Hantida Qaranka ee la iska qaato ma duugoowdaa waqti ahaan?

Hantida Qaranka.

Codsi.

Adiga oo aan u qaadan Mucaaradnimo & Muxaafadnimo oo aan siyaasadeeyn iiga Jawaab su’aalahaan,si aan uga faa’iido aragtidaada.

1-Hantida Qaranka ee la iska qaato ma duugoowdaa waqti ahaan?

2- Haddii laga Soo bilaabayo wixii Ka dambeeyay 1991,wixii Ka horeeyay ma la xisaabinayo miyaa Sabab?

3- Sida loogu Kala baahanyay, mudnaanta Hantida la Soo celinayo maxaa cabir u ah?

4- Guddi Siyaasiyiin u baadan maxaa loogu magacaabay?

5- Hantida Qaranka Maku Jirtaa lacagta Kaashka ah ee loo baahan yahay in la Soo celiyo?

6- Gudiga wasiiradu waqti ma u hayaan, oo shaqadii loo igmaday, ma Ka soo faraxasheen?

7- Amarkaani ma Hantida Xamar ayuu Ku eg yahay Mise Gobaladana waa saameeynaa?

8- suura gal ma tahay in dad gaar ah oo fikirkooda la diidan yahay loo isticmaali Karo,in lagu handado?

10- Ma tahay Waqtigii Ku haboonaa nabadgalyo ahaan?

11-Waad Ku mahadsan tahay jawaabtaada.

Codsi: Haddii hanti qaran la Soo celinaa, Aniga ha la iga bilaabo, si howshu u fudufaato, hanti Guurto ah iyo ma Guurto ummadeed weligey ma qaadan.la imana soon.

Qore: Yahya Amir

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR