Henrikh Mkhitaryan Oo Kashifay Sababtii Dhabta Ahayd Ee Loogu Qasbay In Uu Ka Tago Arsenal.

Xiddiga Henrikh Mkhitaryan ayaa si aad ah u doonayay in uu isaga tago kooxda Arsenal suuqii xagaaga isaga oo xitaa aan heshiiska shaqsiga ah kala heshiin kooxda Roma ka hor intii uuna ogolaan in uu heshiis amaah ah ugu biiro kooxda reer Italy.

Xiddiga khadka dhexe ayaa Roma ku biiray maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga inkasta oo uuna meesha ka saarin ku soo laabashada Emirates hadana Henrikh Mkhitaryan ayaa qirtay in uuna ku faraxsanayn Arsenal.

Emery ayaa ogolaaday in uu Henrikh Mkhitaryan isaga tago kooxda waxana uu xiddiga reer Armenia haatan sharaxay sababtii uu ugu qasbanaaday in uu isaga tago Arsenal.

“Waxa aan doonayay in aan ku raaxaysto ciyaarista kubada cagta muhiim ma lahan meesha aan ka ciyaarayo”ayuu Henrikh Mkhitaryan yidhi.

“Laakiin kuma Faraxsanayn Arsenal iyo England”.

“Waxa aan Telefoon ka helay wakiilkauga waxana aan doonayay in ana ku biiro Roma sababta oo ah waxa ay ii ahayd fursad weyn”.

“Xitaa mushaharka kalama hadlin kooxda Roma”.

“Waxa aan u maleeyay in aanan ku fiicnayn kubada England sidaas darteed waxa aan u maleeyay in uu is badal ii fiicnaa”.

“Bishii ugu dambaysay kuma faraxsanayn Arsenal sidaas darteed waa sababtii aan u doortay in aan ugu biiro Roma si aan u faraxsanaado uguna raaxaysto ciyaarista kubada mar kale”

Let’s block ads! (Why?)

NAGALA SOO XIRIIR:- WEBMASTER@GEESGUUD.COM AMA FORMKA HOOSE RIIX BUUXI OO TOOS NOOGU SOO DIR