijiso Etihad Stadium kulan ay la ciyaareen dhigooda United maadaama 3-2 looga adkaaday, balse markaan waxey hubanti u noqotay markii ay United guuldaro kala kulantay West Brom kulan ka tirsan horyaalka Premier League oo ka dhacay Old Trafford.

Gary Neville oo 8-jeer la qaaday horyaal kooxda Man United ayaa halkii uu hambalyo u diri lahaa kooxda ay kooxdisii hore aad u coltamaan inyar maad ah ku faafiyay bartiisa twitter-ka.

“Waa wax aan ku farxayo” ayuu soo qoray Gary Neville kadib markii uu sii gudbiyay warbixin yar oo tilmaameysa in Manchester City ay dhanka hanashada horyaalka hal u jirto Sunderland halka ay laba horyaal u jirto Aston Villa.

Man United markii ugu dambeysay oo ay horyaalka ku guuleysato waxey aheyd 2013, waana markii uu fariistay Sir Alex Ferguson, kabtankii hore United Gary Neville ayaana bilaabay inuu ku gubo Citizens wax ku saabsan taariikh.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR