Harry Kane oo noqday cayaaryahanka Spurs EPL ugu goolasha badan taariikh ahaan

 

Harry Kane ayaa labo jeer shabaqa soo taabtay kulanka haatan soconaayo ee Tottenham 3-0 ku leedahay naadiga Everton kana dhacaayo garoonka Wembley.

Kane labada gool uu dhaliyay wuxuu ku dhaafay halyee Teddy Sheringham oo horey Spurs Premier League ugu dhaliyay 97-gool.

Kane haatan 98-gool ayuu EPL kaliya u dhaliyay kooxda Spurs wuxuuna si rasmi ah u noqday cayaaryahanka kooxdan Premier League ugu goolasha badan taariikh ahaan.

Fadlan hoos kaga bogo xidigaha Spurs goolasha ugu badan EPL ka dhaliyeen iyo kulamada ay cayaareen:

Harry Kane – 98-gool & 135-kulan

Teddy Sheringham – 97-gool & 236-kulan

Robbie Keane – 91-gool & 238-kulan

Jermain Defoe – 91-gool & 276-kulan

Sidoo kale Harry Kane labada gool uu Everton ka dhaliyay waxay ka caawisay inuu darajada 20-gool gaaro afar sano oo isku xigto waana cayaaryahanka sedexaad ee sidaas sameeyo.

Thierry Henry ayaa ugu horeeyo oo 5-sano xariir ah 20-gool ka badan EPL ka dhalinaayay waxaana ku xigaan Alan Shearer iyo Harry Kane oo min 4-sano xariir ah EPL darajada 20-gool gaarayeen.

Sidaa darteed Kane wuxuu kusoo baxay gool dhaliye dib u qoraayo rikooradii waa weynee ee horey EPL looga dhigay.

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR