Harry Maguire Oo Sheegay Wakhtiga Ay Tahay In La Qiimeeyo Qaab Ciyaareedkiisa Man United Kadib Markii Uu Noqday Daafaca Ugu Qaalisan Adduunka.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Man United ee Harry Maguire ayaa sheegay in aan wali la gaadhin wakhtigii la qiimayn lahaa qaab ciyaareedkiisa kadib markii uu 8 kulan u ciyaaray Man United horyaalka premier League.

Maguire ayaa noqday daafaca ugu qaalisan adduunka kadib markii uu 80 milyan oo euro ugu soo biiray kooxda suuqii xagaaga isagaoo kaga soo biiray Leicester City Laakiin Maguire ayaa si adag ku bilowday xirfadiisa kooxda Man United.

“Waxan u malaynayaa in la i qiimeeyo wakhtiga, taas ayaa ahayd muhiimada ugu weyn”ayuu Maguire yidhi.

“Marka la gaadho 5 ilaa 6 sano ayaa la qiimayn karaa qaab ciyaareedkayga, in aan ku fashilmay kooxda iyo in aan ku guulaystay”.

“Waxana aan ku kalsoonahay 5 ilaa 6 bilood in aan guulo la gaadhi doono Man United, waxa aan hubaa in aan wakhti fiican qaadan doono”.

“Waxa aan u baahanahay in aan horumarka wado waliba kooxda la gaadho guulo sanadaha soo socda”.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR