Hawlgal lagu soo qabtay shaqsiyaad bartilmaameed ahaa oo xalay ka dhacay Baydhabo

Ciidanka Koonfur Galbeed oo kaashanaya kuwa Dowladda ayaa xalay hawlgal ka sameeyay Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Hawlgalkan oo ahaa mid ammaanka lagu xaqiijinayay ayaa waxaa horkacayay saraakiisha ugu sareysa dhanka ammaanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Intii uu socday hawlgalkan ayaa ciidamada waxa ay baaritaano guri guri ah ka sameeyeen xaafadaha ku yaalla Magaalada Baydhabo.

Shaqsiyaad bartilmaameed ahaa ayay saraakiishu sheegeen in hawlgalkan lagu soo qabtay, kuwaasi oo hada ku xiran Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadkan lagu sameyn doono baaritaano guud, si loo kala saaro dadka dambiilayaasha ah iyo kuwa aan waxba galabsan.

Xaalada ammaan ee Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan degan, bacdamaa ay si joogto ah u shaqeynayaan Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka Somaliya.

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR